Author Topic: Su'aal: Pancreaska dheecaanadiisa oo yar?  (Read 7246 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dolaal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Pancreaska dheecaanadiisa oo yar?
« on: January 23, 2011, 10:36:40 PM »
waan idin salaamay marka hore,cuntooyinka qaar markaa cuno caloosha ayaa igu xanuunta (waa laygu casiraa) baadhid markii dhakhtarku igu sameeyay parcreaskayga ayaa waxaa ku yar dheecaamada cuntada burburiya,waxaana ii dheer in afkayga kaarboon qadhmuun uu ka soo baxo oo aan ahayn mid ka imanaya  ilkaha ama ciridka ee uu yahay mid ka imanaya caloosh arintaa pancreaska dheecamada igu yar mayay sabab u tahay kaarboonka xun ee afkayga ka soobaxaya.





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Pancreaska dheecaanadiisa oo yar?
« Reply #1 on: February 03, 2011, 05:29:26 PM »
Dheecaannada shiida cunnada haddii ay yaraadaan ama hawlagabaan waxay keensataa in cuntadii ay ku baqdo caloosha, taasoo ka dhalata in bakteeriyo ku dhalato oo qofku markuu dheefsadaba hawo qarmuun ka soo baxdo.

Ganaca ama "Pancreaska" wuxuu soo daayaa dhowr dheecaan oo ka qeyb qaata burburitna iyo shiididda cuntada waxaa ka mid ah dheecaannadaan:

Protease (Wuxuu burburiyaa borotiinka)
Amylase (Wuxuu burburiyaa carbohaydraytka)
Lipase (Wuxuu burburiyaa dufanka)
Cellulase (Wuxuu burburiyaa liifyada ama buunshada)
Sucrase (Wuxuu burburiyaa sokorta)

Dheecannadaan way wada yaraan karaan ama mid ama laba ayaa yaraan kara, haddii ay yaraadaan waxay keensadaan calaamado kale oo aan la xiriirin dheefshiidka oo qofku dareemi karo.
Dheecannadaa haddii ay ku yaraadaan jirka ama la waayba waxaa lagu daaweyaa qofkaa inuu qaato daawo artificial ah oo cunno shiidka ugu kaalmeyso.

Af-qormuunka "Halitosis" waxaa keeni kara cudurro kale oo badan ee halkaan ka akhriso.
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1610.0

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: