Author Topic: Saxarada oo laga Baarayo ku Dul-noole iyo Ugxan (Ova & Parasite)  (Read 7715 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Saxarada oo laga Baarayo ku Dul-noole iyo Ukun (Ova & Parasite)

Baaritaankaan wuxuu eegayaa ku dul-nooleyaasha iyo ukunooda ama ugxantooda ku jirta marinka dheef shiidka iyadoo sambal saxarada laga soo qaaday lagu hubinayo shaybaarka. Ku dul-nooluhu wuxuu ku dul nool yahay ama ku dhex nool yahay uun kale. Daaweyntu waxay ku saleysnaan doontaa nooca ku dul-noolaha meesha laga helo.
Ku dul-nooleyaashu jirka waxay ku galaan iyagoo u maraya afka ama maqaarka. Dadka badankooda waxaa laga asiibaa cabidda biyo ama cunidda cunto ku dul-noole ku jiro. Ku dul-nooleyaasha badankoodu aad ayey uga yar yihiin in la arko lagama dhadhamin karo lagamana urin karo biyaha ama cuntada. Ku dul-nooleyaashu waxaa laga yaabaa iney jirka ka galaan maqaarka ama ay kaa soo galaan marka uu cayayaan qofka qaniino.

Calaamadaha
Calaamadaha ugu badan waxay kala yihiin:
# Shuban
# Shuban dhiig leh
# Axal saxarada soo raacda
# Calool xanuun ama casiraad
# Dhuuso
# Lalabbo
# Madax xanuun
# Qandho

Sida ugu dhakhsaha badan ugu tag takhtarka marka aad isugu aragto calaamadaha. Ku dul-nooleyaasha qaarkood, sambal dhiig ayaa laga yaabaa in looga baahdo baaritaanka.

Baaritaanka ku Dul-noole yo Ukun
Waxaa lagaaga baahan yahay in aad soo qaaddo _____ sambal saxaro.
Sambal kasta oo saxaro ka soo qaad maalin ama maalmo badan.
# Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo saxaarad caag ah si aad ugu isticmaasho musqusha si aad saxarada ugu soo qaaddo. Haddii aadan helin saxaarad, fadhiga musqusha ku dabool caag. Caagga dul dhig fadhiga musqusha meeshana ku hay si markaas saxaradaadu aysan biyaha musqusha ugu dhex dhicin.
# Ha ku darin sambalka saxarada kaadi, biyo, ama warqadda saxarada.
# Qayb ka mid ah sambalka saxarada ku rid weel nadiif ah. Gacmaha iska dhaq.
# Raac jihaynta lagu siiyay ama meesha saxarada gey lagu dhahay.

Daryeelkaaga
Haddii uu ku dulnooley kugu jiro, daaweyntaada waxaa laga yaabaa iney ku jiraan daawo iyo cabidda cabitaanno fara badan si looga hortago fuuq bixid.
Si aad isaga ilaaliso in ku dul-noole uu ku galo:
# Ka fogow cuntada iyo cabitaanka laga yaabo inuu ku dol-noole ku jiro.
# Si taxaddar leh gacmaha isaga dhaq markaad musqusha isticmaasho ka dib.

─ Waxaad cudurka ka qaadi kartaa qof cudurka qaba, sidaas awgeedna dhaqidda gacmuhu aad ayey muhiim ugu tahay ka hortagga faafidda.

Haddii aad wax su?aalo ah ama walaac ah qabtid halkaan ku weydii.

SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55884
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudaradee laga talaalaa bilaheena la talaalaa?

Started by Awil5Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8685
Last post October 26, 2016, 06:39:23 PM
by SomaliDoc
Faa'iidada laga helay qandhada "Rifty Vally"

Started by DoctoorBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 10263
Last post November 14, 2007, 12:30:34 AM
by Doctoor
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18425
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 14195
Last post April 03, 2016, 10:41:02 PM
by Jamaaluddiin