Author Topic: Shuban (Diarrhea)  (Read 16622 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Shuban (Diarrhea)
« on: October 09, 2007, 02:20:15 AM »


Shubanka markaad qabto, marar badan waxaa kaa imaanaya saxaro dareere ah oo jilicsan.
Shubanku wuxuu badanaa ku dhammaadaa 2-3 maalmood.
Haddii uu sii jiro in ka badan, waxaa laga yaabaa iney calaamad u tahay dhibaato kale.
Takhtarkaaga u tag haddii shubankaagu uusan kaga soo raynin 3 maalmood ama haddii uu ka sii daro ama uu wato matag ama calool majiir.
Dhallaanka iyo carruurta, takhtarka u geey haddii shubanku sii jiro in ka badan 1 maalin.

Sababaha
• Cudurka jeermiska leh, sida fayraska iyo bakteeriyada
• Gooryaanka ma dul-kunoolyaasha kale.
• Niyad kacsanaan iyo diiqo
• Daawooyinka qaarkood sida antibiyootikada iyo isku daaweynta kiimikada
• Saameyn liddi ah ee daaweynada qaarkood
• Cudurrada cmindhicirada ku dhaco
• Qalliin futada la isaga sameeyo ama shucaac uur ku jirta ku dhaca

Cuntooyinka qaarkood ee sababi kara ama shubanka uga sii dara waxaa ka mid ah:
• Cuntooyinka buunshuhu ku sarreeyo
• Cuntooyinka bas-baaska, dufanka leh ama la shiilay
• Cunto aad u kulul ama aad u qabow
• Caano ama waxyaabaha caanaha laga sameeyo
• Cabitaannada ama cuntooyinka kafeyiinka leh sida qaxwada, shaaha, coollooyinka ama shukulaatada
• Nafaqooyinka dheeraadka sida Ensure ama Boost. Haddii aad isticmaasho nafaqo kordhiye aadna isku aragto shuban iska jooji oo la tasho dhakhtarkaaga.

Daryeelkaaga
Waxaad u baahan tahay in aad xaqiijiso in aad sii waddo in aad cabto cabitaanno marka aad shubmeyso.
Cun ilaa iyo inta cuntooyinku aysan shuban ama casiraad kuu keeneyn.
Isku day arrimahaan:
• Ka fogow caano iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyey ilaa iyo inta uu shubanku kaa istaagayo.
• Cab ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin walba.
• Cun cuntooyin yar-yar 2-3 saacadood ee kastaba waqtiga maalintii.
• Cun cuntooyin buunshuhu ku yar yahay sida rootiga cad, bagelka baleenka ah, qarjawleyaasha, bariiska cad, khudradda la kariyey, labeenta siiriyaalka qamadiga ama suugada tufaaxa.
• Haddii cuntooyinku kuu keenaan casiraad, cun cunno dareere cad maalin ama labo. Cab biyo, fuud, Pedialyte, cabitaanno isboorti, cabitaanno liin ama shah aan kafeyiin lahayn. Jello cad iyo jalaatada la dhuuqo ayaa sidoo kale la cuni karaa.
• Marka uu shubankaagu ka soo raayo, isku day in aad cunto xaddiyo yar-yar oo moos ah, bariis, suugo tufaax iyo rooti la dubay. Haddii saxaradaadu ay mar kale sii adkaato, cunto jilicsan ku dar sida bataati la bur-buriyey iyo nuudalis.
Si tartiib-tartiib ah cuntooyin kale ku dar cuntada aad cuneysid si aad u aragtid sida ay saxaradaadu noqoneyso.
• Aad u naso ka dibna isku day in aad yarayso diiqada.
• Xaqiiji in aad gacmahaaga si fiican u dhaqdo marka aad saxarooto ka dib.
• Saxaro kasta ka dib malawadka ku tir dhar jilicsan, biyo diirran ama saabbuun khafiif ah. Raaci biyo diirran oo cad ka dibna maqaarka engeji.
• Ku qoo tubbada biyaha oo diirran si aad u yarayso xanuunka futada.
• Qaado daawo liddi ku ah shubanka sida hadba uu takhtarku kugu amro.

Isla markiiba aad dhakhtarka haddii aad isku aragto:
• Qar-qaryo, matagid ama suuxid.
• Oon aad xooggan.
• Qandho ka sarreysa 101° F ama 38° C.
• Xanuun caloosha kaa haya oo la yaraanaya saxarada ama dhuusada.
• Saxaro madow ama uu dhiig ku jiro.
• Dareento daciiftinnimo iyo daal.

Waa maxay Shuban biyoodka ama koleeraha?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5333.0.html

Haddii aad su'aalo qabtind noogu soo dir halkaan waan kaaga jawaabi doonaa insha'llah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

CHOLERA "SHUBAN BIYOOD"

Started by IsseGoleBoard Cudurrada Guud

Replies: 3
Views: 28550
Last post March 04, 2007, 11:37:42 AM
by IsseGole
Inka badan 18-caruur ah oo u geeriyootay cudurka shuban biyoodka

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7404
Last post April 30, 2011, 02:09:22 PM
by Drkheyre
Caruur Shuban biyood ugu geeriyootay degmada Hobyo

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 5107
Last post June 17, 2011, 10:07:22 PM
by Drkheyre
[Baladweyne] - Cudurka shuban biyoodka oo noqday DAACUUN

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 16002
Last post March 30, 2013, 07:08:49 PM
by Drkheyre
Sheekadii Shuban Biyoodka (The Story of Cholera)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 9055
Last post March 11, 2013, 09:47:30 PM
by CilmiSabca