Author Topic: Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)  (Read 28333 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)
« on: December 17, 2010, 06:32:09 PM »
Dad badan oo qaba sonkorowga Nooca 2 waxay qaataan daawooyinka afka ee sonkorowga.Kuwaasi waa kiniini lala isticmaalo cuntada iyo jir-dhiska si loo xadido sonkorta dhiiga.
Kaniinigu ma aha insulin.Waxaa jira dhowr kooxood oo daawada afka oo lagu daaweeyo sonkorowga.

Sulfonylurea
Daawooyinkaani waxay hoos u dhigaan sonkorta dhiigaaga inta badan iyago sababaya in ganaca soo saarto insulin badan.
Kiniiniyada kooxdaan waxaa la qaataa hal ama laba goor maalintii, inta badan quraacda ka hor ama cashada.Qaar ka mid ah daawooyinka inta badan la isticmaalo waxaa ka mid ah:
# Glipizide oo la mid ah magaca Glucorol®, GlucotrolXL®, iyo Glucotrol XR®
# Glyburide, oo loo Yaqaan magaca Micronase®, Glynase® ama DiaBeta®
# Glimperide, waa la mid magaca Amaryl®
Waxaad u baahan tahay inaad cunto 30 daqiiqo gudahood markaad qaadato daawooyinka kooxdaan si loo yareeyo fursada hoos u dhaca sonkorta dhiigga.
Haddii aad qaadato daawada oo aad ka boodo cuntada, Waxaa kugu dhacaya dhibaato badan oo hosaynta sonkorta dhiiga ah.
Hoos u dhaca sonkorta dhiigga ama hypoglycemia waxay noqon karaan dhibaatooyinka waa dareen tabaryari ama gariir, wareer, ama gaajo. Daawooyinkani waxay kalo keenaan kordhid miisan. Dadka qaba xasaasiyada sulfa ma awoodaan inay isticmaalaan kooxdan daawooyinka ah.

Biguwanidis
Metformin waa daawada keliya ee kooxdan. Waxaa kaloo Yaqaan nooca magaca Glucophage® inta badana waxaa lo qaataa 2 goor maalintii. Daawadani waxay caawinaysa unugyadaada inay u nuglaadaan insuliinka si jirkaagu u awoodo inuu Isticmaalo adiga insuliintada si ay u yarayso sonkorta dhiigaaga. Waxay kalo ka shaqaysa si ay uga celiso beerkaagu inuu ku soo daayo macaan badan jirka. Dadka qaarkood waxaa fuula culays markay bilaabaan daawadaan. Metformin Laguma waaniyo dadka qaba cudurada kaliyaha iyo beerka.

Isu gaynta Daawooyinka
Glucovance® waa isu gaynta metformin iyo glyburide. Waxay leedahay faai'dada qaadashada hal kiniini si aad u hesho waxtarka laba daawo. Dadka qaarkood, isku darku waxay siiyaan xadidaad sonkorta dhiiga oo fiican qiyaasta ka yar intii loo qaadan lahaa daawo walba si deeda.

Thiazolidinediones
Daawadani waxay horumarisaa unugyadaada= jawaabta adiga insuliinkaaga. Waxay yihiin:
# pioglitazone, lagu gaday magaca Actos®
# rosiglitazone, loona Yaqaan magaca Avandia®
Kuwaanu waxay kalo yareeyaan soo daynta macaanka laga soo daynayo beerkaaga iyo badinta insuliinka murqahaaga. Dhacaanka beerka baa laga fiirin Doona baaritaanka dhiiga inta aan la bilaabin daawada iyo si wakhtiyo caadi ah ka dib marka daawada la bilaabo.Inta badan, daawooyinkaan waxaa la qaataa hal mar maalintii quraacda.

Meglitiide
Halka daawo oo sonkorowga oo afka laga qaato ee kooxdaan waa repaglinide iyo Prandin® waa magaca noocaas. Daawadaani waxay keentaa in ganacu si Dhakhso ah u soo saarto insulin. Waxay qaadatay 30 daqiiqo cunto kasto ka hor. Waxay ka celisa heerka sonkorta dhiigu inay aad u kacdo markaad cunto ka dib. Daawadani waxay keeni karta hoos u dhac sonkorta dhiiga.

Kasoo dhanbalida Amino Acid (Phenylalanine)
Starlix® waa summada magaca ee natiglinide. Daawadaani waxay u shaqaysaa sida repaglinide, laakiin waxay ka soo go'day amino acid. Waana daawada ugu cusub ee afka laga qaato. Qaado bilowga cuno kasta. Haddii aad u baahato sabab kasta ha ahaate inaad ka boodid cuntada, ha qaadan Starlix®. Waxaa dhici karta in ay sonkorta dhiiga hooseyso haddii aad cunto la'aan qaadato.

Ka joojinta Alpha-Glucosidase
Kooxdani waxay ka shaqaysa inay tartiibiso burburinta cuntada si sonkortaada dhiiggu ayna u kicin si dhakhso ah markaad wax cunto ka dib. Daawooyinka kooxdani waa:
# Acarbose, oo loo Yaqaan summada magaca Precose®
# Miglitol, lagu gado summadda magaca Glyset®
Daawooyinkan waxaa lagu qaataa cantuugada ugu hosaysa ee cunta kasta ilaa Saddex gor maalintii. Dadka qaata acarbose ama miglitol waxay qabi karaan shuban, calool fuur ama gaas inta jirkoodu kala qabsanayo daawooyinkaan.
Kala hadal dhakhtarkaaga daawada ama daawooyinka kugu fiican oo kaa caawimaya inay xadiidaan sonkorowga.
U sheeg dhakhtarkaaga iyo farmashiyahaaga haddii aad qaadato daawooyin kale inta adan bilaabin kiniini kasto oo sonkorowga.Tan waxaa ka mid ah mid lagu qoray ama daawada layska soo qato iyo fiitmiin kasta ama dhirka oo aad qaadato.

Haddii aad qabto su'aal ku saabsan qoraalkaan hoos ku weydii.
Mahadsanid
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)
« Reply #1 on: November 28, 2011, 04:26:16 PM »
Asc. Dhakhtar, daawooyinkaan qofka loo qoray ma wuxuu qaadanayaa inta uu nool yahay mise waqti cayiman ayaa loogu qorayaa? Haddii-se uu qofku daawada mar marka qaarkood uu ka bood boodo si is daba joog ah, maxay natiijadu noqoneysaa?. Qofka aan loo qorin-se haddii uu liqo ka waran?!.
Haddii uu cunug yar daawooyinkaan isagoo ka dhargay la arko, maxaa talo ah oo wax looga qaban karaa?.
Mahadsanid.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)
« Reply #2 on: December 05, 2011, 05:55:24 PM »
Daawada sonkorta waxaa loo qaataa si joogto ah haddii qofka uu joogteynin waxaa ku dhici kara dhowr shey oo ay ka mid tahay: in cudurka sonkorta uu ku sii xumaado kadiban uu saameeyo xubnaha jirka ee muhiimka ah iyo in daawada uu qofka la qabsado oo intii horay u qaadan jiray ay wax ka tari waydo oo marmarka qaar qofka cirbad loo bilaabo.

Hadduu daawada sonkorowga qof aan loo qorin qaato waa halis oo qofka wuu u dhiman karaa maxaa yeelay sonkorta dhiigga ayay hoos u dhigaysaa, hadduu qofka uu si qalad ahne u qaato daawadaan waa in si dagdag ah wax macaan loo siiyaa ama sonkor loo qaso hadduu isbitaal laga gaarsiin karo markii intaa loo sameeyane waa muhiim maxaayeelay sonkorta dhigga oo dhacdo waa halis oo qofka horay ayuu uga dhintaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39941
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61131
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29369
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Suáal: Xanfaf xaga farurta hose ee afka?

Started by AshwaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 13129
Last post May 16, 2010, 09:48:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Af uritaan (Afka oo hawo qadhmuun kasoo baxdo)?

Started by YareeyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 13049
Last post September 20, 2011, 01:52:08 PM
by SomaliDoc