Author Topic: Su'aal: Xanuuno xaniinyaha + dhalmo la'aan?  (Read 11724 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline BAXARSAF

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuuno xaniinyaha + dhalmo la'aan?
« on: February 16, 2011, 01:36:52 PM »
Sxb nin saaxibkey ah mudo 4 sano ah ma uusan helin wax ilmo ah awelna dhashu caadi bey ahayd macnaha sanadka kasta si caadiya ayay udhashaa.

waxyaabaha u sheegay waxaa ka mida xaaska waxa ay ka caban jirtay low back xanuun intaas ay dhaleysayna wey ka caban jirtay malin maalmaha ka mida ayay u tagtay gabar Gnocologya sheegatay ilaa wadankii waxa ka jira waad ogtahay QOF aanan haysan aqoon caafimaad inu boor ku dhagsado meel ku shaqaysto waxaana u badan kalkaaliyaasha ka hoos shaqeeya dhaqaatirta, waxba yaanan ku dheeraan mawduucaase, almuhim gabadhii waan ku gubayaa bey tiri weyna gubtay dawooyin badana wey usoo qortay waxaa laga dhaxlay dawadaa & gubniinkaas ka dib xanuuno infection u badan fangus ah mana aqaan in waxaasi sabab u yihiin iyo in kale. dhashii sidaas ayay ku istaagtay sababaha makala cadeyn karo,


wiilka xaaladiisa
wiilkana wuxu sheeganayaa xanuuno hawadiisuna wey yaraatay xiliyada sex-ga waxaa xanuuna meesha gusku ka bilowdo ee labada xidid xiniinyaha aada maraan xanuun siyaado ah iyo miraha laftooda oo an la taaban karin marki xaaladaasi jirto laakin hadii aanan jirin xaalad sex waa caadi o caadi ayaya kusoo noqonaysaa mida kale sex markaan sameeyo isla daqiiqadaas ma kaadshikaro weyna igu dhagaysaa iyadoo igubaysa weliba markuu gusku damo o u caadi kuso laabto ayay imanaysaa kaadida waxaa la yiri waxaa jira Urine Truct Infections mana aqaan ee bal talo waafiya naga siiya calaamadaas & waxa xalku noqonkaro


Cawke
Somalia




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuuno xaniinyaha + dhalmo la'aan?
« Reply #1 on: February 19, 2011, 07:24:40 PM »
Calaamadaha aad ka cabanayso walaal waxay noqon karaan infakshan ku dhaca kaadi mareenka ama infakshan galmo.
Gabadha dhalmo la'aanteeda waxaa dhici kara in infakshan uu ahaa asalkiisa maadaama hadduu infakshanka raago uu keeni karo madhalaysnimo.
Gubista waa daaweyn hore oo laga tagay meel laga isticmaalo dunidane aysan jirin oo loo isticmaali jiray daawenta infakshanka.
Waxaad u baahantihiin in aad la xiriirtaan takhtar aqoon u leh cudurradiinna si la iddin baaro aadna u qaadataan daawada idinku habboon.

Halkaan ka akhriso qoraallo la xiriiri karo xaaladdiinna.

Cudurrada Galmada al isugu gudbiyo:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0

Dhibaatooyinka qanjirka prostaytka:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2119.0

Cudurka Chlymedia:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0

Cudurka Jabtida:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0

Cudurka Isfiilitada:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Roqoro/Burooyin yaryar oo xaniinyaha kasoo baxa ma cudurbaa ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7163
Last post January 28, 2012, 11:56:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maqaarka sare ee xaniinyaha ayaa i bukada?

Started by Wehlie19Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7570
Last post July 08, 2015, 02:26:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka brusella maku dhacaa xaniinyaha?

Started by Sayid Cali CumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4112
Last post April 13, 2016, 03:36:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaniinyaha oo burtuq yeesho markaan wax dareemo?

Started by Jamal Cade11Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6051
Last post December 24, 2016, 11:01:37 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa jira cun cun badan oo xaga xaniinyaha?

Started by AyuushaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5581
Last post May 21, 2018, 02:55:04 PM
by SomaliDoc