Author Topic: SU'AAL: PROSTATADA OO LA BAARAY?  (Read 4943 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AAL: PROSTATADA OO LA BAARAY?
« on: March 01, 2011, 02:05:40 AM »
 KADIB MARKII LA IGA BAARAY PROSTAATADA BAARITAAN FARTA AH OO LAGU SAMEEYEY AYAA LAGU OGAADAY INEEYAN WENEYN , LAAKIIN DHACAAN LAGA SOO TUUJIYEY PROSTAATADA OO IBTA LAGA SOO TIRAY MARKII BAARITAAN LAGU SAMEEYEY AYAA WAXAA SOO BAXAY RBC  30-40 , LAAKIIN MARKII LA BEERAY DHECAANKA PROSTATADA BAKTEERIYO MA LEH. WAXAA LA II QORAY ANTI BIYUUTIGAAN COTRIM FORTE OO  BIL AH .
SU AAL
XAALADAYDA IYO DAAWADA MA ISLEEDAHAY ? MAXEEY TAHAY LAMBARADA 30-40 ?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: PROSTATADA OO LA BAARAY?
« Reply #1 on: March 04, 2011, 08:54:09 PM »
Baaritaanka dheecaanka qanjirka borostaatada laga dhiijiyo "Expressed Prostatic Secretions" waa baaritaan lagu sameeyo dadka ka cabanaya cudurka infakshanka ku dhaco qanjirka borostaatada.

Hadafka dheecaankaan loo dhiijinayo ayaa wuxuu yahay si looga helo saammi ama muunad kadibna laga baaro caabuqa calaamadihiisa.

Qoraal ku saabsan dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka Borostaatada ayna ka mid tahay caabuq, halkaan ka akhriso.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html

Waxaa baaritaankaan la sameeyaa markii ay jiraan waxyaabahaan:
1- Infekshan kaadi-mareenka oo soo laalaabta.
2- Infekshanka borostaatada ee raagay.
3- Qas-xanuun joogto ah

Baaritaankaan waxaa lagu sameeyaa in takhtarka oo gashan gacmogashi oo far ku riixo qanjirka borostaatada 6 illaa 7 jeer.
Markaasna ibta laga tuujiso ama ka soo tifiqdaba dheecaan kaasoo ka yimid qanjirka.

Dheecaankaas ayaa lagu baaraa qalabka weyneysada iyadoo laga fiirinayo calaamado caabuq taasoo ay ka mid tahay in la fiiriyo unugyo malaxeed,tirada unugyada cadcad ee ku jir ama unugyo kale in laga helo oo tilmaamaya calaamad caabuq.

Waxaa baaritaanka la dhihi karaa "Abnormal" haddii laga helo tiro unugyo cadcad oo gaaray inta u dhaxeysa 10% illaa 20%.

Daawada COTRIM FORTE waa daawo ka kooban laba daawo oo la isku daray kalana ah Sulfamethoxazole + Trimethoprim.
Waxayna ka mid tahay daawooyinka lagu daaweeyo caabuqa kaadi mareenka.

Jawaabta RBC 30-40 waxaa laga wadaa in muunada dheecaanka lagu arkay tiro dhan inta u dhaxaysa 30-40 oo ah unugyada cas cas.
Taasoo sida caadiga ah in tirada ay ka badato 10 ay qalad tahay.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: