Author Topic: Kaadi Sonkorow (Diabetes)  (Read 19644 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kaadi Sonkorow (Diabetes)
« on: October 16, 2007, 10:31:54 AM »
Kaadi sonkorowgu waa cudur uusan jidhkaagu si habboon u isticmaali karaynin cuntada aad u cuntid inaad tamar ka hesho. Unugyadaadu waxay u baahan yihiin tamar si ay u noolaadaan una koraan.

Markaad cunto cuntid, jidhkaagu wuxuu cuntada u jajabiyaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo sonkorta.
Glucose-tu waxay aaddaa dhiiggaaga ka dibna sonkorta dhiiggaaga ayaa kor u kacda. Insulin waa hoormoon ay samayso xammeetidaadu (Pancreas). Waxay caawisaa in glucose-tu dhiiggaaga ka dhaqaaqdo ayna aaddo unugyada jidhkaaga si markaas jidhkaagu uu ugu isticmaalo tamar. Dadku ma noolaan karaan insulin la'aan.

Waxaa jira saddex nooc oo waaweyn oo kaadi sonkorow ah.
• Sonkorowga Nooca 1, xammeetidu ma samayso insulin.
• Sonkorowga Nooca 2, xammeetidu ma samayso insulin ku filan ama jidhkaagu ma awoodo inuu isticmaalo insulin-ta ay xammeetidu samayso.
• Sonkorowga ilmuhu uurka jiro waqtiga uurka, hooyadu ma awooddo iney sameyso insulin ku filan si ay ugu daboosho baahida hooyada iyo ilmaha labadaba.

Arrimaha Halista leh ee Kaadi Sonkorowga
Waxaad in badan halis ugu jirtaa inaad sonkorow qaaddo haddii:
• Aad ka soo jeeddo qoys ay kuwa kale sonkorow qabaan
• Uu miisaankaagu xad dhaaf yahay
• Aad ka weyn tahay da’da 40 sano
• Aadan fir-fircooneyn jir ahaan
• Aad sonkorow qabtay waqtigii uurka (sonkorow ilmuhu uurka ku jiraan) ama ilmo miisaankiisu yahay 9 rodol ama 4 kiilo ama ka badan waqtiga dhalashada 
• Aad ka soo jeeddo Afrikaan, Aasiyaan, Laatiino ama Jasiiradaha Baasifigga
 
Calaamadaha Sonkorowga:
• Aad u oommanaan
• Daal dareemid
• In badan kaadi u aadidda musqusha
• Arag ciiro ku jirto
• Caatoobid
• Dhaawacyada oo si gaabis ah u bogsada
• Baahi joogto ah
• Maqaarka oo ku cun-cuna
• Cudurro malaxaysi leh
• Kabuubyo ama xat-xato cagaha iyo/ama gacmaha ah
• Dhibaatooyin ka yimaada dhinaca hawlaha galmada

Dadku badanaa ma lahan calaamado inkastoo heerka glucose-ta dhiiggoodu ay sarrayso. Waxaa sonkorowga lagaaga baari karaa iyadoo dhiig lagaa qaado.

Daryeelkaaga  
Ujeeddadu waa in heerka glucose-ta laga dhigo mid ugu dhow sida caadiga ee suuragalka ah.
Daryeelkaaga waxaa ku jiri kara:
• Qorsheynta cuntooyinka aad cunayso
• Baaridda heerarka glucose-ta
• Calaamadaha barashada si aad u ogaatid marka heerka glucose-taadu ay aad u hooseyso ama aad u sarrayso
• Jir dhis
• Daawo qaadasho: insulin ama kaniiniyo
• Xafididda dhammaan ballammada aad la leedahay kooxda daryeelka caafimaadkaaga

Wixii Su'aalo ku saabsan mawduucaan hoos ku weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Kaadi dhiig iyo Saxaro dhiig

Started by AADANBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15132
Last post February 11, 2009, 10:43:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18428
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 41833
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii aan is dhaho suuliga waad ka dhamatay daqiiqado ka dib kaadi ayaa timaado?

Started by JaaburiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 40537
Last post March 04, 2011, 09:41:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18454
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc