Author Topic: Su'aal: SIDEE LOOGA HORTAGAA BUURNIDA?  (Read 59204 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gaadhhaye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: SIDEE LOOGA HORTAGAA BUURNIDA?
« on: January 06, 2011, 08:48:02 AM »
Salamu Calaykum Warahma
Dhakhatiirta khayrka badan ee is xilqaantay waxaan weydiinay 3 suaalood oo kooban.
1.Caloosha oo weynaata qofka ama naaxda sidee loo yarayn karaa?
2.Cuntadan dheelitiran ee dhakhaatiirtu sheegtaa waa maxay?
3.Qofka raba inuu buurnidia iska ilaaliyo cuntooyinka aan lagu naaxini waa kuwee sideese ugu haboon
ee qofku buurnidia ula dagaalami karaa?
Alle cilmigiina ha idiin fududeeyo aakhirana janadiisa ha idinku geeyo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: SIDEE LOOGA HORTAGAA BUURNIDA?
« Reply #1 on: January 11, 2011, 10:54:35 PM »


Waa ma xay cayil ka xad dhafa ka ahi (Shuluq)?
Cayilka xad dhaaka ahi waa cudur. Waana marka qofka baruurta fara badani korto ee qofka culayskii noqdo xad dhaaf.
Waxa ugu wayn ee keena cayilkan cudurka ah waa qofka oo cuna cunno badan iyadoo dhaq-dhaqaaqisuna yar-yahay.
Cudurka cayilku wuxuu wax yeelaa wadnaha, sambabda, xubnaha laabma, iyo lafaha. Cudurka cayilku waxa laga yaabaa in aad is dhaawacdo oo xubnahaaga laabma iyo lafaha wax is yeesho waxaana laga yaabaa in uu ku dilo ood u dhimato.
Waxyaabaha khatarta naftaada gelinaya ee cudurka cayilku keeno waxa ka midda:
• Dhiigkarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,467.0.html
• Sonkorta ama kadimacaanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html
• Cudurada wadnaha sida wadno joogsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html
• Faalijka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
• Neefta (xiiqda iyo xurquunka): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html

Sidee laysaga difaacaa cudurka cayilka?
• Adigoo dhaq-dhaqaaqa badiya oo lugeeya, ciyaara kubada cagta, tan gacanta ugu yaraan sedex goor todobaadkii .
• Adigoo joojiya sigaar cabida iyo tagista meelaha sigaarka lagu cabo.
• Adigoo cuna cuntooyin saxan oo khudrad u badan

Cuntooyinkaaga oo aad saxdo :
• Waxaad cuntaa khudrada macaan iyo tan la kariyo oo noocyo badan isugu jirta si jidhkaagu uga helo nafaqooyinka iyo macdanta uu u bahanyahay jidhku.
• In aad cunto cuntooyin nafaqo leh oo kala duwan.
• Yarayso cunooyika ay ka mid yihiin buskudka, baradhada shiilan, macmacaanka nac-naca subagyada kala duwan, milixda, jalatooyinka kala duwan iyo cabitaanka soodhada ah.
• Iska yaree cunooyinka shiilan ee dufanka badan sida mac-macaanka, buskudyada, iyo keegaga.

Waxyaabaha kale ee cunada caafimaad iyo sixxo ku kordhiya:
• Dooro cunooyinka nafaqada leh sida rootiga guduudan, bariiska aan cadaanka ahayn.
• Markaad cunada karinayso ha ku badinin dufanka.
• Markaad cunada karinayso ha shiilin. Cunada dub, huuri, kari, foornee, ama uumatee.
• Dooro hilibka aan baruurta lahayn ama hilibka cad sida digaaga , digiirinka iyo kaluunka (malayga) .
• Dooro caanaha aan dufanka badan lahayn (1%) jubnadda (cheese), caano-fadhi iyo caanaha aan dufanka lahayn (skim)

Waxyaabaha kuu kordhinaya dhaqdhaqaaqa jidhka: (jimicsiga jidhka)
• Lugee! Maalin walba xawaare ku soco 15 daqiiqo.
• Ciyaar ciyaaraha fudud.
• La ciyaar ama la bardoodan caruurtaada.
• Haraacin wiishka guriga ee kor jaranjarda.
• Baska ka deg hal busteejo ka hor inta aan la gadhin taada si aad u yara lugayso.
• Yaree TVga daawashadiisa oo socsoco marka xayaysiisku soo galo.
• Gaadhiga kaga tag meel suuqa ka fog si aad u lugayso xoogaa.
• U lugee markaad waxyaabaha yar-yar soo iibsanaysid.

Mar kaad dhaq-dhaqaaqa badiyso waxay kaa caawisaa :
• In ay kaa yarayso khatartii cudarada sonkorta, wadnah joogsiga iyo faalidka.
• Inay debciso xubnahaaga laab-laabma
• Inay xoojiso dhaq-dhaqaaqaga
• Inay kaa ilaaliso lafaha is gala marka dadku gaboobo
• Inay kaa ilaaliso lafaha khafiifa ee dil-dilaaca (osteoporosis)
• Inaad noqoto qof faraxsan oo aan diiqo heyn.
• Inay kaa dhigto qof isku kalsoon oo hanawayn.
• Inay kaa ilaaliso wel-welka iyo welbahaarka.

Halkaan ka akhriso tallaabooyinka lagu maareeyo miisaanka siyaadada ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=613.0

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: SIDEE LOOGA HORTAGAA BUURNIDA?
« Reply #2 on: February 21, 2016, 01:25:42 PM »
Dr  re  ma ii sheegi kartaa
Hal cuno oo quraac ah
Iyo hal cuno qado ah
Iyo hal cuno oo casho ah
Hadii aan joogteeyo mudo dhan 2 bilood iga degeeyso 3 kiilo oo cayil ah(dufan ka bis) iiguna deri karto  1 kiilo oo jiir ah(muruq) ah
Loose 3 KG of fat
Build 1 KG muscle
Aalamiitana joogto aan ka dhigo
Sida in aan qaado gym dhamaan all.movements ka
Ee xubnaha jirka
Thanks

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: SIDEE LOOGA HORTAGAA BUURNIDA?
« Reply #3 on: February 28, 2016, 03:11:59 PM »
Waxay ku xiran tahay waxa aad heli kartid ee la kaasho qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6256.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33569
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21122
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26242
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22602
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo baabi'iyaa meelaha cad cad kadib markuu ruuxa caatoobo?

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 50533
Last post May 19, 2012, 12:50:12 PM
by SomaliDoc