Author Topic: SU'AAL: MARKAAN DHIDIDO WAXAA IGU KACO CUN CUN?  (Read 28372 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdalle-cade

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AAL: MARKAAN DHIDIDO WAXAA IGU KACO CUN CUN?
« on: February 15, 2011, 04:44:45 PM »
 ??? ??? ???-- ASC DHAMAAN WA IDIN SALAMAY GAAR AHAAN DRKA WAXAAN KU WAYDIINAYA DR> WAXAN ISU ARKAY MUDA 6 BILLOD CML AH MARKA AN ORDO AMA AN KUBAD DHEELO AMA AAN BISBAAS AMA BASAL WAX KULUL AN CUNO AMA AN MEL KULUL GALO  WAXA IGU KACO CUN CUN AAD MOODID IN WARIIRI U KU CUNAAYO MARMARNE KOR DHAM WU IBARARAA FADLAN MAXE TAHAY DHIBATADAS MAXAASE AGA HOR TAGI KARAA FADLAN IIGU SO JAWAAB INBOX KAGA WAN KU WAREERAY WABKA HADII AN MEL QALDAN SU ASHA KU SO QORAYNE DADKA  YAQAAN HA II GUDBIYAAN PLEASE WALALAYAAL KADIBNA INBOXKA HA LIAGU SI JAWAABO MAHADSANIDIIN ??? ??? ??? ??? ??? ??? ??? ??? ??? ???




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Cuncunka la dareemo markuu qofka dhidido waxaa keena cudurka loo yaqaanno "Miliaria".
Miliaria waa dhibaato guud oo u badan caruurta, waxaana keena daldaloodada jirka oo xirma kuwaas oo ah meelaha yaryar ee jirka hawadu ka gasho. Waxay aad u sii daran tahay marka hawadu diiran tahay ama aad loo kululaado.
Nooca aadka u darani wuxuu dhaliyaa guduud iscuncun leh afkana biya ku wata iscuncuna yeesha kulaylaha.
Nabaradu waxay ku dhamaadaan dhowr berri laakiin waa laga yaabaa inay soo noqdaan.
Qofku wuxuu dareemaa in cirbado lagu mudayo oo wuxuu jecelyahay in dharka iska bixiyo si uu hawo u helo oo markii uu leersado ayaa xanuunka ka yaraadaa.

Miliaria waxay badanaa ku dhacdaa dhafoorka, camanka, indhaha galkooda iyo sanka mararka qaarkood. Waxay kaloo ku dhici kartaa meesha dharku kaga xiran yahay halkaas oo dharku xiray daloolka dhididka.

Markuu qofka hawl culus qabto sida inuu jimicsado, ama ordo ama naxo ama cunno kulul cuno waxaa kaco heerkulka jirka taasoo inuu dhidido keensato, haddii duleelada ay ka soo baxo dhididka uu xiranyahay waxa keensataa in dhididka hoos u baxo taasoo keensato in jirka ku xajiimooda dhididkaas.

Nooca sahlan oo miliaria-da ah uma baahna daawayn wayna iska dhamaanaysaa haddii meel qabow ku dhoolaato ama iska ilaaliso waxyaabaha dhididka kuu keenayo si khafiifana aad u marsato kareemka jirka qooya. Marmarka qaarkood cortisone cream aan awood weyn
lahayn ayaa laga yaabaa in dhakhtarku kuu qoro si uu u caawimo maqaarka cuncunka leh haddii uu caabuqo. Waxaa kaloo laga yaabaa in la isticmaalo kareemka lidka khamiirka (anti-yeast cream).

Akhriso cuncunka la dareemo qubeyska ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6260.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16195
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12652
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15143
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61147
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14141
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc