Author Topic: Su'aal: xaajiyadeydu ma jeclo galmada, maxaa talo ah?  (Read 96177 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Warsame66

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: xaajiyadeydu ma jeclo galmada, maxaa talo ah?
« on: August 06, 2011, 07:55:53 AM »
ASALAAMU CALAYKUM  WARX  WABRAKAATU
sxbyaloow ama inta wax dabibtaay ama bahda wabkaay,.
aniga waxaa ihaya borobleen xaga xaaskaah oo galmada xageeda.
walaalayow xaajiyadaydu waxay inta badan ileedahay marabo ama igadaa,
waa xaga galmada e ama raxaysiga,
marka maxan smeeyaa?  masee jiran wax daawo ah ama fatimiino ah oo aan siinkaro




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: xaajiyadeydu ma jeclo galmada, maxaa talo ah?
« Reply #1 on: August 08, 2011, 07:13:42 PM »


Waa maxay hami yarida haweenka?
Dareenka kacsiga ee haweenka waa mid is bad-badalo, inuu kaco ama yaraado waxay badanaa la xiriirtaa xiriirka ka dhaxeeyo iyada iyo lamaanaheeda ama isbadallada waaweyn ee ku dhaca nolosheeda sida: uurka, dhalmo-deyska iyo xanuunnada.

Rabitaanka iyo hamuunka qofka waxay ku xiran tahay xaaladda caafimaad ama midda nafsiyadeed ee uu ku sugan yahay, waana in xal loo helaa arrinta markaa qofka heysato inta aanan laga fakarin in daawo ama siyaabo kale loo maareeyo.

Waa maxay calaamadaha?
calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto dhibaatadaan ayaa ah in haweentu aysan wax rabitaan ah aysan muujin, diraasad la sameeyay waxay sheegtay boqolkii haweenba 40 ka mid ah ayaa dareemo xaaladaan waqti ka mid ah noloshooda. kuwa dhibaatadaan ay ku raagto waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeyso boqolkiiba 5 illaa 15%.
Inkastoo markii arrimahaan laga hadlayo aaanan la isku waafiqi karin wixii dabiici ah iyo waxaan dabiici ahayn, qofba si ayuu u arkaa hami yarida, waxaa laga yaabaa haddii haweentaada aad ka sheeganaysid hami yari in ay leedahay, waxaa dhici karto in iyadane ay kaa sheeganayo kacsi badan.
kala fikir duwanaashahaas ayaa keeni karo niyadjab iyo welwel laakiin waxay khubarada sheegaan haddii dareenkiina iyo rabitaankiina uu ka yaraado sidii hore waxay calaamad u tahay in xiriirkiinna uu xoogeystay!.
Midda kale haweenka isku mid maahan sida uu eebbe uu abuuray oo way ku kala duwanyihiin arrintaan.
Waxay haweentu u baahantahay takhtar in ay aragto haddii iyadu ay dareensan tahay in hammigeeda uu yaraaday ama sidii ay ahaan jirtay ay wax iska badaleen.

Maxaa keeno?
Rabitaanka haweentu wuxuu ku dhisanyahay arrimo dhowr ah oo aan kala dhex bixi karin sida caafimaad jir ahaan, caafimaad nafsaani ah, khibradeeda, waxyaabaha ay rumaysantahay, qaab nolol maalmeedkeeda iyo heerka hadda uu marayo xiriirka ka dhaxeeyo iyada seygeeda.
Haddii aan kala qaado arrimahaas:

A- Xanuun jir ahaan:
  • Dhibaato xagga galmada ah: tusaale ahaan haddii haweentu ay dareemeyso xanuun xilliga galmada "Dyspareunia" ama aysan awood u laheyn in ay raaxeysat "Anorgasmia" cilladahaasi waxay caqabad wayn ku noqon kartaa dareenkeeda iyo rabitaankeeda labadaba, waana cillado ay dumarka u arkaan ceeb in ay kala hadlaan xaasaskooda ama dhakhtarba.
  • Cudurro: xanuunno badan ayaa keeno in ay yareeyaan dareenka haweenka sida dhiig-yarida, nafaqo-darrida, lafo-xanuunka, kansarka, sonkorowga, dhiig-karka, cudurrada wadnaha iyo cudurrada neerfaha ku dhaco intaba, waana muhiim in intaa mid ka mid ah ay qabto xaaskaaga in aad fahantid.
    Dhalmo la'aanta ama haweentu aysan uur yeelan karin iyadane waxay keentaa in ay yareyso rabitaanka iyo dareenka kacsiga.
  • Daawooyin: daawooyin badan ayaa keeno hami yarida sida daawooyinka niyad-jabka, daawooinka dhiig-karka, daawooyinka kansarka oo iyagane caan ku ah in ay keenaan dhibaatadaan iyo daawooyinka allerjiga loo isticmaalo sida sanboorka, neefta iyo xajiinta ee "Antihistamines".
  • Daroogada iyo Khamarada: iyagane waxay leeyihiin dhibaato hawlagab kacsi, khaas ahaan Qaadka.
  • Qalliin: qalliimada lagu sameeyo naasaha ama xubnaha taranka sida haweenkeenna oo badanaaba oo iska guba hoosta iyagoo aaminsan in xanuun ka caafimaadayso si ay uur u qaado, taasoo ah mid qaldan iyadane waxay yareysaa himada iyo rabitaanka
  • Daalka: Haweenta oo ku daasho xanaaneynta qof da'ah ama caruur badan ama shaqaale ah waxay ka qeyb qaadataa in ay yareyso rabitaanka iyo himada.

B: Isbedel hormoonnada ah:
Isbedel ku yimaado heerarka hormoonnada haweentu waxay saameysaa rabitaankeeda.
  • Xilliga dhalmodeyska: hormoonka Istorojiinka hadduu yaraado wuxuu keenaa in dareenka iyo rabitaanka kacsiga uu yaraado. hormoonka kale ee testosterone isagane hadduu yaraado wuu keenaa dhibaatadaan.
  • Nuujinta iyo Uurka: hormoonnada way is badalaan xiliga nuujinta iyo uurka taasne waxay keentaa in rabitaanka iyo dareenka uu yaraado
  • Xilliga caadada ka hor: Isbedelka ku dhaca hormoonada xilliga caadada ka horreeya waxay keentaa hami-yarida dumarka

C: Xanuun Nafsi ah: waxaa jiro cudurro badan oo nafsaani ah oo saameeyo caadifadda haweenka taasoo saameyn wayn ku leh rabitaanka iyo dareenkooda waxaa ka mid ah xanuunnadaas: welwelka, diiqada, niyad jabka, fikir la xiriiro shaqada, guriga ama xag dhaqaale, muuqaalka jirkeeda oo aysan ku faraxsanayn, cabsi ama naceyb ay u qabto xaaskeeda, taariikh hore oo dhibaato jir loo geystay, fara-xumeyn ama kufsi.

D: Arrimo la xiriiro wada noolaanshaha:
Haddii xiriir xumo uu jiro iyada iyo lamaanaheeda, haddii mushkilad ama dagaal uu ka jiro guriga, haddii wada-xiriirka ku saabsan baahida galmada ananan laga wda hadlin ama aanan la isla fahansaneyn, haddii shaki iyo masayr meesha yallo intaas waxay saameeyaan wada noolaanshaha, taasne waxay keentaa in rabitaan uu imaan waayo meeshaas.

Sidee loo daaweeyaa?
  • Badal nolol-maalmeedkaaga: samey jimicsi, iska yarey welwelka, noqo qof faraxsan, adkey murqahaaga miskaha adigoo sameeya jimicsiga "Kegel".
  • Badal xiriirka iyo wada noolaansha idinka dhaxeeyo adigoo xalliyo khilaafaadka ka jira dhexdiinna, isku noqdo kuwo daacad isku ah oo ka wada hadlo arrimo kasta oo dhex-yaalla, midkiinna kan kale ha uga sheekeyo waxay uu jecelyahay iyo waxa uusan jecleyn iyo waxa uu dhibsanayo.
    Raadi latalin ku aadan arrimahiinna haddii ay jiraan qof aad labadiinnaba ku kalsoon tihiin oo khibrad u leh arrimahaan.
    Waqti yaanan loo yeelin xilliga aad is damceysaan, maxaa yeelay tan waxay nolosha ka dhigeysaa mid caajis badan.
    Aqoon dheeraad ah u yeelo noloshiinna galmood iyo sida aad uga faaideysan kartaan fursadaha jira, tusaale ahaan akhrista buugaagta ka hadasha arrimahaan la xiriira guurka iyo wada-noolaanshaha.
  • Daawooyin ayaa jira kaa caawin kara arintaan taasoo marka ugu horeyso qasab ay tahay in meesha laga saaro haddii uu jiro cudur kaa hortaagan rabitaankaaga iyo himadaada sida aan kor ku soo xusayba.
    Haddi aadan qabin cudur jir ahaaneed ama nafsaani ah labadaba oo kuu keenay dhibaatadaan wuxuu dhakhtarkaaga kuu qori doonaa daawooyin sare u qaada hormoonnadaada khaas ahaan kuwa aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Testosterone.

Is caawin iyo Is gacan-qabasho:
Haddii kacsiga uu yaraado qof ka mid ah labadiinna waa wax la fahmi karo in dhigga kale uu dareemo murugo ama uu dhibsado nolosha, sidaa awgeed waxaa talo ahaan idin siinayaa in aad xoogga saartaan sidii aad sare ugu qaadi laheydeen kalgacalkiinna iyo xiriirkiinna taasoo ugu dambeyntii saameyn weyn ku yeelan karto rabitaankiinna galmood, isku day in aadan fikirkaaga badankiisa aadan saarin galmo iyo wax la xiriira toona, ku dadaal in aad nafaqyso oo koolkooliso xiriirkiinna idinkoo qaab noloshiinna wax yar ka badala oo ka baxa rootiinka.

Fariin ragga ku socoto:
Fadlan ogow in dumarka ay si sahlan isku badali karo dareenkooda, inta aadan eedeyn ama aadan dhibsanin cagajiidka ay ka muujinayso rabitaankaaga, isku day in aad fahanto cilladaha jiro iyo waxa soo kordhay, ha noqonin qof dantiisa kaliya ka fakaro, ogow jaceelka, kalsoonida iyo isfahanka inay yihiin tiirarka farxadda nolosha lamaanaha.

Haddii aad qabto su'aalo dheerad ah oo ku saabsan arrintaan waad na weydiin kartaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55935
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162242
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106944
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57953
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62275
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig