Author Topic: Su'aal: oonka iyo madax xanuunka maxaa ka dhaxeeya?  (Read 7909 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: oonka iyo madax xanuunka maxaa ka dhaxeeya?
« on: March 29, 2011, 05:42:11 PM »
waxaan u baahanahay inaan ogaado cilad yar oo aan baryahaan isku arkay taaso ah, hadiiba aan oomo oo aan biyo u baahdo meesha ugu horeyso ee aan ka dareemo waa madaxa oo i xanuuno si xun weliba, iyo jirkoo i huro, horey umaan qabi jirin, oo kaliya oonbaan dareemi jirey biyana waan cabi jirey laakiin hadda madaxaa i kala dhacaayo jirka dhana kuleyl badan lugaha iyo gacmaha intaba. marka ma waxbaa iska bedeley caafimaadkeyga ayaa la dhihi karaa maxaase keena.

mahadsnid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: oonka iyo madax xanuunka maxaa ka dhaxeeya?
« Reply #1 on: March 30, 2011, 02:40:17 PM »
Madax xanuunkaan waxaa loogu yeeraa madax xanuunka fuuqabaxa "Dehydration Headache" waa madax xanuun qabta dadka qaarkii markay aad u oomaan ama fuuqbaxaan, lamana ogo qaabka uu yimaado madax xanuunkaan inkastoo loo malaynayo markii biyaha jirka ku yaraadaan oo qofku fuuqbaxo waxuu jirku isku dayaa in biyaha haray looga faaideeyo jirka dhamaantiis saa darteeed xidida ayaa cariiri laga dhigaa taasoo keensanaysa in oxygen-ka iyo qulqulka dhiigga uu ku yaraado maskaxda, sidaas ayaa loo malaynayaa in madax-xanuunka noocaan oo ku yimaado.

Haddii aadan horay isugu aqoon jirin madax xanuunkaan waa in aad ogaataa sababta keentay:
- Oonkaagaa maa batay oo sidii horay biyaha u cabi jirtay maa is badashay?
- Ma dhul kuleyla ah ayaa u safartay ama xilli kuleylo ah miyaa la galay?
- Ma daawooyin ayaad qaadataa biyaha jirka ka saara sida Dareeriyaasha (Diuretics)
- Ma oon badan iyo kaadi badan ayaa isku aragtay oo sonkor ayaa laga yaabaa?
- Ma kaffee ayaad cabtaa ama cabitaanno kale oo joogto u cabto miyaa jira?

Su'aalahaas kor ku xusan waxaad ka ogaan kartaa sababta kuu keentay oonka siyaadada ah oo ayaamahaan isku aragtay.
Madax xanuun fuuqbax daawadiisu waa in aad cabtaa biyo kugu filan iskana ilaalisaa oonka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: oonka iyo madax xanuunka maxaa ka dhaxeeya?
« Reply #2 on: March 30, 2011, 05:59:45 PM »
waad mahadsantahay ditoore

biyo cabideyda uunbaa yar, kaadida ma badno, kafee macabo, daawo kale ma cunin cimiladana ma kululo.

talada ah biyo bada qaado waan ku qanacsanahay

mahadsanid


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56425
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 163420
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107575
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 63189
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29501
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc