Author Topic: Cudurka Daacuunka Iyo Sida Loo Daweeyo  (Read 19495 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Cudurka Daacuunka Iyo Sida Loo Daweeyo
« on: January 17, 2012, 09:42:26 AM »
Cudurka Daacuunka ama Koleeraha waa cudur halis ah oo si fudud ugu fida meelaha ay ka jiraan xaaladaha nadaafad daro iyo fayo dhowr la'aan isla markaana biyaha la cabaa ay wasaq yihiin.
Daacuunka, waxaa keena bakteeriyada la yidhaahdo Febriyookoleera, marka ay saameyn ku yeelato mindhicirka caloosha qofka.
Inta badan daacuunku waa cudur soo raaca biyaha wasaqeysan, bakteeriyada daacuunka, waxaa laga helaa saxaro ku dhacday biyo aan la daaweyn.
Qof kasta oo cabba biyaha wasaqeysan, waxay u badan tahay in uu qaado cudurka daacuun caloolaha.
Duqsiga (diqsi) guryaha jooga, waxaa uu fidiyaa cudurka daacuunka, marka uu ku fadhiisto saxarada, ka dibna uu dul fuulo cuntada uu qofku cuna hayo.
Sidaas darteed duqsi gurigu, wuxuu bakteeriyada daacuunka ka soo qaadaa saxarada una sii gudbiyaa cuntada uu qofku cunayo, qofkiina sidaa buu ku bukoodaa.
-> Astaamaha cudurka daacuunku waa:-
# Shuban biyood u eg biyaha Bariiska (Rice)
# Matag (V o m i t)
# Adimaha oo koga
# Fuuq bax keena maqaarka oo qalala.
Haddii aan deg deg loo daweyn bukaanka fuuq baxay, wuxuu keeni karaa dhimasho (geeri) saacado gudahood ah.
-> Habka iyo sida loo daweeyo cudurka daacuunka:
b). In bukaanka la karantiilo.
t). In saxarada iyo mataga daawo lagu shubo ka hor inta aan la soo qubin ama la daadin.
j). In lagu jiifiyo sariir meesha dabada ku beegani ka duleesha ~ lana hoos dhigo baaldi, sakeel kd... IWM.
x). In si fiican loo nadiifiyo mar kasta oo la daweynayo bukaanka.
kh). In bukaha la siiyo milanka la yidhaahdo ORS-ta oo ah milanka fuuq celinta ee afka laga qaato.
Sida loo diyaariyo biyaha ORS-ta waa in biyaha lagu daro Cusbo (Salt) iyo Sonkor (Sugar) dabadeedna inta la isku qaso la isku karkariyo marka ay qoboobaana qofka bukay la siiyo, waana in ay dhadhanka ilmada oo kale ahaadaan.
>> Ilmaha yar, waxa la siinaya Malqacad mugeed (Qaaddo mugeed, Spoonful) Daqiiqad kasta.
>> Qofka weyn'na saddex Malqacadood Daqiiqad kasta.
Dhinaca kalena, waxaa la siinayaa antibiotic si uu bakteeriyada cudurka keentay meesha uga saaro.
FG:.
MAR WALBA LA TASHO DHAKHTARKAAGA.
HA ISTICMAALIN DAAWO UUSAN DHAKHTAR U QORIN CUDURKA DAACUUNKA, MARKA LAGA REEBO ORS-ta HADDII AAD TAQAANAY ISTICMAALKEEDA OO SAX AH.


Talo SAARO Allaah


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46501
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28929
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18447
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95967
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27101
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc