Author Topic: SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?  (Read 45815 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?
« on: March 07, 2011, 09:49:56 PM »
 HIMADA AMA RABITAANKA GALMADA WEEYJOOGTAA LAAKIIN XILIGA ISTAATAABASHADA AMA HORUDHACA GALMADA XUBINTA RAGGA TABAR BADAN MALEH AMA WAA JILEEC ,MAXAA BAARITAAN AH OO LOOBAAHAN YAHAY ? , XAGEESE LAGA BILAABAYAA BAARITAANKA SI LOO OGAADO WAXA KEENAY TABAR DARIDA AMA XUBINTA OO AAN SI FIICAN U ADKAAN ? MANA JIRAAN WAX CUDUR AH OO UU ISKU OGYAHAY QOFKA .




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?
« Reply #1 on: March 09, 2011, 10:45:19 PM »
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo himada iyo hawlgabka kacsiga.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?
« Reply #2 on: March 11, 2011, 11:24:22 AM »
 WAXAAN AKHRIYEY MOWDUUC KU SAABSAN HOWGABKA KACSIGA, WAXAAN FAHMI WAAYEY EREYADAAN,  MAADADA KOOXDA PDE 5- JOOJISA , WAXAAD KU SHEEGTEEN INEEY TAHAY DAAWADA UGU FIICAN EE LAGU DAAWEEYO CUDURKA HOWLGABKA KACSIGA , WAXAAN RABAA IN SI FIICAN LA IIGU FAAHFAAHIYO MAADADA KOOXDA PDE 5 JOOJISA .

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?
« Reply #3 on: March 11, 2011, 08:56:07 PM »
Phosphodiesterase type 5 loona soo gaabiyo PDE 5 waa caawiye falgal dadajiye "Enzyme" laga helo xubinta ragga.
Daawada loo yaqaanno "Sildenafil" kuna caan ah magaca "Viagra" ayaa waxay shaqo joojin ku sameysaa maadadaan si kacsanaanta ay u sii jirto, waana daawada ugu caansan oo loo isticmaalo kacsi la'aanta.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline GEEDOOW

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?
« Reply #4 on: March 12, 2011, 05:49:15 PM »
QORAALKAAN WAAN AKHRIYEY LAAKIIN SIFIICAN UMA FAHMIN WAXBAA ISKA KEEY DHEXGALAY , DAMIIN FARWAAWEYN AYAA WAX LOOGU DHIGAA, WAXAAN CODSANAYAA IN SI FAAHFAAHSAN LA IIGU SHARAXO QORAALKAAN MADMADOOWGA IIGA JIRO.
PDE 5 , KINIINI LACUNAA OO DAAWO AH MIYAA ? VIAGARAHA MIYAA SHAQO JOOJIYE AH ? SHAQO JOOJIYE MAXAA LAGA WADAA ? DAAWADA UGU CAANSAN OO LOO ISTICMAALO KACSI LA AANTA WAA TEE ? MA VAIGARAHAA MISE PDE 5 ?
 
  
 
 

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?
« Reply #5 on: March 13, 2011, 07:59:40 PM »
PDE 5 maahan kaniini la cuno ee waa maaddo eebbe jirka ku abuuray oo kacsiga joojiso markii aan loo baahneen.
Viagraha waa daawo lagu daaweeyo kacsi la'aanta oo qaabka uu u shaqeeyo ayaa ah in maadada PDE 5 uu shaqo joojin ku sameeyo si kacsiga u sii jiiro.
Viagraha ayaa waxaa ka mid ah daawooyin badan oo lagu magacaabo PDE 5 inhibitors, oo macnaheedu tahay daawooyinkii shaqo joojinta ku samaynayay PDE 5.

Waxaan rajaynayaa in aad fahantay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Haduu qofka xubin tiisa taranka ay tahay 13cm ama 5inch?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15618
Last post March 25, 2016, 09:18:40 PM
by SomaliDoc
Maxaa Keena Nabarada Ku Dhaca Qaybta Hore ee Xubita Taranka?

Started by AdamAliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4859
Last post January 19, 2021, 11:40:33 AM
by Milica_soomali
Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 71690
Last post December 11, 2017, 11:50:07 PM
by Xalane123
Su'aal: Ninka doonaayo inuu aad u adkeeyo xubintiisa taranka?

Started by Ahmed15Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13735
Last post August 30, 2015, 07:04:17 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xubinkayga taranka mar walba waxan isku arka?

Started by Dr CaqilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9774
Last post March 18, 2016, 11:56:56 AM
by SomaliDoc