Author Topic: Beddelista Buuxda ee Sinta/Misigta  (Read 23678 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Beddelista Buuxda ee Sinta/Misigta
« on: November 10, 2010, 08:27:36 PM »
Beddelista buuxda ee sinta/misigta waa qalitaan lagu beddelayo qaybaha sinta/misigta ee madhay ama dhaawacmay.
Oogada laabatada cudureysan/bukta ayaa la saaraa laguna beddelaa laabato artifishal ah.
Qalitaankani waxa uu keenaa in laga nafiso xanuunka waxana uu hagaajiyaa dhaqdhaqaaqa laabatada sintaada/misigtaada.
Waxa aad u baahan kartaa beddelista buuxda ee sinta/misigta haddii:
• Daweynnada kale sida dawooyin, ku-durista istariyoodh (steroid) ama jimicsiyo, ay joojin waayaan xanuunkaaga ama waxba ka tari waayaan hagaajinta dhaqaaqa laabatada.
• Xanuunka ama dhaqdhaqaaq xumida sintaada/misigtaada ayaa kaa horjoogsata in aad qabatid hawlo maalmeedkaaga caadiga ah.

Laabato Sin/Misigeed oo Caadi ah
Sintaadu waa laabato halkaasoo dhamaadka lafta bawdadu ay kula kulanto lafta sinta/misigta. Sinta/misigta caafimaadqabta waxay leedahay lakabyo carjaw ah oo isku siman oo ku daboolan dhamaadka kubadda u eg ee lafta bawdada iyo qaybta godka u eg ee lafta sinta/misigta.
Carjawdu waxay u hawlgasha sida barkin waxana ay kubadda lafta bawdada u oggalaata inay si fudud ugu silbato gudaha godka lafta sinaha/miskaha.
Muruqyada ku wareegsan laabata waxay xejiyaan miisaankaaga waxana ay gargaar ka geystaan in laabatadu si fiican u dhaqaaqdo.


Laabato Sin oo Madhatay
Carjawada isku siman ee ku taala kubadda iyo godka laabatada sinta/misigta way madhan karaan.
Carjawdu way madhan kartaa marka aad sii gabowdid ama ay dhaawacanto, cudurka lafo-xanuunka (arthritis), ama wax yeelada dawooyinka qaarkood.
Marka laabatadu madhato ama rifanto, oogadii isku sinnayd waxay noqon doontaan mid xanaf leh sida warqadda wax lagu xoqo. Marka aad lugta dhaqaajisid, waxa is xoqa kubadda iyo godka ay ku jirto taasoo keenta xanuun iyo adkaan laabato.

Beddelista Buuxda ee Sinta
Inta qalitaanka lagu jiro, waxa lagaa saarayaa carjawda iyo dhamaadka lafaha laabata sinta ee waxyeeloobay. Waxa laguu sameynayaa laabato cusub oo ka ka kooban koob iyo kubad artifishal ah oo ka sameysan bir/macdan iyo balaastig/caag xoog badan.
Koobku waxa uu beddelayaa godka sinta ee dhamaaday. Kubadda cusub waxay ku dhegsan tahay jirid galaysa lafta bawdada waxana lagu adkeeya goobta iyada oo la isticmaalayo sibidh ama shamiinto laf oo gaar ah. Birtu/macdantu waxay leedahay oogo daldaloosha oo laftaadu ku dhex kori karto marka ay bogsanayso si leekaan fiican u abuuranto.

Xanuunka iyo Dhaqdhaqaaqa Laabata ka Dib Qalitaanka
Shaqaalaha ayaa kaa gargaari doona inaad sare joogsatid oo aad socodka bilawdid adiga oo adeegsanaya/isticmaalaya qalabka lagu socdo maalinta qalitaanka ama maalin ka dib. Waxa aad yeelan doonta xoogaa ah xanuun marka cadku sii bogsanayo isla markaana muruqyadu soo yeelanayaan xooggoodii.
Xanuunkaasi waa uu iska tagi doonaa gudaha dhawr todobaad waxana laguu qori doonaa dawo xanuun si lagaaga gargaaro in aad ka nafistid xanuunka qalitaanka. Marka laguu sameeyo laabato cusub iyo jimicsiyo daweyn ah, waxa laga yaabaa in aad awoodid in aad dib u bilawdid qaar ka mid ah firfircoonidii aad berrigii hore ka heli jirtay.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waa maxay xanuunka neerfaha ee Sinta (Sciatica)?

Started by KhaliifaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 69259
Last post January 28, 2019, 12:17:01 PM
by Caliqadar
Su'aal: Aabbehey wuxuu qabaa xanuun sinta ah?

Started by Khaalid FaarisiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4691
Last post January 29, 2017, 05:54:54 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meesha u dhexeyso SINTA iyo FEERAHA?

Started by GuudlaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4111
Last post November 02, 2016, 06:01:36 PM
by SomaliDoc