Author Topic: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?  (Read 23637 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« on: March 15, 2011, 04:34:08 PM »
Waxaan rabaa inaan wax ka ogaado daawooyinka ay dumarka u isticmaalaan iney isku cadeeyaan, qaas ahaan daawooyinka Dermovate and Batnovate, waan ogahay in daawadaas loogu talo galay cudurada maqaarka durationkeedana uu waqti gaaban loogu talo galay, marka isticmaalka daawooyinkaan waqti dheer sanado la isitcmaalo maxaa ka imaan kara, teeda kale waxaa jira dumar kale oo u isticmaala Multivitamins si ay ugu qurxoonaadaan dhalinyarona ugu muuqdaan weliba dumar kaliya maaha ragga qaarkoodna wey ku jiraan ayagana joogto ayey u wadaan sanado, taasna maxaa ka imaan kara.



Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #1 on: March 17, 2011, 11:20:20 PM »
Daawada "Dermovate" waa daawo loogu tala galay in lagu daaweeyo cudurro ka mid ah kuwa maqaarka ku dhaca, waa daawo aan la isticmaalin illaa inuu dhakhtar kuu qoro mooyee.

Laakiin waxaa si sharci darro ah ay haweenka soomaaliyeed u isticmaalaan in la isku cadeeyo iyadoo la isticmaalo muddo dheer loona isticmaalo qaab ka duwan qaabkii daaweynta ahaa.

Dhibaatada ay keensato daawadaan lama tiro koobi karo, markii la bilaabay inay dhakhaatiirta ka digaan isticmaalka kareemkaan waxay ahayd sanadkii 2008,  markii haweenay muddo 7 sano isticmaali jirtay daawadaan ay tagtay isbitaal ku yaallo dalka ingiriiska iyadoo ka cabanayso: miisaankeeda oo sii dhacayo, uur inay yeelan wayday iyo xariiqmo dhaadheer oo jirkeeda ka soo baxay.

Dhakhaatiirtii markay ku wareereen cudurkeeda, ayay waxay markii dambe sheegtay inay si xad dhaaf ah ay u isticmaali jirtay daawada "dermovate".

Badanaa daawooyinka kareemka ah waxaa ku jiro laba maaddoo oo sun ku ah jirka oo kala ah: Steroids iyo hydroxyquinone oo jirka u keeno dhibatooyin aan la soo koobi karin.

Halkaan ka akhriso sheekadii gabadhaan oo ay takhaatiirta ay ka soo saareen digniin ku aadan dadka isticmaalo kareemkaan "Dermovate" iyo sawirrada qofkii isticmaalo qaabka uu noqonaayo.
http://news.bbc.co.uk/2/hi/health/7244374.stm

Akhriso qoraal aan ku faahfaahinnay dhibaatada daawooyinka la isku caddeeyo iyo nuucyadooda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4179.0

Midda fitamiinnada iyadane waa fikrad khaldan oo la aaminsanyahay maxaa yeelay vitamiinnada looma isticmaalo in la isku cadeeyo ee waa daawo loogu tala galay in la siiyo qofkii ay fitamiinnada jirkiisa ay ku yaryihiin, qofkii isagoo fitamiinno aysan ku yarayn joogteeyo isticmaalka fitamiinnada waxaa ku dhaco wax loo yaqaanno "Hyprevitaminosis" oo ah manaheedu yahay in qofku uu ku samoobo fitamiinnadii laftirkooda. Akhriso qoraal ku saabsan isticmaalka fitamiinada iyo waxa ka dhasho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5769.0.html

Fikradda ah in fitamiinka uu qofka nuuriyo ama maqaarkiisa uu ifo waa arin jirta laakiin waa haddii sida saxda ah iyo cunooyinka laga helo la cuno ee maahan in daawo ahaan loo qaato. Midda kale fitamiinnada oo dhan maahan kuwa oogada wax u tara ee waa fitamiinnada C iyo E kaliya.

Haddii aad faahfaahin u baahan tahay kusoo gudbi qeybta su'aalaha.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #2 on: March 18, 2011, 05:29:26 AM »
Mahadsanid, waxaan rajaynayaa iney nagu filantahay jawaabtaas qaaliga ah, waana ka faaiideysan doonaa cilmigiina ilaah noogu kiin dhiibey.

Offline Muna O.Hamari

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #3 on: May 24, 2011, 11:03:02 AM »
Inantii Arrinta wax Daaawo Ah ma Heshay Mise Wey Dhinmatey

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
« Reply #4 on: August 06, 2011, 06:59:56 AM »
wey dhimatey


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26459
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21461
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44020
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47811
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29382
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc