Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waaxa qalooca ama wershe ah hal il?

<< < (2/3) > >>

SomaliDoc:
Squint ama weershanimada way noqotaa dhaxal waxayna noqon kartaa wax qoys la xiriira ama ku badan "Familial", badanaana lama ogaan karo xilliga aad uurka leedahay, marka ugu horreysa ee la fahmi karo in cunuggaaga uu squint leeyahay waa markii 3 bilood uu gaaro, mana ahan squint-ga cudur ee wuxuu calaamad u noqdaa cudurro dhowr ah oo ku dhaca indhaha.

Inta cunugga uu ka gaarayo 3 illaa 5 sano, way sahlan tahay qallin ahaan in weershada la saxo laakiin wixii xilligaas ka dambeeyo way adag tahay, waxaana jiro dhowr dariiqadood ee lagu toosiyo indhaha.

Maryan Mohamud Haji:
aad ayaad ugu mahadsantihiin sida wanagsan ee suasha aad iiga soo jawaabteen, isla mowduucaan ayan sual kasii qabaa, squintka inta badan waxaa ugu caansan 2 nuuc oo kala aha:
1.Squint ay EYE ujeedo dhanka sanka. iyo nooca kala oo ah
2.Squint ah in EYE ay Aado dhanka sanka ma ahee dhinaca kale
Marka majiraan nuucyo kale ama direction Kale OO ay EYE ujeedsato?
shukran

SomaliDoc:
Isha waxay aadi kartaa afrta dhinac sida ka muuqato sawirkaan: Kor, Hoos, Banaanka iyo Gudaha.

Maryan Mohamud Haji:
Squint marka uu dhaxal yahay number intee la eg ayaa dhaxli karto caruurta qoyska ay dhaleen, tusaala ahaan 10 children haduu qoysku dhalay meeqa ayuu cudurkaan saameen karaa?
shukran.

SomaliDoc:
Squint xanuuno badan ayaa keeni karo oo indhaha ku dhaco ama maskaxda ku dhaco intaba, si loo ogaado jaaniska iyo qaabka loo kala dhaxlo waxay ku xiran tahay xanuunka keenay nooca uu yahay, waana in aad takhtar indho marka hore kuu sheegaa, ma kii dhaxalka ahaa mise kii cillad kale ku timid, haddii dhaxal noqoto, dhinacee ayuu ka socdaa dhinaca aabaha ama dhinaca hooyada, qof idin kama ah miyaa qabo mise qof idinka mid ah ayaa xambaare dhaxal ah "carrier".

Si aad fikrad uga qaadato sida dhaxlidda cudurrada u dhacdo waa in aad fahantaa Xaaladaha Hidda Socodka "Genetic Conditions".
Halkaan ka akhriso qoraalka ku saabsan Hidda Socodka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5213.msg14194.html#msg14194

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version