Author Topic: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?  (Read 21890 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Saiid6666

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« on: December 23, 2010, 04:19:03 AM »
                                                  :osalaamu calaykum
walaal wiil yar oo aan dhalay ayaa waaxa qalooca ama wershe ah hal il indhihiisa mid waa caadi mida kalle ayaa dhanka sanka eegaysa waamaxay ma cudur wayn baa mise waa la daa wayn karaa iga soo siiya jawaab waafiya salaamu calaykum




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #1 on: December 23, 2010, 08:41:48 PM »


Weersho waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Squint".
Sida aad ka arkayso sawirka kore "Squint" waxaa la yiraahdaa markii qofku hal meel labadiisa indhood ay isla eegi karin, waxayna u badantahay caruurta.

Haddii cunugaaga uu ka weeynyahay 1 bil aadna ku argto weersho waa in aad la xiriirtaa dhakhtar indho sida ugu dhakhsiyaha badan maxaa yeelay weershaha waa la daaweyn karaa marka hore laakiin haddii in muddo saa lagu daayo waxay keeneysaa labada indhood mid in ay shaqada joojiso oo aragga daciifo, maxaa yeelay cunugga weershaha ah markuu wax eegayo labadiisa indhood laba meel oo kala duwan ayay fiirinayaan, laakiin maskaxda waxay amar ku bixinaysaa in la fiiriyo kaliya waxa uu markaa cunuga daneynayo taasoo keeneysa in waxa kale aan waxba laga soo qaadin, haddii in muddo ah cunugu saa u isticmaalo indhihiisa hal il kaliya ayuu ku shaqaysanayaa.
Dadka weershaha noqda markii ay weynaadaan maskaxdane ay kortay waxay arkayaan laba shay halkii marba taasoo dhibaato keeneysa oo maahan sida caruurta oo kale.

Weershaha waxaa jira laba nooc mid joogto ah iyo mid marmar ah, middda marmarka ah way sahlantahay.
Isha weershada ah markii ay fiirinayso gudaha oo sanka dhinaciisa ah waxaa la yiraahdaa caafimaad ahaan "esotropia".

Weershaha waa wax la daaweyn karo yaraanta waxaana lagu daaweeyaa laba siyaabood, muraayado aragga lagu saxo, jimicsi indhaha loogu talgalay ama qalliin.
Dadka da'da ah oo ku waynaaday weershaha haddii indhaha loo saxo oo qallin lagu sameeyo waxaa dhib ah si lagu soo celiyo aragga, laakiin caruurta qalliinka lagu sameeyo iyagoo yar jaanis fiican ayay leeyihiin oo araggooda ayaa u badnbaado.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline BAXARSAF

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Isla mawduucaan ah Squin Eye
« Reply #2 on: February 16, 2011, 12:19:49 PM »
Dear, Doctors.

Waxaan wataa isla suaal ku saabsan mawduucaan aniga ayay i haysataa arinta waxaana weeye dadeyda 35 yr last 10 year ayayna igu dhacday, macnaha ishii arag ma jiro si tartibtartiib ayay u dhimatay u aragbeeshay, waxaana ku arkay Squin-kan weliba si aan aad ula yaabay , Dhaqtarki wuxu idhahay Ishaan Pressure ba dilay oo biyhii isha ah, waxna lagama qabankaro, isha kale waa caadi laakin waan cabiraa madanaana waa up pressure-ka Temalol eye drop & kaniin kale Vitimen ah % sunclasses, ayay i qoreen marka isha xaaladeeda waa sidaas, waxaa kusoo haray Squin-kan aroortii markaan soo tooso aad bey u leexsan tahay isha laakin saacado ka dib wey roonanaysaa oo aad lo fahmimaayo,

waxaan idinka codsanlahaa inaad tallo iga siisaan saamaynta ay ishan kale ku yeelankarto mustaqbalka tan kale Squinkan maxaa sababa earlly morning sidan ahaado hadhowna normal noqdo maxaase kula tacaalikaraaa << meelaha kulka ah markaan ku jiro xanuun gadaal ah ban dareemaa inta badan xaaladaha qabowga ah waa ok marka adinkaan idinka suagaya walaalayaaal,


Mahdi

Somalia

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #3 on: February 18, 2011, 10:00:53 PM »
Marka hore halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan pressure-ka isha oo kacsan
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0

Midda xigta haddii gulukoomada ay tahay mid xagla furan labada indhood hal mar ayay ku wada dhacdaa oo il kaliya maba ku dhacdo laakiin waxaa dadka wareeriyo in ay dhici karto labada indhood in aysan si isku mid ah aysan u saamayn taasoo laga yaabo in hal ay disho meesha isha kale uu pressure-ka uu kacsanyahay laakiin aysan heerka middaan aysan gaarin.

Haddii xagla xirantahay marka hore hal il ayay ku dhacdaa laakiin inta u dhaxaysa 40 illaa 80% isha kale way saameysaa oo gulukooma xaglo xiran ayaa ku dhacdo muddo inta u dhaxayso 5 illaa 10 sano.

Squint-ga subixii hore waxaa keeno iftiinka qorraxda maadaama isha iftiinka badan ay dhibsanayso.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maryan Mohamud Haji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #4 on: December 22, 2014, 09:56:47 AM »
Asc, wad mahadsantihin, aan sii raacsadee cudurkan Squintga ma kamidyahay cudurada La iska dhaxlay?
shukran.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #5 on: December 22, 2014, 09:06:06 PM »
Squint ama weershanimada way noqotaa dhaxal waxayna noqon kartaa wax qoys la xiriira ama ku badan "Familial", badanaana lama ogaan karo xilliga aad uurka leedahay, marka ugu horreysa ee la fahmi karo in cunuggaaga uu squint leeyahay waa markii 3 bilood uu gaaro, mana ahan squint-ga cudur ee wuxuu calaamad u noqdaa cudurro dhowr ah oo ku dhaca indhaha.

Inta cunugga uu ka gaarayo 3 illaa 5 sano, way sahlan tahay qallin ahaan in weershada la saxo laakiin wixii xilligaas ka dambeeyo way adag tahay, waxaana jiro dhowr dariiqadood ee lagu toosiyo indhaha.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maryan Mohamud Haji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #6 on: December 23, 2014, 09:57:31 AM »
aad ayaad ugu mahadsantihiin sida wanagsan ee suasha aad iiga soo jawaabteen, isla mowduucaan ayan sual kasii qabaa, squintka inta badan waxaa ugu caansan 2 nuuc oo kala aha:
1.Squint ay EYE ujeedo dhanka sanka. iyo nooca kala oo ah
2.Squint ah in EYE ay Aado dhanka sanka ma ahee dhinaca kale
Marka majiraan nuucyo kale ama direction Kale OO ay EYE ujeedsato?
shukran

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #7 on: December 24, 2014, 11:33:45 AM »
Isha waxay aadi kartaa afrta dhinac sida ka muuqato sawirkaan: Kor, Hoos, Banaanka iyo Gudaha.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maryan Mohamud Haji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #8 on: December 25, 2014, 11:30:57 AM »
Squint marka uu dhaxal yahay number intee la eg ayaa dhaxli karto caruurta qoyska ay dhaleen, tusaala ahaan 10 children haduu qoysku dhalay meeqa ayuu cudurkaan saameen karaa?
shukran.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #9 on: December 25, 2014, 11:52:14 AM »
Squint xanuuno badan ayaa keeni karo oo indhaha ku dhaco ama maskaxda ku dhaco intaba, si loo ogaado jaaniska iyo qaabka loo kala dhaxlo waxay ku xiran tahay xanuunka keenay nooca uu yahay, waana in aad takhtar indho marka hore kuu sheegaa, ma kii dhaxalka ahaa mise kii cillad kale ku timid, haddii dhaxal noqoto, dhinacee ayuu ka socdaa dhinaca aabaha ama dhinaca hooyada, qof idin kama ah miyaa qabo mise qof idinka mid ah ayaa xambaare dhaxal ah "carrier".

Si aad fikrad uga qaadato sida dhaxlidda cudurrada u dhacdo waa in aad fahantaa Xaaladaha Hidda Socodka "Genetic Conditions".
Halkaan ka akhriso qoraalka ku saabsan Hidda Socodka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5213.msg14194.html#msg14194
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #10 on: January 15, 2015, 02:38:25 PM »
weershaha dadka waaween dhaqatiirta waxay dhahaa qalinka qurxin oo kaliya ayay utahay ee arag mayelanayso marka suurtagal matahay in qof da,adiisa waynatay inta laga daaweeyo in ay arag yeelato

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?
« Reply #11 on: January 17, 2015, 11:45:47 AM »
Hadduu aragga lumay inta aan qalliinka la samaynin ka hor, qalliinka sixidda weershaha ma soo celiyo aragga.
Sababta lagula taliyo caruurta in qalliinka saxidda loogu sameeyo inta ay yaryihiin waa in la badbaadiyo aragga inuu waxyeelloobo inta aysan dhiman neerfaha aragga.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Luga qalooca ama "bow legs"?

Started by SukaynaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 3421
Last post April 26, 2020, 06:47:43 PM
by Sukayna
Su'aal: Waa maxay waaxa dumarka laga gubo xagga hoose?

Started by XanaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16728
Last post April 14, 2011, 06:57:00 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada Dib qalooca?

Started by FatxifoosBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7450
Last post September 06, 2011, 10:21:04 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Minka oo qalooca?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4972
Last post February 02, 2015, 06:04:56 PM
by SomaliDoc