Author Topic: Su'aal: No cells of sperm can I get treatment?  (Read 17310 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jirde

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: No cells of sperm can I get treatment?
« on: April 03, 2011, 05:13:20 PM »
Asalamu calayku
walaal waxan ahay wiil somaliyed oo idika raba talo iyo qabki an u heli laha dawo insha Allah [Allah ayaa haya Dawada]ee walaal waxan ka codsanay wixi talo & qabki an u heli laha dawadayda, ciwankaga waxa ka hely Somali Medical Association
 
Dear:  all doctors of Somali medical Association members
 
My name is [Jirde]
 Sex: Male
 Age: 31
 
I am married
 
I make a seminal analysis checkup sperm test on 07/03/2011 at (Public laboratory) in dire dawa and the result is
 
 
Viscosity: - Normal
 
Volume: - 2ml
 
Count: - no cells
 
Motile: - ----
 
Dead: - -----
 
Shape: ------
 
Others: - few pus cells
and the Doctor say to me when he read the result you don?t have any Count of cells
and u have big problem only that he say to me
so I need to understand my problem if I have a chance to get treatment or advice from you.
I haven't sperm cells [no cells of sperm can I get treatment for cells in my sperm] with Allah Help
 
Allah Mahad Leh
Kind regards.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: No cells of sperm can I get treatment?
« Reply #1 on: April 03, 2011, 11:10:32 PM »


Cillada xawo yarida ama la'aanta shahwada waxaa loo kala qeybiyaa sida soo socoto:

  • "Azoospermia" waa xaaladda caafimaad ahaan loo yaqaanno markii la waayo wax unugyo xawo "Sperms" lagu arki waayo shahwada markii la tiranayo.
  • "Aspermia" waa xaaladda aysanba jirin wax unugyo sperm ah.
  • "Oligospermia" waa xaaladda ay yaryihiin unugyada shahwada laakiin ay jiraan.

Xaaladaada waxaan dhihi karnaa "Azoospermia" anagoo ku dhisayna baaritaanka lagugu sameeyay, Waxayne xaaladdaan keentaa madhalaysnimo, badankeedne waa xaalad la daaweyn karo.

Xaaladdaan waxay ku dhacdaa 1% ragga waxayna u dhigantaa 20% cudurrada keeno madhalaysnimada.

Sabab:
Xaaladda "Azoospermia" waxaa loo kala qeybiyaa 3 qeyb iyadoo loo fiirinayo waxa keenay:

1- Cillad ka horreyso xaniinyaha:
dhibaatadu waa xagga hormoonnada hawlgaliya xaniinyaha in ay soo saaraan unugyada shahwada, hormoonnadaas oo yaraan karo ama la weyn karo markaasne unugyadu ma samaysmayaan.

2- Cillada ka timaado xaniinyaha:
dhibaatadu waa xagga xaniinyaha oo jirrada oo baaba'a ama hawlgabaan, waa dhibaatada ugu badan ee keento cudurkaan.
Waxaa laga yaabaa in xaniinyaha ay maqanyihiin ama ay si aan caadi ahayn u samaysan yihiin oo qofku ku dhashay ama uu cudur ku dhacay.

3- Cillad ka dambeyso xaniinyaha:
dhibaatadau waa meeshii ay soo mari lahaayeen unugyadii shahwada ayaa xiran laakiin waa la sameeyay oo hormoonno way jiraan, xaniinyahiina way shaqeynayaan.

Baaritaan:
Waxaa xaaladdaan la ogaadaa markii qofka la baaro isagoo ka cabanayo madhalaysnimo iyadoo shahwada la falaanqeeyo.
Laakiin tan kaliya waxba ma tarayso haddii bukaanka aan warbixin buuxdo laga qaadin lana wiisiteyn maxaa yeelay waxaa loo baahanyahay waxyaabo badan oo lagu ogaanayo waxa keenay cilladaan.
Waxyaabaha la rabo in takhtarku ogaado waxaa ka mid ah:
1- In horray qalliin u soo maray bukaanka (qalliin kaadimareenka, kaadiheysta, xaniinyaha ama qnajirka borostaytka)
2- Warbixin ku saabsan xagga galmada sida kacsiga, himada, biyo baxa iyo wixii la xiriiro.
3- In horay uu u qaatay daawooyin ama wax kiimiko ah uu la kulmay maadaama ay keeni karaan dhibaatadaan.
4- Heerka hormoonnada LH, FSH, iyo TESTOSTERONE la ogaado in ay caadi yihiin.
5- In baaritaan buuxa lagu sameeyo xaniinyaha iyadoo laga fiirinayo waxyaabo badan.

Daaweyn:
Cilladu haddii ay tahay mid ka baxsan xaniinyaha oo ah midda 1-aad iyo 3-aad waa la xallin karaa badanaa laakiin midda ka dhalata xaniinyaha badanaa way raagtaa.
Daawaduna waxay ku xirantahay haddii hormoonnada ay yaryihiin ama ay maqanyihiin in badalkooda lagu siiyo haddii ay shahwadu xannibantahayne in marin loo sameeyo oo qalliin lagugu sameeyo.

Talo:
La xiriir takhtar "Urologist" isagaa kaa caawin doono arrintaan baaritaannada aad u baahantahayne kuu diri doono inshallah.

Waxaan filayaa in jawaabtaan aad ka faaiday, haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

Akhriso cunnada u roon ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html

SomaliDoc[/list]
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

"Allergic Reaction" causes and treatment

Started by E-DrBoard Topics in Healthcare

Replies: 2
Views: 9708
Last post November 08, 2008, 01:15:36 AM
by Dr.Farabadan
MSF Begins TB Treatment Program in Rural Areas of Middle Shabelle Region

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 6058
Last post August 12, 2010, 11:40:42 PM
by Admin
One Injection Stops Diabetes in Its Tracks: Treatment Reverses Symptoms of Type

Started by AbdulrazzakBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 19630
Last post February 25, 2015, 02:00:06 AM
by Abdulrazzak
The Aging Brain Helped By Injection Of Human Umbilical Cord Blood cells

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19568
Last post June 01, 2008, 09:00:33 PM
by Yaxya
An Injured Monkey Seeks Medical Treatment At Hargeysa Hospital

Started by Terror manBoard Feel Free Here

Replies: 1
Views: 8127
Last post June 08, 2009, 11:12:35 AM
by Chenrose18