Author Topic: Yersiniosis (Infekshanka Yersinia ee Mindhicirrada)  (Read 17675 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Yersiniosis (Infekshanka Yersinia ee Mindhicirrada)
« on: December 23, 2010, 07:56:02 PM »
WAA MAXAY?

Yersiniosis-ka waa infekshan mindhicirrada (caloosha) gala oo u keenay baktiiryada (jeermiska) loogu yeero Yersinia enterocolitica.
Baktiiryada waxaa laga helaa saxarada dadka iyo xayawaanka, qaasatan qaansiirka.
Yersinia enterocolitica badanaa waxaa ay saameysaa carruurta.

CALAAMAADKA

Calaamaadka caadiyan waxaa ay billawdaan 3 illaa 7 cishood kaddib marka laga ag dhawaado waxaanna ka mid ah:
Shuban
Calool xanuun
Xummad
Calaamaad kale sida lalabo ama matag
Mararka qaarkood calaamaad ma laha, balse saxarada ayeey baktiiryada soo raaci kartaa. Dadka aan qaadan daawada antibiyootikada waxaa ay baktiiryada saxaradoodaa ku jiri kartaa 2 illaa 3 bilood, xittaa haddii aanney calaamado qabin.

SIDEE BAY YERSINIA U FAAFTAA?

Dadka waxaa ay infekshanka ka qaadi karaan cunnada halaysan, qaasatan qaansiirka cayriinka ah ama aan si fiican loo karin, caanaha aan la karin, iyo iyagoo ka ag dhawaada xayawaanka qaba ama biyo halaysan.
Dadka qaba ee aan gacmahooda si fiican u dhaqin kaddib marka ay isticmaalaan suuliga waxaa ay infekshanka u gudbin karaan dadka kale.

GARASHADA CUDURKA IYO DAWAYNTA

Baktiiryada waxaa lagu garan karaa baaritaanka saxarada.
Xaaladaha daran, takhtar ayaa u qori kara antibiyootic lagu daweeyo infekshanka Yersinia.

KA HORTAGGA

Ha cunin hilib qaansiir.
Waxaad cabtaa oo keliya caanaha la kariyey iyo alaabta laga sameeyo.
Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo inta aadan cunnada cunin amaba diyaarin, marka aad xoolaha ka ag dhawaato, iyo marka aad hilib taabato.
Marka aad calooleyda taabato, gacmaha iyo cijiyaha isaga dhaq saabuun iyo biyo inta aadan taaban dhallaanka ama alaabta ay ku ciyaaraan, dhalooyinka, ama waxyaabaha afka loo geliyo.
Haddii aad diyaariso calooley, ha taaban carruurta amaba ha diyaarin cunnadooda inta aad calooleyda ku hawlan tahay.
Isticmaal meel ka duwan meelaha aad ku goyso cunnada kale iyo hilibka.
Si taxaddir leh u nadiifi meelaha aad ku goysay, miiska dushiisa iyo maacuunta adigoo isticmaalaya saabuun iyo biyo kulul marka aad diyaariso kaddib.
Si nadaafad leh u tuur saxarada xayawaanka.

Haddii aad su'aalo ka qabtid qoraalkaan, hoos ku weydii su'aashaada
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Daawada "Colgate" iyo Kansarka Mindhicirrada.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 26003
Last post November 20, 2018, 03:32:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa layga qabtaa qeybta hoose ee mindhicirrada?

Started by JanaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5726
Last post June 09, 2018, 07:48:38 PM
by SomaliDoc
Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 81257
Last post February 02, 2023, 11:27:16 AM
by Abualisom
Cudurka Bararka Xiidmaha / Mindhicirrada (Crohn)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 19863
Last post November 17, 2016, 04:41:31 PM
by Saeed ali
Waa Maxay Infekshanka Arooska? Yuuse Ku Dhacaa?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 43295
Last post February 14, 2016, 05:09:31 PM
by SomaliDoc