Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?
(1/1)
Haji2:
assalamu aleikum dhammaan dhaqaatiirta waqtigeeda ku tabarucay intaa kadib waxaan si dabacsan u doonayaa in la iiga soo jawaabo suaashan ( waxaa dhib weyn igu hayaa dhareer kaas oo iga yimaado marka aan seexdo waan dhareer ka imaanayo afka waxuuna wataa shiir ama suudh marka maxaa keenaa mase la daaween karaa ? suaasheeda waa taas hadii la fahmi waayo waan idinka raali galinayaa hadiii faafaahin kale la iiga baahdane diyaar ayaan jazaakumulaahu kheral jazaa walm
SomaliDoc:
Dhareerka badan ee xilliga hurdada waa lagu kala duwanyahay oo calyo soo saarista waa lagu kala badan yahay.
Qaar wax yar oo aan la dareemi karin ayay sameeyaan, qaarka kale barkinta ayay iska qooyaan, qaarka kalane hurdada ayay ka soo kicisaa oo way ku sexdaanba.
Dhareerka urka badan wuxuu ka dhalan karaa dadka afka ka jiran ama jiifta iyagoo ilkaha cadaysan ama cirridka buka.
Wuxuu kaloo ku badan yahay dadka ka dheefsada afka oo sanka aanan isticmaalin taas oo qofka afka furan awgiis ay keensanayso in celyada ay u soo baxdo banaanka meesha laga rabay in la liqo.
Waxaad dhibaatadaan uga hortagi kartaa tillaabooyinkaan soo socdo:
1- Cadayso waqtiga aad jiifsayso
2- Haddii aad leedahay laab jeex ama caloosha oo soo rogmato, biyo badan ha cabin hurdada ka hor.
3- Is bar in aad sanka ka dheefsatid afkane isku qabso
5- Haddii aad ilko bolol ama suus qabtid ama cirrid jiran la xiriir takhtar oo iska daawey.
6- Haddii aad qabtid sanboor ama cabursanaan taasoo keensato in afka oo kala furan aad jiifatid iyadane iska daaweey.
7- Haddii aad quuman qabtid waxay keentaa calyo iyo dhareer aad u ur badan oo dheg dheg ah. - Iska daaweey.
Waxaa hubaal ah haddii tillaabooyinkaan aad qaadid in dhareer badan oo ur leh aadan iska arki dooninnaha insha'llah.
Akhriso dhareerka caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6021.0.html
Akhriso Af-urka ama shiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Xuseendhool:
Waxaa ixanuunta carjawda barida iyo murqaha lugaha oo dhan iyo kuwa garbaha waxaa kaloo ixanuuna dhabarka maxaan isku dawaynkara dictore talana igusiin kartaan. Mahadsanidin
SomaliDoc:
Murqo xanuunka waxaa keeno dhowr waxyaabo oo kala duwan, waa in aad dhakhtar u tagtaa si laguu baaro.
Halkaan ka akhriso laba qoraal oo ku saabsan waxyaabaha keeni karo xanuunkaaga:
1- Murqo xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html
2- Murqo iyo seedo xanuun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3358.0.html
3- Xanuunka seedaha iyo murqaha ee Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir halkaan.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version