Author Topic: Waa maxay Rubella? Yaa halis ugu jira? Daawo ma leeyahay?  (Read 14501 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay Rubella? Yaa halis ugu jira? Daawo ma leeyahay?
« on: March 25, 2011, 09:41:26 PM »
Rubella (oo loogu yeero German measles ama Jadeecada Jarrmalka) waa infakshan fayras keeno si aada allana la isu qaadsiiyaa wuxuuna ku badan yahay carruurta wuxuuna kaloo ku dhacaa waayeelka. Waxaa dhici karta in aanu lahayn wax calaamad ah ama yeesho qandho sahlan, barar canija ah, xannuun isgoysyada ah iyo furuuruc wajiga ah kaas oo qaata laba ilaa saddex maalmood. Ka doorsashadu badanaa waa degdeg wayna dhamaataa.

Rubelluhu wuxuu ugu khatarsan yahay 20ka asbuuc ee ugu horreeya uurka. Waxay keeni kartaa in ilmuhu dhasho isagoo indha la' wadnaha cilad ka qaba, ama leh iin garashada ah. Xaalladaas waxaa loogu yeeraa Congenital Rubella Syndrome (CRS).

Sidee Rubelluhu ku fidaa?
Rubelluhu wuxuu ku fidaa si la mid ah hargabka waxaana lagu gudbin karaa qufaca iyo hindhisada qof cudurka qaba.
Calaamadaha rubelluhu waxay qaataan ilaa laba asbuuc inay samaysmaan waxaana laga yaabaa in dadka qabaa aanay garan inay qabaan. Inta waqtigan lagu jiro, waxaa laga yaabaa inay ku fidin karaan cudurka dadka kale khaasatan dumarka uurkoodu bilawga yahay oo aan ka talaalayn. Uurku intuu yar yahay waa marka ilmaha khatartiisu ugu sarrayso.

Yaa qaada Rubella?
Qof waliba waa qaadi karaa haddii aan cudurku horay ugu dhicin, aan la talaalin, ama sabab darteed qofku aanu yeellan difaac adag. Badanaa talaalku wuxuu bixiyaa difaac laakiin 5 ilaa 10% kuwa talaalan ayaa qaadi kara rubellaha sababtoo ah ma aanay yeellan difaac adag oo ku filan jirka.

Sidee kaga hortegi karnaa Congenital Rubella?
CRS iyo rubellaha waa laga hortegi karaa, sida ugu fiican oo looga hortegi karo ilma iin leh waxa weeye in la xaqiijiyo in dumarka oo dhan la laga talaalo rubella KA HOR inta aanay uurka yeellan.
Waa in uurka la iska ilaaliyaa haal bil talaalka ka dib waana in dumarka uurka yeeshay aan la talaalin ilaa dhalida KA DIB.
Carruurta oo dhan in la talaalaa waxay caawimaysaa joojinta inuu dadka dhexdiisa ku fido cudurku.
Dhamaan dadka dhashay intii lagu jiray ama laga soo bilaabo 1966 waa inay hubiyaan xaalladooda talaal si ay u xaqiijiyaan inay qaateen laba qadar oo ah talaalka MMR. Waxaa lagu dhiirigeliyaa inay is talaalaan si ay u xafidaan naftooda iyo tan bulshada.
Dhiiga oo la iska qaado KA HOR uurka aad ayuu muhiim ugu yahay si loo eego in qofka dumarka ahi leeyahay difaac kaamila ee rubellaha. Haddii difaacu hooseeyo ama aanu jirinba, Waa in talaalka MMR ama Rubellaha lagu celiyaa. Dhiig kale ayaa la qaadaa 6 - 8 asbuuc ka dib si loo xaqiijiyo in talaalkii sameeyey difaac adag.

Dadka khatarta ugu jiraa waa kuwee?
Dadka ku dhasha wadamada aan bixin talaal taxane ah waxay u baahnaan karaan talaalka rubella Khaasatan dadka ku dhasha wadamada Asia iyo Afrika ayaa lagu adkaynayaa talaalka rubellaha inta aanay uurkooda u horreeya yeellan maadaama intooda badani aanay lahayn difaac.
YEELASHADA INFAKSHANKA RUBELLAHA INTA ILMUHU YAR YAHAY MA BALAN QAADAYO DIFAACA LIDKA RUBELLAHA MUSTAQBILKA. BAARITAANKA DHIIGA UURKA KA HOR AYAA LOO BAAHAN YAHAY SI LOO XAQIIJIYO DIFAACA.

Xaggee talaalka laga hellaa?
Dhakhtarkaaga, rugta dhallaanka iyo hooyada, rugta qorshaynta qoyska, xarunta caafimaadka adeega talaalka dawlada hoose ayaa ku siin kara talaalka MMR.

Xasaasiyada - Dhibaha
Xasaasiyada talaalka MMR dhibta ka timaada waxaa ka daran dhibaatada ka timaada infakshanka rubellaha marka uur la yeesho. Waxa badanaa ka yimaadaa talaalka waxa weeye adoo dareema in aadan fiicnayn, qandho aad u hoosaysa iyo hadday dhacdoba furuuruc yimaada lix ilaa kow iyo taban berri talaalka ka dib.
Dadka la talaalay cudurka kuma fidinayaan kuwa kale.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66509
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69531
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62451
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46726
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44977
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc