Author Topic: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA  (Read 104450 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« on: March 14, 2011, 09:43:06 PM »

Macsarada waa saliid aad u qaali ah lehne faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.

Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada "Queen of Oils" oo ah macnaheedu "Boqoraddii Saliidaha" waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunnno ahaanteedaba.

Saliid macsarada waxaa wadankeenna laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo loo adeegsan jiray shiididdeeda Geela.

Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo faaidooyinka ugu caansan ee leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo ayaa waxaa ka mid ah:
1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne caraf udgoon.
2- Macsarada waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay "Antioxidant" awood leh.
3- Waxaa macsarada ku jiro ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi'iye ah.
4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqada, welwelka iyo hurdo la'aanta.
5- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Yiridka iyo cudurrada ku dhaco afka.
6- Macsarada waxay daawo u tahay kolestaroolka kacsan.
7- Macsarada waxay joojisaa qolfoofidda xididada, waxayna furtaa xidada xinniban ee wadnaha.
8- Macsarada waxay jilcisaa caloosha laguna daaweeyaa saxaro-adeegga.
9- Macsarada waxay daawo u tahay wareerka iyo aragtida daciifka ah.
10- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo cuncunka jirka
11- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta iyo isku-buuqa maskaxda.
12- Macsarada waxay nafaqo u tahay korriinka tinta wayna dheereysaa.
13- Macsarada waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleeylka qoraxda.
14- Macsarada waxay daawo u tahay xanuunka cadada iyadoo la mariyo caloosha qeybta xudunta ka hooseyso xilliga caadada.
15- Macsarada waxay yaraysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmo-deyska ah iyadoo saxaaxa lagu subko.
16- Waxaa saliidda macsarada ku jira borotiinno aad u badan oo ku filnaan karo qofka haddii cunto ka dhigto.
17- Waxaa macsarada ku jiro dufanta kordhiso xasuusta iyo xifdinta.
18- Waxaa macsarada ku jiro fitamiinka "E" kaasoo firfircooniya wareegga dhiigga.
19- Waxaa kaloo macsarada ku jiro Kalsiyam, Botaasiyam iyo Fosfate oo jirka aanan ka maarmin.
20- Macsarada waxay u horreysaa saliidaha loo isticmaalo daliigidda maadaama maqaarka jirka ay si sahlan uga gudubto.
21- Macsarada waxay daawo u tahay kacsi la'aanta iyo himad yarida, maadaama macsarada laga helo 4 maaddo oo muhiim u ah kacsiga iyo badinta biyo-baxa.
22- Macsarada waa daawada ugu fiican xanuunka loo yaqaanno "Sciatica" oo ah xanuun neerfaha  "Sciatic" oo keeno dhabar xanuun iyo lug xanuun aad u daran.
23- Macsarada waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.
24- Macsarada waxay daawo u tahay Baabasiirta, qofkii macsaro joogteeyane baabasiir isma arkaan waa sida la xaqiijiyay.
25- Macsarada maahan saliidaha kiciyo Gaaska ama laabjeexa keeno.
26- Saliidda macsarada waxay raagi kartaa muddo dheer iyadoo isbadalin maadaama ay ku jirto maaddo la dagaallanto bakteeriyada iyo caabuqa.
27- Macsarada waxay daawo u tahay caabuqa sanqada "Sinusitis" oo hal dhibic oo sanka lagu dhibciyo ayaa ku filan.
28- Macsarada oo lagu luqluqo subax kasto waxay ka hortagtaa caabuqa Quumanka iyo Cuno-xanuunka.
29- Macsarada waxay daawo loo bogay u tahay Kala-goysyo xanuunka.
30- Macsaraha waxaa lagu daaweeyaa cudurka "Athletes Foot" oo ah caabuq fangas oo ku dhaca faraha cagta dhexdooda oo u badan Orodada iyo Ciyaartoyda.
31- Markii lala isticmaalo biyo kulul waxay daawo u tahay cabeebka farjiga ee dumarka.
32- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa faruuruca ay keento xafaayadaha loo xiro caruurta.
33- Macsarada oo ilmaha iskuulka aado loo mariyo sanka waxay ka ilaalisaa hargabka, ifilada iyo sanboorka ay ka qaadi karaan caruurta kale.
34- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Goon-jabka iyo madax xanuunka noocyadiisa kala duwan iyadoo madaxa lagu xirto.
35- Macsarada oo la qiiqsado ama la isku huuriyo waxay daawo u tahay neefta iyo caburnaanta marinnada hawada.
36- Macsarada waxaanan la siinin kaliya qofka shubmayo maadaama ay tahay calool jilciye oo waxay sii kordhineysaa shubanka.

http://www.somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline KAAMBE

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« Reply #1 on: July 25, 2011, 07:58:44 AM »
SALIID MACSARADA WAXAY SOOMAALIDU DHEHDAA QOFKA ISTICMAALA OO JOOGTEYN JIRAY HADUU JABO MA KABMO EE MAXAA ARINTAAS KA JIRA DRS

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« Reply #2 on: July 29, 2011, 07:29:08 PM »
Saliid macsaradu waxay dadajisaa kabniinka lafaha ee arintaan ah in aan la kabi karin qofka isticmaali jiray saliid macsaro maahan mid jirta.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Re: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« Reply #3 on: October 14, 2011, 12:49:01 PM »
Walaal bacda salaan, siliid macasarta ma jiraan dawooyin aan lala qaadan karin kuwa maskaxda iyo nerves-ka loo isticmaalo tusaale qof baa isticmaala mid ka mid antidepressant ka dibna saliid macsarna wuu la isticmaalay oo cuntada ayuu ku darsaday markaa wax ma is yeelikaraan mise waa ok?. walaal thanks.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« Reply #4 on: October 16, 2011, 01:17:34 AM »
Wali lama sheegin daawo ama cunno saliid macsarada aan lala qaadan karin ama dhibaato keeno.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Re: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« Reply #5 on: October 19, 2011, 07:41:14 AM »
Waan gartay walaal, waadna mahadsantahay. alle khayr hakugu abaal mariyo.

Offline Fazliyah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« Reply #6 on: April 15, 2012, 09:21:15 PM »
I'm so grateful for all the wonderful information this webside provides. JazakAllahu khayran! personally wax badan ayaan ka faaideystay  May Allah give you guys immense good in both worlds...
You may be deceived if you trust too much, but you will live in Torment if you do not trust enough

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA
« Reply #7 on: April 16, 2012, 01:12:03 AM »
Haddii saliid macsarada lagu daro Malmal, oo caruurta la mariyo, waxa la sheegaa in ay la dagaalanto dhaxanta, dhuun xanuunka, qufaca badan iyo wax yaalo kale oo oogada ilmaha dhib u geysta. Waxa ay hooyooyinka Soomaaliyeed sheegaan in isku darka isku qasan ee saliid macsarada ay daawo u tahay ilmaha yaryar, gaar ahaan burunkiitada IWM. Isku darkaas oo ah jab malmal ah oo le'eg suulka madixiisa oo budo inta laga dhigo lagu daro nus litir saliid macsaro ah, isku darkaas oo si qafiif ah loo mar mariyo xabbadka ilmaha, qoorta iyo far iyo suul loo mariyo sanka, gaar ahaan habeenkii, marka ay ubadku dhaxamoodaan ama ay qufac xoogan qufacaan. Saliid Macsarada waa daawo waana cunto u wanaagsan yar iyo weyn.
Talo SAARO Allaah