Author Topic: Waa maxay tallaalka MMR? Muxuu dhib leeyahay?  (Read 28054 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay tallaalka MMR? Muxuu dhib leeyahay?
« on: March 25, 2011, 09:27:19 PM »
Talaalku wuxuu ka xafidaa carruurta saddexda cudurba waxaana la siiyaa ,markay jiraan 12 bilood. Qadarka labaadna waxaa la siiyaa markuu ilmuhu jiro 4 sanadood.
Dhamaan dadka dhashay inta u dhexaysa 1966 iyo 1980 waa inay hubiyaan talaalkooda si ay u xaqiijiyaan inay qaateen talaalka ka kooban
jadeecada. Haddii dadka da?daan ahi aanay haysan dukuminti (diiwaanka shakhsiyeed ee talaalka) 2 talaal oo ah jadeecada, waa inay kala hadlaan talaal bixiyahooda inay qaataan talaalka jadeecada, qaamaaqashirrka iyo rubellaha (MMR).

Dumarka jooga da?da ilma qaadka khaasatan, kuwa doonaya inay uur yeeshaan, waa inay arkaan dakhtarkooda si ay u qaataan talaalka rubellaha. Dhiiga oo la eego ayaa muujin doona inaad u baahan tahay talaal iyo in kale.
Haddii aad u baahan tahay talaalka MMR, waa in la qaadaa dhiig kale si loo hubiyo in talaalku bixiyey xafidaad. Dumarku maaha inay qaataan talaalka haddii ay uurka leeyihiin ama laga yaabi inay uur yeeshaan bil gudaheed. Waa muhiim in dumarka laga qaado dhiiga rubellaha uur kasta hortiis si loo hubiyo in weli heerka difaacu sarreeyo.

Waxyeellada ka iman karta talaalka MMR
Dhibta talaalka MMR waa yar yahay marka loo fiiriyo dhibta ka iman karta cudurka.
Waxyeellada guud:
# Waxa la arkaa 7 - 10 berri talaalka ka dib
# Qandho sahlan oo ku dhamaata 2 - 3 berri
# Furuuruc sahlan (aan infakshan ahayn)
# Madax xannuun iyo/ama biyaha sanka
# Qufac iyo/ama indhaha oo barara
# Warwareer ama daal
# Qanjidhada calyada oo barara
# Kurtun ama kuus ay yeelato meeshii laduray

Dhibaatooyin waaweyn
# Encephalitis (caabuq msakxda ah) qiyaasdhan 1qof 1kii milyanba
# Thrombocytopenia (qofka oo jug yeesha ma dhiig baxa) qiyaas dhan 1qof 30,500 qadarba

Waxyeelada aan badanaa dhicin:
? Xasaasiyad aad u daran Haddii dhib sahlani dhacdo, waxay ku dhamaan kartaa 1 ilaa 2 beri.

Waxyeellada waxaa lagu yarayn karaa iyadoo:
# iyada oo cabitaan badan la cabo
# iyadoo aan dhar badan la gashan
# iyadoo saarayo mara qoyan oo qabow meesha xanuunaysa ee irbada lagaga duray
# iyadoo la siinayo ilmahaaga daawada xanuunka loo qaato (paracetamol) si loogu yareeyo raaxo dara kasta (ogsoonow qadarka lagu taliyey ee ilmahaaga)
Haddii dhibtu badan tahay joogtana tahay, ama haddii aad ka welwelsan tahay, la xiriir dhakhtarkaaga ama isbitaalka.

Waxyaallaha la hubinayo talaalka ka hor
Ka hor intaan adiga ama ilmahaaga la talaalin, u sheeg dhakhtarka ama kalkaaliyaha caafimaadka haddii kuwaan soo socda midkood jiro:
# Aad qaadatay talaal ka kooban fayras nool bishii la soo dhaafay (busbus ama BCG).
# Aanu fiicnayn maalinta talaalka (xaraaradu ka sarrayso 38.5?C)
# Uu horay xasaasiyad ugu yeeshay talaalka MMR.
# Uu qabo xasaasiyad u leeyahay wax talaala (tusaale, neomycin)
# Uu qaadanayo steroids noocay doonto ha ahaatee aan ka hayan bakhaakha loo qaadanayo neefta (tusaale, cortisone ama prednisone).
# Uu qaatay immunoglobulin ama dhiig lagu shubay saddexdii bilood oo ugu dambaysay.
# Uu qabo cudur ama qaadanayo daawo hoos u dhigta difaaca jirka (tusaale, leukaemia, cancer, HIV/AIDS, radiotherapy ama chemotherapy).
# Uur leedahay ama qorshaynayso inay uur yeellato bil gudaheed talaalka ka dib (ayna qaadanayso talaal).


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66561
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69570
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62504
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46757
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45003
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc