Author Topic: Su'aal: Maxaa lagu dareemaa marka dhiiga cas kugu yaryahay?  (Read 46666 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Deeqcali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa lagu dareemaa marka dhiiga cas kugu yaryahay?
« on: February 28, 2011, 03:28:12 PM »
Maxaa lagu dareemaa marka dhiiga cas kugu yaryahay maxaase lagu daweeya HB malagu ogaadaa labada dhiigba kan igu yar hadii ay jiraan daawo kor loogu qaado fadlan iiso qor hadise aan dhaqtar u baahanahay iiso sheeg thanks alot




Offline Dr. Acromion

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +30/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Maxaa lagu dareemaa marka dhiiga cas kugu yaryahay?
« Reply #1 on: March 02, 2011, 07:28:00 PM »
Sida ugu fiican oo lagu fahmi karo in uu kugu yaryahay dhiiga cas waa adigoo sheebaar taga oo dhiiga lagaa qaado , dabadeedna lafiiriyo tirada dhiiga cas iyo heerka Heamoglobinta oo looyaqaan ( Hb).  Hadii ay natiijooyinkaas ka hoos maraaan sida soo socota , qofkaa waxaa lagu tilmaamaa Aneamic (in uu qabo Aneemiya). Cabirka hoos kuqoran wuu kala duwanaan karaa oo waxay ku xiran tahay sheebaarka, baaritaano intaa kabadana waa laguu diri karaa .
Hb g/dl        (ragga) wixii ka hooseeya;  13.5g/dl              
                      (haweenka) ,,          ,,         12g/dl

Calaamadah lagu dareemo in uu dhiiga cas uu yaryahay waxaa kamid ah;
#   Adiga oo durbadiiba daala (Daal joogta ah)
#   Sacabada iyo wajigaaga oo baf cadaan ah laga dareemo ( Pale)
#   Wadnaha oo ku garaaca. ( wadna garaac xoog leh oo aad dareentid)
#   Neefta oo kugu yaraata (waxaad dareemeesaa naqas, oo si fudu ayaad ku xuurtooneesaa)
#   Daciifnimo guud
#   Ciridka oo dhiiga
#   Timaha oo rifma


Daaweenta;
Siyaabo badan ayaa loo daaweeyaa dhiig yarida, waxeena ku xiran tahay waxa keenay ii uu dhiiga cas hoos u dhaco. Tusaale ahaan niig yarida laxiriirta dhiig baxa sida dhaawac waxaad u baahnaan kartaa blood transfusi?n ( dhiig ),  sababah laxiriir nabar (ulcer) kaaga yaala caloosho oo isna dhiigaaya waxaa loo baahan yahay  sidii loo daween lahaa nabarkaas, sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in aad u baahato qaliin hadii uu jiro kansarka mendhecirad ku dhaca.
Aneamia ku dhacda dadka sida badan waa tan laxiriirt Iron ta oo jirak ku yaraada waxaana lagu daaweeya daawoonyinka sida Ferada.  Hadii uu jirkaaga ku yar yahay vitamiinka B12 waxaa u baahnaan doontaa cirbado ama kiniini yaa ah Vit B12 leh.
Aneemyida waxaa kaloo keena cuduro ku dhaca dhuuxa lafaha , meesha uu dhiiga kasoo uskumo.  Kilyaha oo hoolgaba waxay keentaa dhiig la?aan taasoo oo ay ugu wacan tahay la?aanta hormono loo yaqaan Erythropoetin oo ka qeeb qaata koboca dhiiga cas .
Daawooyinka qaarkood waxay keenaan dhiiga cas oo hoos u dhaca, oo dawooyinka ceenkaas ah waa in lajoojiyaa, fadlan kala tasho takhtarkaaga inta aadan go?aan gaarin.

Isku soo duuduub, aad ayeey u baaxad weeyntahay waxyaabaha keena dhiig la?aanta iyo qaababka loo daaweeyo, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in aad latashato takhtar si uu kuugu sameeyo baaritaan , daawada ugu haboonna  uu kuugu qoro.








 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55902
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162209
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57917
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62238
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28942
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc