Author Topic: Su'aal Ku Saabsan SEMEN. Ama Raga Khusaysa.  (Read 18705 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hamdan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Su'aal Ku Saabsan SEMEN. Ama Raga Khusaysa.
« on: January 18, 2011, 01:58:19 PM »
Marka Waxaad Iga gudoontaan Salaan.
1 Su'aashayda koobaad.
Marka Hore ee aanan u galin su'aashayda waxaan jeclaa inaan idiin sharxo su'aasha waxay tahay.
Walaal waxaan iska qaaday SEMEN, si aan u ogaado caafimaad ahaan maadaama oo aan ahay qof aqal leh dhawaana guursaday.
Kadib Markaan la xidhiidhay Dhakhtar kaasoo iga dalbaday inaan Iska Qaado Baadhitaan Dhinaca SEMEN-ta  ah kadib markii ay natiijadu ama jawaabtii hore soo baxaday AFTER 3hr. Waxaa ay u dhignay Sida tan.
 
           Spermiogram.

1:  Valume   > 1.5ml >  ml.(N:2-6)
2:  Consistency >  Normal
3:  Colour  > Opaque
4:  Reaction > 8.0
5:  Liquif. Time > 5 minutes
6:  sperms count  >  102.4 million >                million/ml. (N: 20 -200)
7:  All sperms                                              million/ ejaculate (N: >40)
8:  period of Abstinence                                      Days.

Motilty

1: After 1 hour      85         %
2:  After 2 hour     80         %
3:  After 3 hour                   %
Qualitatively
1: Abnormal forms          15%                %(N  :  Up to 30%)
2: Spermatogenic cell     8  10                              /hpf
3: Pus cells                         0 – 3                              /hpf
4:  Red cells                       0 – 1                              /hpf


Ka dib Doctor-ku  waa uu ii sheegay inkastoon si fiican anaan u fahmin maadaama oo uu ahaa Doctor-ku  mid ku hadlaya Af ka gadisan Luuqadayda hooyo. Awgeed.
Please anoo ka faa'iidaysanaya Fursadaydan aan u helay inaan idin soo weydiiyo anoo waliba ku sharxaya afkayga hooyo hubana in aan si wanaagsan u fahmi doono insha allaah markaad ii soo sharaxdaan.
Walaal hadii aan idiin sharxo waxaan doonayo inaad ii sheegtaan ayaa ah jawaabtan oo dhan micnaheeda.

2 Su'aashayda kale ayaa iyana ah sidan
Walaal su'aashaydan ayaan ka fogay tii hore oo daba socota waxaa weeyaan iyana isla NATIIJADA ama JAWAABTA ayaa iyana SEMEN-ta laqaaday After 4days oo Ay hayeen 4days kadib markaan u doontay jawaabtii 4cisho kadib waxay jawaabtu u dhignayd sida tan hoos ku qoran:-

Organism : GRAM POSITIVE COCCI

Antibiotics:

    ANTIBIOTICS               SENSITIVITY                 ANTIBIOTICS                               SENSITIVITY
1: Ciprofloxacin                 ++++                           ceftazidime                                      +
2: Norfloxacin                    ++++                           Tetracycline                                    +
3: Chloramphenicol           +++                                 Piperacillin                                RESISTANT
4: Augmentin                      +++                             Sulphamethaxazole                     RESISTANT
5: Amikacin                           ++                              Cerfuroxime                             RESISTANT
6: Ampicillin                           +                               Cephalexin                               RESISTANT
7: Amoxicillin                         +                                Penicillin                                  RESISTANT
8: Cephradine                        +                                          

Tanina waa Jawaabtii Labaad Ee 4cisho ka dib soo baxday  iyadana si wanaagsan u maan famin oo waxaan u baahanahay inaad iga caawisaan si aan u fahmo.

Thanks And Best Regards.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal Ku Saabsan SEMEN. Ama Raga Khusaysa.
« Reply #1 on: January 18, 2011, 07:47:58 PM »
Baaritaanka hore waa baaritaan lagu sameeyo dadka ka cabanayo madhalaysnimada "Infertility" si loo ogaado dhibka ma xaga ninkaa mise xaga islaanta.
Waxaa la baarayaa shahwada ragga waxa laga fiirnayo waa laba shey oo kala ah qaabka iyo socodka manida:          
Quote
Spermiogram.
1:  Valume   > 1.5ml >  ml.(N:2-6)
2:  Consistency >  Normal
3:  Colour  > Opaque
4:  Reaction > 8.0
5:  Liquif. Time > 5 minutes
6:  sperms count  >  102.4 million >                million/ml. (N: 20 -200)
7:  All sperms                                              million/ ejaculate (N: >40)
8:  period of Abstinence                                      Days.
Qeybtaan hore waxaa lagu fiirinayaa qaabka xawada ama manida iyadoo laga fiirinayo xagga xajmiga, waxa ay ka koobantahay, midabkeeda, xagga falgalka "PH-Level", inta uu ku milmaayo, inta malyan oo xawo oo ku jirto 1kii ml oo shahwo ah, inta xawo oo halkii mar soo baxdo markaa biyo baxaysid iyo inta maalmood oo aadan haweentaada u galmoon baaritaanka ka hor si loo ogaado saameynta ay ku yeelan karto.
Sida baaritaanka ka muuqatane kulli waa normal.
Baaritaankaan kore lagama qaado qof walba ama dadka dhawaan guursaday haddii aysan jirin shakki ma dhalaysnimo oo lamaanaha labadooda mid.
Quote
Motilty
1: After 1 hour      85         %
2:  After 2 hour     80         %
3:  After 3 hour                   %
Qualitatively
1: Abnormal forms          15%                %(N  :  Up to 30%)
2: Spermatogenic cell     8 – 10                              /hpf
3: Pus cells                         0 – 3                              /hpf
4:  Red cells                       0 – 1                              /hpf
Qeybtaan labaad ee socodka xawada waxaa lagu fiiriyay, saacadda ugu horeeyso meeqo percentage oo xawo ah ayaa socda maadaama sida eebe ugu talagalay ay tahay in xawadu ay socoto oo ay raadiso ugxanta si ay ubacrimiso, saacad walba saacadda ka sii dambeysane way sii yaraaneysaa. iyadane waa normal.
waxaa kaloo la fiiriyay qaabka xawada meeqo % ka mid ah ayaa qaab abnormal ah (sida caadiga ah 30% oo xawo aan caadi aheen ayaa ku jiri karta shahwada), meeqo unug oo xawo ayaa lagu arkayaa weyneysada markii la isticmaalo HPF oo ah "High Power Field", meeqo oo unug malax oo caabuq tilmaameyso ayaa lagu arkayaa HPF, meeqo unugyada dhiigga cas ee lagu arkayaa shahwada/HPF.

Baaritaankan waxa loo yaqaannaa "Semen Analysis" oo ah macnaheedu yahay Falanqenta Shahwada, wax dhib ah kama muuqdo.

Quote
   ANTIBIOTICS               SENSITIVITY                 ANTIBIOTICS                               SENSITIVITY
1: Ciprofloxacin                 ++++                           ceftazidime                                      +
2: Norfloxacin                    ++++                           Tetracycline                                    +
3: Chloramphenicol           +++                                 Piperacillin                                RESISTANT
4: Augmentin                      +++                             Sulphamethaxazole                     RESISTANT
5: Amikacin                           ++                              Cerfuroxime                             RESISTANT
6: Ampicillin                           +                               Cephalexin                               RESISTANT
7: Amoxicillin                         +                                Penicillin                                  RESISTANT
8: Cephradine                        +      
                                   
Baaritaanka kale waxaa loo yaqaannaa "Semen Culture" oo ah Beerista shahwada oo ah macnaheedu daawadee ayaa wax ka tareyso markii shahwadu ay caabuqdo, maxaa yeelay jirka meelba meel daawo gooni ah ayaa wax safiican ugu tarto ama dadka qaarkiis daawo gooni ah ayuu adkeysimo u leeyahay oo wax kama tarto.
Sida baaritaanka ka muuqato 5 daawo ayaa ku tahay RESISTANT, 5 daawooyinka kale waa ku kala duwantahay, daawada aad heshay 4 ++++ ayaa ah daawada ugu fiican oo wax safiican kaaga tareyso, daawooyinka kale wax waa kaa tarayaan inakstoo tarista ay la egtahay inta + ay noqotay.
Baaritaankaan waxaa loo diraa bukaannada ka cabanayo caabuqa qanjir rageedka oo muddo dheer jiray "Chronic Bacterial Prostatitis".
daawooyinka la isku waafaqsanyahay oo lagu daaweeyo caabuqaan waa daawooyinka loo yaqaan "Quinolones" oo ay ugu horreyso Ciprofloxacin iyo Norfloxacin maadaama daawooyinkaan ay awood u leeyihiin in ay ka dhaxbaxaan dahaarka qanjirka si bakteeriyada ay u dilaan.

Waxaan rajaynayaa in baaritaannadaada waxa laga wado aad fahantay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hamdan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Suáal Ku Saabsan SEMEN. Ama Raga Khusaysa.
« Reply #2 on: February 09, 2011, 01:22:18 PM »

Si wanaagsan oo faah faahsan ayaad iigu soo sharaxdeen waanad ku mahadsantihidiin, Jasaa'kallaah khayr.

walaal waxaan kaloon kuu sheegayaa inaan isticmaalay ama uu Dr.kii iisoo qoray dawodan ka dib baadhitaanka dawadan magaceedu waa (Ciprofloxacin), markaa waan qaatay waanan dhamaystirtay wuxuuna igu yidhi igu soo laabo ana kumaan laaban markaa wax dhib ah ma ku jirtaa ama dawo inaan qaataa ma u baahanay mise uma baahni?


2: Walaal su'aashayda kale ayaa ah Xaaskayga ayaa waxay ka cabataa dhiiga caadada ee dumarka ka yimaada bishii hal mar.
Markaa iyadu waxay imika aanay helin 3bilood wax dhib ahna kuma hayo uurna malaha, laakiin mar mar ayay tidhaahdaa dhabarka ayaa i xanuunaya ama caloosha taasi ma badna ama maaha mid xanuun ku haysa waxaanay ii sheegtay inay sidan oo kale ay aragtay intii aanay guursan oo uu maqnaan jiray wakhtiyo ka badan 3bilood laakiin ay dhakhtar la xidhiidhay uuna ka waaniyay waxyaalo badan sida fikirkoo kale, daawana wuu usoo qoray markaa wey heshay caadadii markay isticmaashay daawooyinkii hadana islamarkiiba wey weyday oo waxa ay tidhi daawooyinkii dib umaan doonan oo waan ka cabsooday waxaanan sugay mudo waa uu yimid si dabiiciya laakiin muu ahayn mud sidii la rabay usoo noqday ee waa uu go'ga ayay markaa imika oo ugu danbaysay 3 bilood ka hor ayaa ah mid uu maqan yahay ilaa hada, waxaan Dr. ku weydiin lahaa maxaa sababaya?.


Thanks & Regards.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal Ku Saabsan SEMEN. Ama Raga Khusaysa.
« Reply #3 on: February 14, 2011, 09:25:38 PM »
Talada takhtarka in la qaato ayaa habboon maadaama uu la socday xaaladaada caafimaad, haddii aad caafimaad iska dareento xitaa wuxuu takhtarka ku sii karaa talooyin kugu caawin karaa si cudurka aad iskaga ilaalisid.

Midda ku aadan caadada aan ku imaan xilligeeda halkaan ka kahriso qoraal ku saabsan:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2145.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18550
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27841
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada ee dalka masar:

Started by Dr.HabiibBoard I want to Study Medicine

Replies: 0
Views: 23828
Last post September 04, 2011, 04:19:01 AM
by Dr.Habiib
Su'aalo ku saabsan siigeysiga iyo finanka wajiga?

Started by SeidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48723
Last post February 24, 2011, 10:54:29 AM
by SomaliDoc
Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 16267
Last post January 02, 2013, 08:04:56 PM
by SomaliDoc