Health Related Forums > Health News and Events
24 March 2011 WORLD TB DAY (MAALINTA QAAXADA ADDUUNKA)
(1/1)
Admin:
Maalinta Qaaxada Aduunka, 24-ta bisha Maarso waa maalintii ku aadanayd sanadka 1882 oo Dr Robert Koch uu sheegay in uu helay jeermiska keeno cudurka qaaxada.
Xilligaas oo Dr Koch oo jooga caasimadda dalka jarmalka ee Berlin oo shaaca kaga qaaday halidda jeermiska cudurka dilaaga ah ee qaaxada ayaa cudurkaan wuxuu faro kulul ku hayay wadamada yurub iyo mareykanka iyadoo ay u la'nayeen malaayiin qof (7-dii qofba 1 qof ayaa u dhimanayay).
Maalinta qaaxada aduunka waa maalin lagu xasuusto maalintaas qaaliga ah ee cudurkaan la ogaaday jeermiska keeno kadibna la ogaaday sida loo baaro kadibna sida loo daaweeyo taasoo keensanayso in maalintaan la is xasuusiyo halista cudurkaan la daaweyn karo.
Dhibkii cudurkaan qaaxada uu ku hayay xilligaas wadamada galbeed ayaa wuxuu maanta ku hayaa wadamada Africa iyo Asia, iyadoo Somalia ay ugu horreyso wadamada aad u la liito cudurka qaaxada.
Maanta waa maalin mudan in la xasuusto dadkii u la'day cudurkaan sanadkii la soo dhaafay iyo dadka maanta u jiifta isbitaallada iyo xarumaha qaaxada lagu daaweeyo.
Waa maalin mudan in la isku baraarujiyo sarane loogu qaado wacyiga bulshada ee ku aadan cudurka qaaxada iyo faaidada daawaynta xilli hore, maadaama daawada qaaxada ay tahay mid la heli karo lana daaweyn karo.
Waxaan idinka codsanayaa in meelaha aad ka shaqaysaan iyo meelaha aad wax ka barataanba in aad maalinta 24-ta bisha Maarso aad xasuusataan.
Qoraalladaan iyo filimadaan hoos ka muuqdo oo ka wada hadlayo cudurka qaaxada waa in aad u gudbisaan asxaabtiinna iyo qaraabadiinnaba.
QORAAL:
WAA MAXAY QAAXADA / TIIBISHADA?
QORAAL: QAAXADA & HIV-da - WADAJIR HALIS AH!
QORAAL: TALLAALKA QAAXADA (BCG)
FILIN::MA U BAAHANAHAY BAARITAANKA JIRKA EE TB-DA?
FILIN: XAQIIQDA KU SAABSAN BCG-DA IYO QAAXADA
FILIN::JOOJI TB JEERMIGA KA HOR INAADAN LA JIRAN
FILIN: SI AAD UGA BOGSATO QAAXADA, DAAWO QAADO
FILIN::WAA MAXAY BAARISTA TB-DA EE MAQAARKA?
FILIN:
WAA MAXAY QAAXADA / TIIBISHADA?
QORAAL: QAAXADA & HIV-da - WADAJIR HALIS AH!
QORAAL: TALLAALKA QAAXADA (BCG)
FILIN::MA U BAAHANAHAY BAARITAANKA JIRKA EE TB-DA?
FILIN: XAQIIQDA KU SAABSAN BCG-DA IYO QAAXADA
FILIN::JOOJI TB JEERMIGA KA HOR INAADAN LA JIRAN
FILIN: SI AAD UGA BOGSATO QAAXADA, DAAWO QAADO
FILIN::WAA MAXAY BAARISTA TB-DA EE MAQAARKA?
FILIN:
Navigation
[0] Message Index
Go to full version