Author Topic: SU'AAL: MACDANTA ZINC-KIGA?  (Read 11925 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AAL: MACDANTA ZINC-KIGA?
« on: March 25, 2011, 01:03:17 AM »
MACDANTA ZINKIGA MAXEEY JIRKA U TARTAA ? HADII EEY JIRKA KU YARAATO MAXAA DHICI KARA ?
XUBINTEE UGU ISTICMAAL BADAN ZINKIGA ?
CUNTADEE UGU BADAN ZINKIGA OO LAGA HELI KARAA ?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: MACDANTA ZINC-KIGA?
« Reply #1 on: March 25, 2011, 11:49:26 PM »
Zink (zinc) waa macdan aad muhiim u ah jirka oo wax yar haddii ay jirka ku yaraato ay dhibaatooyin badan keento.

Zink-ga wuxuu ku xigaa macdanta feerada ama birta xaga ku badnaashaha jirka.

Zink-ga wuxuu ka qayb qaataa hawsha 300 falgal-dadajiyaal (enzymes) oo jirka muhiim u ah, wuxuu ka qayb qaataa dhambalidda unugga iyo samaysanka DNA-da iyo Borotiinka.
Zink wuxuu muhiim u yahay korriimada unugyada jirka, raysashada nabraha, dhananka, dayacritka xubnaha, difaaca jirka, lafaha, xinjiroobidda dhiigga, maskaxda, korrinka uurjiifka, samaysanka shahwada yo hawlo kale oo muhiim u ah jirka.

Hadduu zinkiga uu ku yaraado jirka wuxuu keenaa ama ku lug leeyahay cudurro 50 kor u dhaafaya, wuxuuna ugu horreeyaa macdanta ugu yaraanshaha badan wadama hormaray sida maraykanka.

Zinkiga waxaa laga helaa cunnada aan ka helno badda sida kalluunka iyo Oysterka, Digaagga, beerka, looska, xubuubka iyo caanaha.

Nus inta jirka ku jirto oo zink ah waxaa laga helaa murqaha. waxaa kaloo laga helaa lafaha, indhaha, qanjirka borostaytaka, xaniinyaha, maqaarka iyo kilyaha.

Calaamadaha lagu garto in macdanta zinkiga ay kugu yartahay ayaa ka mid ah:
# Miisaanka lumis
# Infakshan joogto ah
# Kacsi darro iyo Hami yari
# Korriimo la'aan
# Daahidda qaangaarnimada
# Maqaar qalfoofid
# Cunno xumo
# Daal, Tabardarri iyo Caajis maskaxeed
# Shuban
# Xarriiqmo dheer oo oogada ka soo muuqdo
# Dhibco cadcad oo ciddiyaha ku samaysmo
# Difaaca jirka oo wiiqmo
# Findoob
# Murqo-burbur
# Caadka Indhaha
# Ilko suus.

Hadduu jirka ku yaraato macdanta zinkiga waxaa lagu daaweeyaa kaniiniyaal kor u qaada heerka zinkiga jirka.
Haddii aad isaga shakisantahay in zinkiga uu kugu yaryahay la xiriir takhtar.
Haddii aad qaadatid daawada zinkiga adigoo aadan u baahneyn waad ku sumoobeysaa.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Macdanta Xadiidka ee Cuntadaada (Iron in Food)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 16017
Last post January 18, 2011, 08:14:50 PM
by SomaliDoc
MACDANTA JIRKA DADKA UU U BAAHAN YAHAY

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13615
Last post February 14, 2011, 09:43:19 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: WAA MAXEEY WAXTARKA MACDANTA MAGNESIUM?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8611
Last post April 21, 2012, 12:42:19 AM
by Zohrah_3