Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

SU'AAL: BAARITAANKA KAADIDA?

(1/2) > >>

GEEDOOW:
 HADII KAADIDA LABAARO OO LAGA HELO BOROOTIIN , MACNAHEEDU MUXUU YAHAY ?

SomaliDoc:
Borotiin laga helo kaadida waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Proteinuria".
Proteinuria waxay u dhacdaa sadax dariiqadood:
1- In qeybta filtraynta u qaabilsan kilyaha in uu cudur ku dhaco kadibna borotiinka la shaqshaqi waayo kadibna kaadida ka soo muuqdo
2- In borotiinka uu ku bato dhiigga taasoo keensanaysa in jirka laga saaro taasoo loo yaqaanno "Overflow Proteinuria"
3- In Tubooyinka wax dhuuqa kilyaha aysan safiican u shaqaynaynin cudur dartiis.

Cudurrada ku dhaco kilyaha badankood oo aan la soo koobi karin waxay keenaa borotiin ka soo muuqdo kaadida.
Fuuq-baxa, gubashada, qandhada iyo welwelka waxay borotiinka ku badiyaan kaadida.
Sumoowga (Eclampsia) wuxuu keenaa borotiinka oo kaadida ku bato.
Infekshanka kilyaha iyo kaadi-mareenkane way keenaan borotiinka kaadida ku badan.
Dhiig-karka iyo kaadi-macaanka iyagane way keenaan.

Baaritaanka borotiinka kaadida waxuu u sheegaa qaabkaan:
# Aad u yar = 5-20 mg/dL
# 1+ = 30 mg/dL
# 2+ = 100 mg/dL
# 3+ = 300 mg/dL
# 4+ = Ka badan 2000 mg/dL

Abdiselamhaji:
Diktoore adoo mahadsan isbitaalba maalin dhawayd igu dhahay kaadidaada baa protein  lasocdaa. Marka diktoore cudurkaan maka tarjumaya in dhiig kar soo socdo, ama macaan, waxaana isku arkaa neef yari Mar Mar naqaska igu dhago hamenki markan hawa yari dareemo. Daawo baabi'isa maleeyahay cudurkaan kaadida proteinku lasocdo. Waxan kalo isku wareega qaska oo I xanuuna iyo tabar yari.
Mahdin

SomaliDoc:
Waa in dhiig-kar iyo macaan uu jiray ka hor inta aanan borotiinka kaadida lagu arkin.
Sababtoo ah borotiinka wuxuu ka tarjumayaa in cillad ay jirto kilyaha wax gaarsiisay, marka haddii aadan dhiigkar iyo sokor horay u qabin, lagaana baaray, ma noqon karto wax soo socdo ee xanuuno kale waa in la baaraa.

Abdiselamhaji:
Dictoore dhiig kar majiro iyo sokorba dhaqtar kalaan tagay kaadida protein kujiro ekfashan siyaaadaa bay matimid buu dhahay hadana calaamadihii ekfashin ka way yaraadeen xoogaa Mar Mar qas xanuuna maahine

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version