Author Topic: Su'aal: Qof xiran uur ma qaadi karaa?  (Read 12698 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Qof xiran uur ma qaadi karaa?
« on: March 08, 2011, 05:18:31 PM »
a/s dhamaan walalaheey soomaliyeed oo webkaan soo gala somali doctor iyo waliba dhaqatarada naftooda u huray inay caawiyaan walalahooda soomaliyeed aniga waxaan qabaa suaal ah waxaa la i xiray 11 sano ka hor waxaan rabaa inaan weydiiiyo dhaqatarka ma uuraysan kartaa qof xiran oo lagu sameeyey (starlised) muddo ilaa laba weeg baa i dhaafay waqtigii cadadad iga imaan jirtay waxaan dareemayaa culays xaga gumaarka markaa waxaan rabaa in la iga jaahil bixiyo in uur la qaadi karo walina dhaqatar uma tagin waligeeyna cadadayda ontime bay imaan jirtay markaa iga o jaahil bixi somali doctor please .  thankx




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qof xiran uur ma qaadi karaa?
« Reply #1 on: March 09, 2011, 11:10:00 PM »
Haween badan ayaa u maleeya in tubo-xerista boqolkiiba boqol aan uur lagu yeelan karin laakiin taasi waa qalad way dhici kartaa in uur lagu yeesho inkastoo ay yartahay nisbada rajada uurka.

Tubo-xerista waa ka hortag uur oo joogto ah laakiin way dhici kartaa in uur lagu qaado, waana in haweentu ay ogaataa in jaanis yar oo uur in uur dhici karo ay la socoto, haddii ay caadada kaa soo dib dhacdo 14 maalin kadib in ay dhici karto in aad uur qaaday takhtarne aad la xiriirtaa uurna iska baartaa.

Tubo-xerista way fashilmi kartaa waqti hore oo isla markii la xiray ama markii dhowr sano ka soo wareegato. sababta ay xerista u fashilanto waxay ku xirantahay nooca tubo-xerista laguugu sameeyay iyo khibradda uu leeyahay takhtarka ku xiray.

Hadii aad uur qaadid adigoo xiran maahan in aad qalad aad sameysay ay ka dhalatay maxaa yeelay waa wax aan la filayn oo awoodde eebbe keentay.

Baaritaan dhawaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in 10,000 oo haween, 143 ka mid ah in ay uur qaadaan iyagoo xiran.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: