Author Topic: Hodantinimada Afka Hooyo  (Read 21858 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online Dr.Habiib

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 116
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
Hodantinimada Afka Hooyo
« on: March 31, 2011, 10:06:20 PM »
Soomalida waxay  ku mahmahdaa (hadal waa kii hore).
Soomaliga waa af hoddan oo meel walba ku wanaagsan.
Inta badan suugaanta soomaladi ayaa jiclahay gaar ahaan sheekoyinka iyo gabayada.
Waxaan jecleestay bal in aan fankii hore bal wax idinkaga soo tabiya taas oo meela badan caafimaadka xariir kala leh shegadaan waxaa ka heli karta manhajkii hore ee soomaaliga megaceeduna waa.

                           ˂WAA XAQQ˃

Faarax waxuu ku barbaaray miyiga, weligiina magaalo subax kama soo toosin. xoolaha dhaqaalahooda ayuu sifiican uyiqiin. nolosha miyiga meel fog ayuu kagaaray. magaalada hadii wax looga baahdo aabihiis ayaa reerka usafri jiray.
Illayn ninkii aan dhiman waa uhurti la'aane kadeed adduun, maalintii dambe ayaa aabihii dhintay isagana hawlo badan ayaa soo wajahay, markii jiilaalku soo dhowaa caanana lawaayay oo xoolihii gureen ayuu reerkii usoo safray isaga oo neefaf ari ah wada. jidkii intii ay soo socdeen ayaa gaadhigii ay fuushanaayeen mar qura afka rogtay oo gadoomay intii cimrigoood dhamaaday waa geeriyootay inti kalese way dhaawacantay faaraxse nabar uu lamiyir beelay oon ahayn nabar muuqda ayaa gaadhay islamarkii goobtii uu gaarigu ku dhacay waxaa usoo gurmaday beeralaydii ku dhowayd wadada iyo baabuurtii jidka maraysay islamarkiina waxaa loola cararay dhakhtarkii ugu dhowaa, labo maalmood kadib ayuu miyir saday oo wax kala gartay. markiiba waxa ay ishiisu ku dhacday waxyaalo uusan waligii arag, sariiro dhar cad cad lagu goglay, dhalooyin iyo dad sariiro ku dul jiifa isaga oo aad uyaaban ayuu nin sariirtii ku xigta jiifay oo ladhihi jiray (manaxe)  ayuu ku yiri "waa meeshaan maxay ahayd?".
Manaxe wuxuu  ugu jawaabay " waa aakhiro".
Faarax baa wuxuu ismooday inuu dhintay oo uu aakhiro joogo ilayn waa kii gaarigu ladhacaye wuxuuna yiri " waa xaq" isaga oo aad unaxsan dhididka jidhkiisa kada`ayana ay maryihiisa qooyeen cabaar markii uu aamusnaa ayuu nin dhakhtar ah oo dhar cad cad watay iyo gabadh kalkaaliso ah oo iyana dhar cad cad wadatey ayaa qolkii faarax jiifay soo galeen oo dadkii dhaawaca ahaa daawayn iyo gargaar caafimaad ku bilaabeen, waxaa kaloo uu arkay gabdh iyana dharcad cad wadata oo dadkiii cunto uqaybinaysa .
Ilayn layaab malahee intuu is-hayn kari waayay ayuu manaxe lahadlay oo uu kuyiri " waar kuwaanina maxay ahaayeen?"
Islamarkiiba ma'naxe ayaa wuxuu ku jawaabay "waa malaa'igtii qof walba wuxuu kasbaday siinaysay"  Manaxe miskiinkii kasii baji "waa xaq" ayuu faarax marlabaad yiri.
Waxaad aqoon ulahayniba waa balaayo, waxaa uu hadana arkay dad qolka qaliinka lagaynayo oo baabuurta curyaanada lagu wado markaasuu inta uu jiifkii kasoo booday sidii qof laga sasiyay ayuu ma'naxe ku yiri " waar xagee baa loowadaa?" waaxaa uu ma'naxe ku jawaabay " waa qolodii laxisaabiyay oo cadaabta ayaa loowadaa "waa xaq" ayuu misana ku jawaabay faarax, naxdin iyo argagax inta uu ilaahay iskugu keenay faarax ayuu daaqad hortiisa ku beegnayd eegay waxaa uu arkay afar awr oo isbitaalka xaabo (qoryaha dabka lagu shito) usiday, ma'naxe oo markaas inuu soo fooldhaqdo ukacayay ayuu su'aal kale waydiiyay oo yiri "waar awr taan aakhiro joogta maxay ahaayeen?".
Ma'naxe waxaa uu ugu jawaabay miskiinkii faarax " waxay sidaan xaabadii cadaabta lagu shidi lahaa " misana faarax waxaa uu ku jawaabay "waa xaq"
Mudo yar kadib dhakhtarkii iyo kalkaalisadii ayaa sariirtii faarax jiifay soo gaaray oo intay kaadhkiisii qaateen daawooyin ugu qoreen iyaga oon afkoodii kala furin!
Markii ay katageen ayuu ma'naxe waydiiyay " waar maxay iiqoreen aniga ?" ma'naxe ayaa si deg deg ah ugu jawaabay " CADAABTA?  inyar kadib markii uu fikiray ayuu faarax xanuunkii hayay intuu ilaaway deg deg ukacay oo irida kabooday dabadeetana orod ayuu isqaaday isaga oo doonayay inuu cadaabta cago kaga baxsado! shaqaalihii isbitaalka markay cago ku gaari waayeen ayaa baabuur boolisku lahaa lagu soo qabtay oo sariirtii lagu soo ceshay isaga oo lahaa "Hadii aan ifkii camal falan lahaa ma laa'igta cadaabta cago iguma gaadheen"  

WEYDIIMO:
1. Maxay ku tahay dakhtarow sidee baa faarax ku daaweyn laheyd?
2. Waa maxay faraax dhibka haya ma cudur miyirka mase waaxanuun jidhka?
3. Dakhtarka sida uu ola dhaqmay ma saxbaa?


Ethical principles of medical professionalism:
1. Beneficence: to do good to patient.
2. Non maleficence: not to harm the patient.
3. Justice: to be fair to all patients.
4. Respect for autonomy: free decision for the patient


Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Hodantinimada Afka Hooyo
« Reply #1 on: April 02, 2011, 11:07:34 PM »
It seems to me that Farah is suffering from panic disorder mixed with some sort of cultural shock therefore he should be referred directly to the psychiatric ward.

This can be treated by Reverse culture shock which means taking Farah back to the remote rural area he came from so he believes that he still alive.

The doctor should had been taken good care of him since he arrived and know the context he came from or any other complain he was having or any signs of cultural shock he was experiencing.
The doctor & nurse just deal with the hospitalization card & they didn't bother themselves to speak to the patient.
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Hodantinimada Afka Hooyo
« Reply #2 on: April 03, 2011, 06:33:19 PM »
Ditoore, Manaxe iyo Faarax in isku qol la jiifiyo ayaaba qalad ahayd marka horaba.

Wallee waa sheeko naxdin leh.
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Hodantinimada Afka Hooyo
« Reply #3 on: April 03, 2011, 10:21:50 PM »
Waxbaro! ayaa Jawaab waafi ah ka bixiya. Laakiin waa Muuq fiican oo qaabab la mid ah u dhici karaan xaalado gaar ahaan hadii aad ka shaqaynayso hospitaalada ku yaal magaalooyinka fogfog ama tuulooyinka.,...Thanks Dr.habiib
**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...

Online Dr.Habiib

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 116
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
Re: Hodantinimada Afka Hooyo
« Reply #4 on: April 05, 2011, 11:14:30 PM »
Thank you  doctors  Waxbaro, pharmacist, Dr. adnan.
Aad iyo aad ayaa mahadsantihiin, xalka sida uu "waxbaro" sheegay faarax waxuu u bahan yahay psychiatrist iyo in loo celiyomeesha u ka imaaday oo miyaga ahayd sababtoo ah nolashiisa is badal wayn ayaa ku dhacay mar kala meshaan iyo xaladaan ma xamali karo.
thanks all.
Ethical principles of medical professionalism:
1. Beneficence: to do good to patient.
2. Non maleficence: not to harm the patient.
3. Justice: to be fair to all patients.
4. Respect for autonomy: free decision for the patient


 

Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39963
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61149
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29389
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Suáal: Xanfaf xaga farurta hose ee afka?

Started by AshwaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 13135
Last post May 16, 2010, 09:48:05 PM
by SomaliDoc
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 28345
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc