Author Topic: CUNCUNka Xubnaha Taranka Gala  (Read 35109 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xanaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
CUNCUNka Xubnaha Taranka Gala
« on: February 17, 2011, 02:39:15 PM »
Assalaamu Calaykum!

Salaan kadib waxaan u mahad celinayaa dhaqaatiirta isku howley in ay dadkooda ka caawiyaan dhanka caafimaadka.

Waxaan rabaa in aad igala soo talisaan xanuun aan dhowaanahaan aan isku arkey oo ah, cun cun  xubinta taranka ee dumarka iga haya. waxaan isku arkaa nabaro yar yar oo furuurux ah aadna u cun cun badan oo iiga soo baxa afka hore ee xubinta taranka ilaa gudaha iyo dhanka cervix-ka afkiisa. nabraha yar yari waa ay adagyihiin marka la taabto sidoo kalena waxaan isku arkaa dhacaan ur xun ah leh. sidoo kale waxaan dareemayaa in uu uu bararsan yahay afka hore ee Ilmagaleenka. kaadiduna weey i gubtaa ooo ma celin karo.

waxaan jeclaan lahaa in aan ogaado xanuunkaan i haya magac ma leeyahay ? hadii uu leeyahay maxaa la yiraahdaa?





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: CUNCUNka Xubnaha Taranka Gala
« Reply #1 on: February 18, 2011, 09:01:35 PM »
Nabro adag oo ka soo baxa minka afkiisa waxaa keeni karo cudurro dhowr ah laakiin maadaama cudurradaas ay ka mid tahay kaankarada ku dhacda luqunta minka "Cervix" waxaa haweenka ka cabanaya nabraha noocaan lagula taliyaa in ay la xiriiraan takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan si baaritaan loogu sameeyo loona hubiyo in nabraha aysan ahayn kuwii kaankarada ahaa.

Baaritaanka la samaynayo ayaa loo yaqaannaa "Colposcopy" waa baaritaan la sameeyo si loo hubiyo unugyada aan caadiga ahayn
ee xubintaada iyo afka ilmo galeenka. Takhtarku wuxuu isticmaalayaa aalad weyneyso ah si uu u hubiyo unug aan caadi ahayn ee cawrada iyo afka ilmo galeenka. cad unug oo yar ayaa laga yaabaa in lagaa soo saaro si shaybaarka loogu soo hubiyo.

Baaritaannada kale ayaa ka mid ah Dheeh Marinta Pap "Pap Smear" oo ah waxaa loo sameeyaa si loo hubiyo cudurrada cawrada, afka ilma-galeenka, ilma-galeenka, iyo ugxansideyaasha. Dheeh marinta pap waa baaritaan hubinaya is-beddello ku yimid afka ilmagaleenka, kaasoo laga yaabo in uu yahay calaamad hore ee kansar.

Nabrahaas waxay kaloo noqon karaan Fiix "Cervical Polyp" ama Honqor "Genital Warts" laakiin waxaa lagu kala ogaan karaa cudurradaan baarista aan kor ku soo xusay.

Waxaa kaloo laga yaabaa in ay la socdaan infekshan taasoo sida aad ka cabanaysaba ay kaadida ku gubto iyo dheecaan ur badan oo kaa yimaada.

TALO: La xiriir takhtar aqoon u leh cudurrada haweenka sida ugu dhakhsiyaha badan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Yaraanta xubinta taranka ragu wax ma u dhimi kartaa wada noolaanshaha

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 30360
Last post October 12, 2015, 05:51:42 PM
by Ayanleh
Su'aal: Haduu qofka xubin tiisa taranka ay tahay 13cm ama 5inch?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15649
Last post March 25, 2016, 09:18:40 PM
by SomaliDoc
Maxaa Keena Nabarada Ku Dhaca Qaybta Hore ee Xubita Taranka?

Started by AdamAliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4977
Last post January 19, 2021, 11:40:33 AM
by Milica_soomali
Su'aal: Maxa keena in xubinta taranka ragga ay hoos u qallocato?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7979
Last post March 03, 2016, 02:27:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan leeyahay neef dhanka xubinta taranka?

Started by ChoukriBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10579
Last post January 14, 2015, 12:30:12 PM
by SomaliDoc