Author Topic: Ugxansidaha Fiixda leh "Plycystic Ovary Syndrome"  (Read 83401 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Hidaayo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Ugxansidaha Fiixda leh "Plycystic Ovary Syndrome"
« on: February 23, 2011, 11:02:24 PM »
waa salaamantihiin dhamaan dhaqaatiirta somaliyeed  waaana ku mahadsanthiin sida sharafta leh ee  isu xil saartay umada somaliyeed  in ey u sameeyaan websedkan salaan kabacdi su ,aal shaan qabaa waatan walaal waxaaan leygu yiri wxaa  qabtaa  wax yar yar oo kasoo baxa ukxantaa dumarka mana ku dhali katrid  markatid waxan jiraaa 28 sano hal mar aan horay wax u dhalay marka waaxaa ley qoray dawada sokorta  mana qabo sokor daawo kale ma leyahay cudurkaas  waxaan rabaa  in aan laxariiro dhaqtarada somalida  jooga yurub fadlan ii shega hadii oow daawo leeyahay mahad sanid  dhamaantiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ugxansidaha Fiixda leh "Plycystic Ovary Syndrome"
« Reply #1 on: February 24, 2011, 12:15:01 PM »


Waa Maxay Ugaxansidaha Fiixda Leh?
Ugxansidaha fiixda leh waa xaalad caafimaad oo loo yaqaanno "Polycystic Ovary Syndrome" loona soo gaabiyo "PCOS".
Waa xaalad ku dhacdo haweenka taasoo keensato dhowr dhibaato oo ay ka mid tahay:
  • In ay saameyso caadada dumarka in la waayo in ay soo daahdo iyo in muddo ah in ay iska socoto.
  • Isku dheellitirnaan hormoonnada jirka
  • Dhibaatooyin wadnaha iyo xididada dhiigga
  • Madhalaysnimo.
  • Iyo muuqaalka qofka (Qofka oo aad u cayilo ama qof bararan u ekaado ama haweenta oo xaad ama timo ka soo baxaan garkeeda)
  • Fiixyo tiro badan oo ku samaysma dhinacyada ugxan sidayaasha.

Meeqo Haween Ayaa Qabto Cudurkaan?
  • 20 kii haweenba waxaa laga helaa hal qof oo qaba cudurkaan inkastoo u badantahay haweenka dhalmada gaaray laakiin way dhacdaa in gabdhaha da'da yar ay ku dhacdo wixii ka billawdo 11 jir.

Maxaa Keeno Cudurkaan?
Sababta keento cudurkaan lama garanayo laakiin dhakhaatiirta ku takhassustay cilladaha homoonnada waxay aaminsanyihiin in waxyaabo badan oo isku tagtagay ay ka dhasheen taasoo ay ka mid yihin:
  • Hiddo wade qofka jirkiisa uu ku dhashay ama uu ka soo jeedo qoys cudurkaan lagu yaqaanno.
  • Isku dheellitirnaan hormoonnada taasoo hormoonnada haweenka ay yaraadaan ama hormoonnada ragga ay haweenka ku bataan sida "Testosterone" taasoo keento in caadadii wareerto, Finan wajiga ka soo baxa sida fin
  • doobka iyo xaad badan ay haweentu yeelato.
  • Waxaa kaloo la arkay in haweenka qabo cudurkaan uu ku badanyahay hormoonka Insulinka kaasoo keena inuu sii badiyo hormoonka ragga ee loo yaqaanno "Androgen".

Waa Maxay Calaamadaha Cudurkaan?
  • Dhalmo la'aan (hooyadii aan uur qaadaynin maxaa yeelay ugxan sidihii ugxan soo saari maayo, cudurkani waa cudurka ugu badan oo haweenka u keeno madhalaysnimo).
  • Caadadii oo wareersan
  • Xaad badan "Hirsutism" tin ka soo baxdo wajiga, garka, xabadka, caloosha iyo suulasha cagaha dhabarkooda.
  • Fiixyo badan oo ugxan sida ka soo yaaco (Waxaa lagu arkaa baaritaannada Scan-ka)
  • Findoob iyo agool badan oo madaxa ku samaysmo.
  • Cayilnimo (Miisaanka oo kordho una badan dhinacyada caloosha)
  • Tinta oo meelaha qaar madaxa ka daadato ama yaraato
  • Baro baro ku samaysma jirka sida qoorta, gacmaha, naasaha iyo canjirrada taasoo midabkeedu yahay huruud ama madow.
  • Misko xanuun
  • Walwal iyo murugo
  • Naqaska-hurdada (Neefsashada oo istaagto waqti kooban xilliga hurdada)

Sidee Cudurkaan u keenaa Madhalaysnimada?
Ugxan-sidaha waa meesha haweenka ugxantooda laga soo saaro, ugxantaas waxay gashaa "Gal" si ay ugu korto oo markii ay gaarto heerkii la bacrmin karay ayaa laga soo daayaa taasoo soo aaddo dhinaca "minka" si loo bacrimiyo iyadoo soo marayso tubooyinka. Haddii haweentu ay qabto cudurkaan, ugxan-sidaha awood uma lahan inuu kobciyo ama koriyo ugxanta maadaama hormoonnadii ka qeyb qaadan lahaa howshaan aysanba jirin.
Marka Galkii ugxanta lagu kobcin lahaa ayaa waxaa ka buuxsamo biyo taasoo keensato cudurkaan.

Cudurkaan Ma Is badalaa xilliga dhalmo-dayska?
Haa iyo Maya.
Cudurkaan wuxuu saameeyaa habdhisyo badan oo jirka ah sidaa awgeed calaamado badan way sii jirayaan inkastoo ugxantii ay hawlgabtay heerkii hormoonadane ay is badaleen.
Waxaa sii jiri doona in xaaddii iyo tintii ay sii badato, in bidaar-raggeed ay gasho haweenta, wadna xanuun iyo kaadi-macaan (Sokorow).

Sidee ku ogaan karaan in aan qabo cudurkaan?
Ma jiro baaritaan kaliya ee lagu ogaan karo inaad qabto cudurkaan laakiin haddii aad raacdo tilaabooyinkaan hoos ku qoran waad garan kartaa:
  • Raadraac taariikheed: Dhakhtarkaagu wuxuu ku weydiin doonaa xilliga caadadaada, isbadal miisaanka iyo calaamado kale
  • Wiisito Guud: Dhakhtarka wuxuu kaa cabbiri doonaa heerka dhiiggaaga, miisaankaa, iyo cabbirka dhexdaada iyo in timo badan kaa soo baxeen iyo in kale.
  • Wiisito Gaar (Miskaha): Wuxuu Dhakhtarka fiirin doonaa in miskahaaga uu isbadal ku dhacay in barar uu jiro iyo inuu weynaaday oo kale
  • Baaritaan Dhiig: Waxaa lagaa cabbiri doonaa heerka sonkortaada iyo heerka hormoonka ragga ee "Testosterone".
  • Qalab lagu fiirnayo ugxan sidayaasha iyo dahaarka minka si loo ogaado in isbadal ama calaamado tilmaamayo in cudurka aad qabto.

Sidee Loo Daaweeyaa Cudurkaan?
Cudurkaan daawo ma lahan inta hadda la ogyahay, laakiin waxaa jira talooyin la raaco si dhibkiisa loo yareeo. daawoyinkaas oo ku xiran calaamadaha kaa muuqdo oo cudurka uu keenay iyo in aad danaynayso in aad uur yeelato iyo daawooyin yaraynaya nasiibkaaga wadna qabad iyo kaadi-macaankaba.
Talooyinkas ayaa waxaa ka mid ah:
  • In aad badashid qaabka nolol-maalmeedkaaga in aad cunto cunno siku dheellitiran, jimicsi joogto ah. ka fogow cunnada gasacadaysan badso cunnada qolfaha leh sida miraha, khudaarta iyo faakihadaha.
  • Talaabadaan waxay kaa caawinaysaa in heerka sonkortaada ay yaraato, in jirkaaga uu ka faaideysto insuliinka iyo hormoonnada jirka ay dheellitirmaan intii jirku awoodo iyo caadada ay normal ku soo laabato.
  • Kaniiniyada lagu xaddido uurka waa haddii ay haweentu rabin in ay uur yeelato, daawooyinkaan waxay kaa caawinayaan in caadadu ay dheellitirnaato, hormoonnada ragguna ay yaraadaan iyo Finanka wajiga ay baaba'aan. calaamadahani way soo laabanayaan markii aad joojisid qaadashada kaniinigaan.
  • Daawada Sonkorowga ee 'Metformin' waxaa loo isticmaalaa daaweynta cudurka nooca labaad ee kaadi-macaanka. waxaa kaloo la arkay inuu wax ka taro calaamadaha uu keeno cudurkaan, sidaa darteed dhakhaatiirtu way kuu qori doonaan.
Waxay daawadaan xakamaysaa heerka sonkorta waxay kaloo yaraysaa hormoonnada ragga ee "Testosterone" waxay kaloo yaraysaa xaadda waxay kaloo marmarka qaar soo celisaa ugxan soo saaridda waa markii la qaato dhowr bilood, marka hadduu dhakhtarka kuu qoro, taasi macnaheedu maahan in aad macaan qabtid ama macaan dartiis laguugu qoray. sidaa darteed daawadaan kuguma ridayso cudurka sonkorowga haddii aad qaadato.
Waxaad kaloo ogaataa wadamo qaar sida maraykanka daawadaan laguma daaweeyo cudurka PCOS.
  • Daaweynta Madhalaysnimada: Waxaa jiro dhowr daawooyin oo la siiyo haweenka xiiseynaya in ay uur yeeshaan, daawooyinka oo ku saacido ugxansida inuu shaqeeyo, laakiin hubaal maahan inaad uur qaadi doontid.
  • Haddii daawooyinkaan iyo qaababkaan kor ku xusan wax ka tari waayo cudurkaaga, waxaa lagu daaweeyaa qalliin taasoo lagu soo saarayo qeyb ka mid ah ugxan sidaha dhibka wado.
  • Waxaa kaloo jira qaabab daawooyin kale oo badan oo halkaan aan lagu soo koobi karin laakiin aad kala tashan kartid dhakhtarkaaga si aad o gaatid qaabka kuugu habboon xaaladaada.

Cudurkaan saameyn Maku leeyahay hooyada Uurka Leh?
Haa, Waxay halis ugu jirtaa hooyada uurka leh in:
  • Ilmo ridis "Abortion"
  • Sonkorowga Uurka "Gestational diabetes"
  • Sumooy (Dhiigkarka uurka) "Eclampsia"
  • Dhicis "Premature labour"

Haddii aad u baahantahay faahfaahin dheeraad ah ama aad qabto su'aalo dheeraad ah isla halkaan ayaad nagu weydiin kartaa.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hidaayo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Qalliin lagu sameeyo ugxan sidaha?
« Reply #2 on: June 12, 2011, 03:10:50 PM »
asc wr wb walaal waxaan  doonayaa in wax la, iiga sheeko su,aal aan hada kahor weydiiyay dhakhaatiirta  walalhaeyna  ah ii sida hagar la,aanta ah uga jawaabata baahida umada somaliyeed  su,aa shedu waxaa weeye walaal waxaa iiga so baxay ukxansidaha wax yar yar oo badan marka waa lagu qalayaa baa leeygu yiri marka qaliinkaa wax dhibaataa miyuu   ii keeni karaa dhakhtarkeyga waaan xanuunsanaa markaa ku celceliyay qaliin baad ubaahan tahay boo igu  yiri marka malga yabaa hadii halkaan leyga  qalo wax dhib danbaa in oow ii keeno qaliinkaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wax yar yar oo kasoo baxa ukxantaa dumarka?
« Reply #3 on: June 16, 2011, 09:41:25 PM »
Qalliinka lagu sameeyo ugxan-sidaha fiixda leh waa qalliin lagu burburinayo unugyada soo saarayo hormoonka ragga iyadoo la adeegsanayo kuleyl ama laser.
Qalliinka haddii uu burburiyo unugyadaan waxaa laga yaabaa in howshii dabiiciga ee ugxansidaha inay soo laabato.
Haddii haweenta qabta cudurkaan ay daawooyinka sida "Clomifene" wax iskaga garan waydo waxaa lagula taliyaa in qalliinkaan lagu sameeyo.
Qalliinka waa mid fudud, suuxdin kadib waxaa jeexdin yar lagu sameynayaa qeybta hoose ee caloosha, waxaa la galinayaa tubu afka ku wadato weyneyso taasoo loo adeegsanayo qalliinka ugxansida fiixda leh.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hidaayo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Wax yar yar oo kasoo baxa ukxantaa dumarka?
« Reply #4 on: July 08, 2011, 08:17:15 PM »
asc wr wb dhamaan dhakhtiirta webkan ee sida sharafta leh uga wajaaba su,aalaha dadka somaaliyeed  walaal waxaan rabaa in la,iiga jawaabo su,aashaan anigoo idinkaga mahadcelinaa sida hagar la,aanta ah ee iigu soo jawaabtaan  su,aasheydu waa tan hadii ey xirantahay ovarian tubes dhinaca midigta oo bidixdu caadi tahay  qofkaas wax ma dhali karaa  walaal  waa mahad sathiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wax yar yar oo kasoo baxa ukxantaa dumarka?
« Reply #5 on: July 10, 2011, 08:05:58 PM »
Haweentu si caadi ah ayay uur u qaadi kartaa haddii labada tubo mid ay caafimaad qabto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

الحب الرومانسي انتهى " الحب هو عبارة عن برو

Started by YaxyaBoard Feel Free Here

Replies: 9
Views: 19515
Last post September 16, 2009, 10:54:46 AM
by Mandeq
Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23021
Last post January 11, 2011, 10:28:07 PM
by SomaliDoc
Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 81253
Last post February 02, 2023, 11:27:16 AM
by Abualisom
Case of medical student exam syndrome

Started by Dr.HabiibBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 0
Views: 24594
Last post May 26, 2011, 06:35:55 PM
by Dr.Habiib
SU'AAL: Waa Maxay Xanuunka IRRITABLE BOWEL SYNDROME.

Started by WacaysBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 8745
Last post June 06, 2011, 02:55:25 PM
by Wacays