Author Topic: Su'aal: Daaco Qurunka iyo Dheef-Shiid Xumada?  (Read 85489 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Daaco Qurunka iyo Dheef-Shiid Xumada?
« on: March 17, 2011, 02:48:40 AM »
Waxaa joogto ii ah inaan daco qurmo habeen kasta, lama dhihi karo cuntada ayaad iska badisey oo ma quraacdo qadada bes ayaan wax yar cunaa cashadana sidoo kale, waxaan dareemaa laabjeex joogto weliba hilib markii aan cuno ayaan ugu daranahay daaco shiirka

sidaa darteed waxaan jeebkeeyga iskaga qorey kaniiniga la dhaho omaprazole, sorry hadaan spellingka qaldo, waana iska cunaa waqti dheer waxaan ka helaa xoogaa relief ah, marka daaco shiirka maxaa keena, kaniinigaas aan joogtada u cunaayo waqtiga dheerna muxuu dhib ii geysan karaa, maxaana kula tacaalaa oo aan daawo aheen daaco shiirka

wixii talo iyo tusaala aha waad ku mahadsanthiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daaco Qurunka iyo Dheef-Shiid Xumada?
« Reply #1 on: March 18, 2011, 12:20:23 AM »


Waa maxay dheef-shiid xumada?
Daaco-Shiirka waa xaalad timaado markii calooshu aysan sidii la rabay u shaqayn taasoo caafimaad ahaan loo yaqaanno "Dyspepsia" oo ah macnaheedu dheef-shiid xumo.
Waa xaalad raagto, calaamadaheeduna ay ka mid yihiin: bog xanuun, laabjeex, daaco qurun, lalabo iyo dibbiro.
Dheefshiid la'aanta waxay badanaa ka dhalataa cudurka laab-jeexa "Reflux" ama gaaska "Gastritis". waxay marmar calaamada u tahay cudurka gaas calooleedka "Peptic Ulcer".

Maxaa keeno dheef-shiid xumada?
Haddii da'daadu ay ka badan tahay 55 sano jir oo aad isku aragto calaamadahaan aan kor ku soo xusay waxaad u baahantahay baaritaan dheeraad ah maxaa yeelay dheef-shiid xumada waxay kaloo calaamad u tahay kaankarada ku dhacdo caloosha.

Daawooyinka qaar waxay keenaan dheef-shiid xumo, haddii aad qaadato daawooyin joogto ah la xiriir takhtarkaaga si aad u ogaato in dhibaatada ay kuu keeni karaan iyo in kale.

Dheef-shiid xumada waa xaalad caan ah oo ku dhacdo 4-tii qofba 1-qof xilli ka mid ah noloshiisa.

Sidee dheef-shiid xumada ku timaadaa?
Si aan u fahanto dheefshiid xumada waxa keeno iyo qaabka ay ku timaado, waa in aad fahantaa sida jirka u shiido cunnada ugana faaidayso.
Marka ugu horreyso qofka cunno cunno, ilkaha iyo calyada waxay ka qeyb qaataan si ay cunnada u jajabin lahaayeen oo ay u jilcin lahaayeen iyadoo calyada ay ku jiraan dheecaanno u qaabilsan cunno burburinta, kadib waxay sii martaa jadiinka ama tubada cunnada marto, kadib caloosha markay gaarto waxaa lagu soo daayaa aashito loogu talagalay cunno shiidka, kadib waxaa loo sii gudbiyaa mindhicirrada yaryar oo ay howshoodu ka mid tahay sidii cunnadaa shiidan jirka uga faaidaysan lahaa, xubinta ganaca ee loo yaqaanno "Pancreas" ayaa waxay soo daysaa dheecaanno u gooni ah cuntada aad cuntay nooceeda, sida dheecaanno burburin kara borotiinka, ama sonkorta ama dufanka ama kuwa kalaba.

Markii laga dhigo wax jirka uu ka faaidaysan karo ayay ka soo gudbaan mindhicirrada oo jirka lagu soo daraa, qaar toos ayaa looga faaidaystaa qaar kalane waxaa loo sii gudbiyaa beerka oo ah warshadda u qaabilsan jirka inuu cunnada u sifeeyo, suntane ka saaro, cunnada aanan loo baahnayne lagu keydiyo.

Sidaa darteed haddii cillad ka jirto meel ka mid ah intaa ay cunnada soo martay waxaa yimaado dheefshiid xumo, Tusaale hadduu xubinta Ganaca ay xanuunsan tahay, dheef-shiid xumo ayaa imaanayso.

Dheef-shiid xumada waxyaabaha keeno waxaa ugu horreeya cudurka Gaaska oo halkaan aad ka akhrisan kartid warbixin ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html

Takhtar la xiriir haddii aad isku aragtid:
Dheef-shiidku waa cudur sahlan oo badanaaba isk baaba'a iyadoo aan daawo loo qaadan, laakiin haddii aad isku aragtid calaamad ka mid ah calamadahaan soo socda, la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan:

# Haddii aad 50 sano ka weyntahay
# Hadii dhawaan aad lumisay miisaan badan adigoo ku talagalin
# Dhibaato aad kala kulantid wax laqidda
# Haddii aad leedahay matag aad u daran
# Haddii aad leedahay saxaro madaw ama dhiig leh
# Haddii aad calooshaada aad ka dareemaysid kuus ama wax adag.

Daacada dheef-shiid xumadu waxay ku xirantahay waxa keenay, daawada aad qaadato ee "Omeprazole" waa daawo lagu daaweeyo gaas calooleedku waxayna ka mid tahay daawooyinka loo isticmaalo laakiin waa haddii takhtar uu hubsaday in gaas calooleed aad qabto, dheefshiid xumadune uu kuu keenay.

Maxaa yeelay haddii dhibaato kale ay keentay dheefshiid xumadaada daawadaan "Omeprazole" wax kuu tari mayso.

Daawada Omeprazole haddii aad si qaldan u qaadatid waxaad la kulmaysaa: shuban, madax-xanuun, lalabo, calool xanuun iyo matag.
Waxyeellada qatarta ah oo ay leedahay daawadaan haddii aad joogteyso waxaa ka mid ah: xajiin, naqaska oo ku dhiba, feero xanuun, kaadi madow, wadna garaac, qandho, jarayn, cuna xanuun, maqaar fiiq, qalal, shuban fuuq bax ah, barar gacmaha iyo lugaha, cayil, tabardarri iyo aragga oo daciifo.

Talo:
Waxaad uga hortagi kartaa dheef-shiid xumo adigoo qaada tallaabooyinkaan hoos ku qoran:
# Jooji sigaar cabidda maxaa yeelay waa No-1 sababaha keeno dheef-shiid xumada.
# Haddii ay jiraan cunnooyin ay calooshaada dhibsato iska jooji.
# Ka yareey noloshaada diiqada iyo welwelka.
# Haddii aad qabto laabjeex, ha cunin cunto waqtiga aad hurdi rabo, barkin la'aanne ha jiifanin.
# Iyadoo takhtar kuu qorin ha qaadanin daawooyin lafa xanuunka sida Ibuprofen, Asprin, Naproxen iyo Ketoprofen.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan qoraalkaan waad na weydiin kartaa
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Daaco Qurunka?
« Reply #2 on: March 18, 2011, 05:26:47 AM »
Mahadsanid, 50 sano ma dhami, sigaarna ma cabo, cuntada kaliya oo aan dhibsado waa hilibka inta kale oo dhan waa caaadi,  waxeyna u badantahay habeenkii

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daaco Qurunka?
« Reply #3 on: March 20, 2011, 08:15:59 PM »
Arintaadu waxay iila muuqataa in ay sahlantahay ee talooyinka kore raac.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Dhakhaatiita is guursata?! (Dhib iyo Dheef)

Started by KhaliilBoard Feel Free Here

Replies: 10
Views: 11990
Last post November 03, 2007, 04:19:58 PM
by Sumayya
Su'aal: Galmada maalintii dhib iyo dheef?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17105
Last post April 16, 2015, 10:43:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Sokorowga iyo dheef shiidka?

Started by Saiid6666Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12389
Last post August 01, 2009, 01:53:55 PM
by Dr.Sharbele
Su'aal: Dibiro joogto ah iyo daaco aan kala go' lahayn?

Started by Gaashaan_2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8393
Last post May 28, 2015, 10:09:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Mararka qaar aan dareemo daaco ama naqas?

Started by KaabuliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4245
Last post October 02, 2016, 08:35:04 PM
by SomaliDoc