Author Topic: Ilkahaaga ka dhig kuwa caafimaad qaba  (Read 12412 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Ilkahaaga ka dhig kuwa caafimaad qaba
« on: November 12, 2007, 03:46:53 PM »
Waxaad cuntaa cunto caafimaad leh
Waxaad cuntaa khudaar iyo furuud badan, jirkaaga iyo ilkahaaga ayay xoojinayan.
Iska ilaali cunto sonkor iyo macaan badan leh.
Haddii uu ilmahaagu macmacaan uu cuno,isla markiiba u caday.
Waxaad isticmaashaa burushka ilkaha u haboon
Burushka ilmaha loogu cadeyeyo waa in uu yahay mid le’eg afka ilmaha. Hubso in uu burushku gaarayo ilkaha danbe.
Burushka ilkuhu waa in uu ahaadaa mid jilicsaan, si uusa waxyeelo u gaarsiin cirridka iyo ilkahaba.
Burushka ilkuhu sidadisu waa in uu ahaadaa mid weyn oo si dhib yar loo qabsan kaaro.

Goormaa la iska beddelaa burushka ilkaha?
Burushka ilkaha ee ilmaha waxaad bedeshaa marka xasawda kala firirto ama is badasho.
Burushka ilkaha ee ilmaha mar kasta si dhakhso ah ha loo beddelo, sababtoo ah si degdeg ah ayey u dhammaadaan.

Waxaad raadsataa dawada ilkaha kan ugu haboon.
Waxaad soo gadataa dawada ilkaha oo leh FLUORIDE, taas waxay ilkaha kala dagaalameysaa bololka.
Xulo dawada ilkaha oo aan si sahal ah ku xoqmaynin-la tasho dhakhtarkaaga ilkaha.
Waxaad doorataa mid dhadhan wanaagsan leh, laakiin AAN SONKOR LAHAYN.

Laga bilaabo marka uu ilmuhu dhasho ilaa iliga koobaad u soo baxayo:
Marka ilmaha cunto la siiyaba, waxaad cirridka iyo dhabanada ugu nadiifiyaa maro qoyan.
Ilmaha ha seexin isagoo haysto dhalo caano ah amase juus (casiir).
Taasi waxay keeni kartaa caado xuun oo sabaabi kartaa in ilmaha ilkaha ugu horreeya ay bolol noqdo.
Waxaad isku deydaa in aad ilamaha ka goysid dhaladda,markuu hal sanno gaadho. Arrintaasu waxay ilmaha ka badbaadineysaa in ilkuhu ka bololaan.
Waxaad ka ilaalisaa ilamaha in una si xad dhaaf ah u jaqiina suulka, ama lastiga taasoo keeni karta ilko raaran.
Marka ilmaha ilkaha koobaad ay u soo baxaanba, waxaad ugu cadeydaa burush jilicsaan iyo xoogaa yar oo dawada ilkaha oo leh FLUORIDE.

Iliga kobaad kedib:
Ilmaha ha seexin isagoo haysto dhalo caano amase juus. Taasi waxay keeni kartaa in ilmaha ilkuhu ka bololaan.
Ilakha waa in la cadeyaa maalin kasta laba jeer, gaar ahaana subaxdii iyo in ta aan la seexan ka hor.
Haddii ay suurtogal tahayna waa in mar kasta oo wax la cuno ilkaha la nadiifiyaa.
Ilmaha yar si uu kalsooni u yeesho waa in loo daayo in uu isagu cadeydo, haddii uusan si fiican u cadaynina ha loo dhammeystiro.
Si aad tusaale wacan ugu noqotid, mar kasta oo ilmahaagu cadeyneyo, adiguna cadeyo.

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!