Author Topic: Su'aal: Qalabkan ay xayaysiiyaan ee caloosha lagu xidho?  (Read 23465 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gaadhhaye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Qalabkan ay xayaysiiyaan ee caloosha lagu xidho?
« on: February 16, 2011, 09:23:57 PM »
SA CA WA
Waan salamayaa dhakhaatiirta is xilqaantay iyo golahaba,waxaan dhakhaatiirta weydiinayaa qalbkan ay xayaysiiyaan
ee caloosha lagu xidho ee ay leeyihiin calooshuu ridaa ma la isticmaali karaa oo wax ma ka tari karaa in qofka caloosha weyn uu  ka yareeyo caloosha iyo muxuu dhibaato keeni karaa maadaama uu calooshii oo dhan luxayo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qalabkan ay xayaysiiyaan ee caloosha lagu xidho?
« Reply #1 on: February 18, 2011, 09:45:24 PM »


Suumanka caloosha ee aad looga xayasiiyo talefeshinnada oo loo isticmaalo buurnida iyo in lagu yareeyo baruurta caloosha ayaa waxay u kala qaybsamaan illaa 4 nooc.

1- Nooc loogu talagalay in caloosha lagu celiyo kaliya oo la xirto xilliga jimicsiga kaasoo kaa saacida in miisaan dheeraad ah uu caloosha saaro si cadaadiskaas ay murqaha caloosha ay adeeg u noqdaan.

2- Nooca labaad wuxuu wataa qalab soo saaro kuleel kaasoo heerkulka caloosha sare u qaado taasoo dufanka iyo xaydhta caloosha ay kululaato qulqulka dhiiggane uu bato taas waxay keensanaysaa in energy badan la gubo oo miisaan saas ku lumo.

3- Noocaan waxuu wataa qalab murqaha u dirayo dhanbaal koronto ah kaasoo murqaha in ay aad u gariiraan keena taasoo laga wado in la badiy murqaha caloosha shaqadooda si ay caloosha u yaraato.

4- Noocaan waa cusub yahay mid caafimaadka u rooonne maahan wuxuu dhanbaal koronto u dirayaa caloosha iyo xubnaha caloosha ku jirto taasoo fariinta gaajada maskaxda loo diri lahaa joojiyo si qofka badanaaba uu dareemo inuu dharganyahay howshii dheefshiidka calooshane hoos ayuu u dhigayaa maadaama dheecannadii burburin lahaa cunnada soo deyntoodii la yareeyay!.

Waxaa la isku raacsanyahay suun la xirto kaliya in aysan calool ku yaraanayn haddii uusan ka mid ahayn program dhameestiran oo miisaanka lagu yaraynayo, waxaa kaloo kugula talin lahaa in aad ka fogaatid suumanka shaqada jirka wax u dhima ama koronto ku sii daaya jirka ama guba unugyada caloosha ama murqahaba.

Haddii aad ka fakaraysid caafimaadkaaga inta aadan isticmaalin qalabyadaan cusub oo qaar badan xitaa aan la qoon sida ay u shaqeeyaan in aad kala tashid takhtarkaaga.

Akhriso qoraal ku saabsan sida loo yareeyo cayilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3014.0.html

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106884
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64455
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29266
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53577
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34486
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca