Baaritaanka hore waa baaritaan lagu sameeyo dadka ka cabanayo madhalaysnimada "Infertility" si loo ogaado dhibka ma xaga ninkaa mise xaga islaanta.
Waxaa la baarayaa shahwada ragga waxa laga fiirnayo waa laba shey oo kala ah qaabka iyo socodka manida:
Spermiogram.
1: Valume > 1.5ml > ml.(N:2-6)
2: Consistency > Normal
3: Colour > Opaque
4: Reaction > 8.0
5: Liquif. Time > 5 minutes
6: sperms count > 102.4 million > million/ml. (N: 20 -200)
7: All sperms million/ ejaculate (N: >40)
8: period of Abstinence Days.
Qeybtaan hore waxaa lagu fiirinayaa qaabka xawada ama manida iyadoo laga fiirinayo xagga xajmiga, waxa ay ka koobantahay, midabkeeda, xagga falgalka "PH-Level", inta uu ku milmaayo, inta malyan oo xawo oo ku jirto 1kii ml oo shahwo ah, inta xawo oo halkii mar soo baxdo markaa biyo baxaysid iyo inta maalmood oo aadan haweentaada u galmoon baaritaanka ka hor si loo ogaado saameynta ay ku yeelan karto.
Sida baaritaanka ka muuqatane kulli waa normal.
Baaritaankaan kore lagama qaado qof walba ama dadka dhawaan guursaday haddii aysan jirin shakki ma dhalaysnimo oo lamaanaha labadooda mid.
Motilty
1: After 1 hour 85 %
2: After 2 hour 80 %
3: After 3 hour %
Qualitatively
1: Abnormal forms 15% %(N : Up to 30%)
2: Spermatogenic cell 8 – 10 /hpf
3: Pus cells 0 – 3 /hpf
4: Red cells 0 – 1 /hpf
Qeybtaan labaad ee socodka xawada waxaa lagu fiiriyay, saacadda ugu horeeyso meeqo percentage oo xawo ah ayaa socda maadaama sida eebe ugu talagalay ay tahay in xawadu ay socoto oo ay raadiso ugxanta si ay ubacrimiso, saacad walba saacadda ka sii dambeysane way sii yaraaneysaa. iyadane waa normal.
waxaa kaloo la fiiriyay qaabka xawada meeqo % ka mid ah ayaa qaab abnormal ah (sida caadiga ah 30% oo xawo aan caadi aheen ayaa ku jiri karta shahwada), meeqo unug oo xawo ayaa lagu arkayaa weyneysada markii la isticmaalo HPF oo ah "High Power Field", meeqo oo unug malax oo caabuq tilmaameyso ayaa lagu arkayaa HPF, meeqo unugyada dhiigga cas ee lagu arkayaa shahwada/HPF.
Baaritaankan waxa loo yaqaannaa "Semen Analysis" oo ah macnaheedu yahay Falanqenta Shahwada, wax dhib ah kama muuqdo.
ANTIBIOTICS SENSITIVITY ANTIBIOTICS SENSITIVITY
1: Ciprofloxacin ++++ ceftazidime +
2: Norfloxacin ++++ Tetracycline +
3: Chloramphenicol +++ Piperacillin RESISTANT
4: Augmentin +++ Sulphamethaxazole RESISTANT
5: Amikacin ++ Cerfuroxime RESISTANT
6: Ampicillin + Cephalexin RESISTANT
7: Amoxicillin + Penicillin RESISTANT
8: Cephradine +
Baaritaanka kale waxaa loo yaqaannaa "Semen Culture" oo ah Beerista shahwada oo ah macnaheedu daawadee ayaa wax ka tareyso markii shahwadu ay caabuqdo, maxaa yeelay jirka meelba meel daawo gooni ah ayaa wax safiican ugu tarto ama dadka qaarkiis daawo gooni ah ayuu adkeysimo u leeyahay oo wax kama tarto.
Sida baaritaanka ka muuqato 5 daawo ayaa ku tahay RESISTANT, 5 daawooyinka kale waa ku kala duwantahay, daawada aad heshay 4 ++++ ayaa ah daawada ugu fiican oo wax safiican kaaga tareyso, daawooyinka kale wax waa kaa tarayaan inakstoo tarista ay la egtahay inta + ay noqotay.
Baaritaankaan waxaa loo diraa bukaannada ka cabanayo caabuqa qanjir rageedka oo muddo dheer jiray "Chronic Bacterial Prostatitis".
daawooyinka la isku waafaqsanyahay oo lagu daaweeyo caabuqaan waa daawooyinka loo yaqaan "Quinolones" oo ay ugu horreyso Ciprofloxacin iyo Norfloxacin maadaama daawooyinkaan ay awood u leeyihiin in ay ka dhaxbaxaan dahaarka qanjirka si bakteeriyada ay u dilaan.
Waxaan rajaynayaa in baaritaannadaada waxa laga wado aad fahantay.