Author Topic: Su'aal: COPD ayaa lagu sheegey maamada?  (Read 13736 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: COPD ayaa lagu sheegey maamada?
« on: March 18, 2011, 05:49:51 AM »
Hooyadey ayaa lagu sheegey cudur ku dhaca feeraha oo la dhaho COPD, dhaqtarkii wuxuu siiyey daawooyin soconaya mudo 6 bilood ah, prednisalone tablet, iyo cirbad bishii hal mar la durayo intaaas ka dib waxba iskama bedelin caafimaadkeedii taas bedelkeedii waxaa ku dhacay ayadoo miisaankeedii 50% uu lumey midabkeedii oo isku bedeley sidii naagaha is cadeeyo oo kale, lafaheedii oo qafiifey oo si fudud ay u jabeyso labo gudahod ayey afar mar jabtey weliba si fudud ilaa mahadii jab culus ma aheen, gacmaha ayuu u badnaa, wixii intaas ka dambeeyey dhaqtarkii wuxuu dhahay waa iga bes dhaqaatiir kale oo aan u geeyeyna waxey igu dhaheen daawooyin kaalmaati ah sii sida inhalations-ka iyo daawooyinka naqaska si dexamethazone ilaa haddana joogto ayaan u siiyaa baakad markey ka dhamaato baakad kale ayaan u soo gadaa aadna wey u sii tabar dareyneysaa dhaqaatiirkii degaanadeena joogeena kan ugu fiican wuxuu ku leeyahay antibiotics sii. marka hadad waxaan rabaa inaan labo arin ku weydiiyo adigoo raali ah suaalihii aan kaa badiyee.

1- daawooyinkaan aan ku wado oo markii ay qaadato ay dareemeyso relief yar ilaa maalintaas dhib noocee ah ayey keeni karaan
2- ciladii hore oo lost weight iyo daciifnimadii see looga soo kabsan karaa,

NB- Cirbada magaceedi aa ii gooyey dhalo yar ayey ku jirtaa caano ayey u egta kohay waa 40mg labo dhalo ayuu iskiu dari jirey 80mg ayey qaadan jirtey mudo lix bilood ah. koley stroids-ka waaye

waan ogahay halkaan daawo inaad iiga qorto ma rabo laakiin talo ayaan u baahanahay.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: COPD ayaa lagu sheegey maamada?
« Reply #1 on: March 20, 2011, 09:23:25 PM »
Marka hore qoraal ku saabsan cudurkaan COPD oo aan horay uga hadalnay halkaan ka akhriso
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1408.0.html
Daawooyinka steroidka waa daawooyin leh waxyeello badan haddii jirka ay ka bataan waxayna keenaan cudur loo yaqaanno "Cushing Syndrome".
Cudurkaan oo leh calaamado badan oo kulligood ka yimid waxyeellada daawada steroidka oo saameysa hababka jirka oo kala duwan.
Sida aan ka dareemay hadlkaakagane daawada uma konrtoolna hooyo ee markii ay dhamaysataba baakad ayaa farmashiga uga soo gadaa, daawadaanne sidaan looma qaato dhibaatadaan darteed.

Calaamdaha waxaa ka mid ah:
# Miisaanka wuu siyaadaa ee ma nuqsaamo (taasoo barar u eg weliba wajiga, dhabarka qeybta kore iyo kalxamaha korkood oo caddiin fuusho)
# Wejiga oo gaduuto weliba daamanka oo qofka u ekaado inuu wax marsaday.
# Timaha oo khafiifo ama daato.
# Xarriiqmo dhaadheer oo caloosha ku sameesmo, barida, dhabarka qeybta hoose, cajirada iyo naasaha.
# Meelaha qaar jirka oo dhiig fariisto ama in jug ay gaartay u eg.
# Maqaarka oo qafiif noqdo oo jiidjiidmo.
# Wajiga oo timo xaad khaafiif ah ka soo muuqdaan.
# Dhiig-kar
# Gaas calooleed
# Murqaha addimaha oo daciifo
# Lafo-beel taasoo keenot lafo jajab joogto, Tuur iyo sino beel.
# Tabardarro iyo niyad jab
# Saameyn xagga aragtida
# Gacmo iyo lugo caato ah
# Raysashada nabraha oo daaho

TALO:
Takhtar la xiriir adigoo hooyo ka joojin daawooyinka steroidka maxaa yeelay waxaad u baahantahay haddii la joojinayo xitaa in qaabka loo joojin lahaa in aad kala tashato takhtar maxaa yeelay haddii daawada steroidka si kadis ah hal mar la joojiyo waa halis oo qofka wuu u dhiman karaa.

Mida xigta haddii sida aan filayo hooyo ay qabto IINTA KUSHING waa in laga daaweeyo oo la siiyo daawo ka hortagayso dhibka ay keentay daawadaan, cudurka COPD-na qaab kale oo loo daaweeyo loo raadiyo.

Takhaatiirta waxay steroidka ku daaweeyaan COPD laakiin iyadoo la qoro cabirka ugu yar oo la qaato muddada ugu yar (Lowest Dose for the Shortest Period).
Badanaa Steroid injection (Cirbad) halistooda dartood waa laga fogaadaa in loo isticmaalo daaweynta COPD, maxaa yeelay markii afka laga qaato ayaa la arkay in bukaannada COPD qaba ay ku dareemaan fiicnaan.

Soomaalida fikrad qaldan ayay ka aaminsanyihiin daawooyinka steroidka, halista ay keensanayaane ma yaqaannaan, weliba meelaha qaar waxaa loo yaqaannaa "Cirbadda Naqaska" oo way isku nuftaan weliba si joogto ah iyadoo lagu daaweynayo wax kasto.

Kama maarmaysid in aad la xiriirtid takhtar.

Haddii ay jiraan su'aalo dheeraad ah oo ku aadan xaaladdaan waad na weydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: