Author Topic: Some advice needed  (Read 12319 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sumayya

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 63
  • Points: +0/-0
Some advice needed
« on: October 09, 2007, 04:01:43 PM »

Salaama Caleikum

I have a question for the doctors. Here, in the west there alot of somali ppl who are been found diabetes type 2, low hemoglobine and lack of vitamiin c and D, high colesterol and so on. I was wonderding if you could give them some kind of advice  in somali language so i can give them forward.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Some advice needed
« Reply #1 on: October 10, 2007, 02:15:01 AM »
Walaal sumaya, inkastoo cudarada aad sheegtay ay u baahanyihiin mawduucyo gooni ah ahmiyada ay leeyihiin darteed lakin halkaan waxaan isku dayayaa inaan ku sheego dardaaranka aad siin laheed bukaanada qaba cuduradaas:

1- Sokorowga ama Sonkorta:
Haddii aad qabtid sonkor/sonkorow, xakamee sonkorta dhiiggaaga ee sareysa adiga oo raacaya qorshe daweyn sonkor/sonkorow:
• Raac qorshahaaga cuntada.
• U qaado insulintaada iyo kininiinkaaga sida lagu faray.
• Baadh sonkorta dhiiggaaga marrar badan oo natiijooyinka meel ku qoro.
• Raac jadwalkaaga firfircoonida ama jimicsiga.
• La xidhiidh dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid saansaan ah sonkor dhiig oo sareysa.
• Raac qorshahaaga maalinta aad jiran tahay haddii aad jirato.
• Ilaali nadaafada jirkaaga (Lugahaaga u i nadiifi sida wajigaaga oo kale).
Haddii aan la daweyn, sonkorta dhiig ee sareysa waxay keeni kartaa kooma (coma) iyo xitaa geeri.

2- Vitamin "C" oo yaraada:
Vitaminkani ama "Ascorbic acid" haduu jirku ku yaraado waxay keenan waxa loo yaqaano "Scurvey" oo calaamadahiisa ay ka mid tahay dhiig oo ka yimaada ciridka ama sanka.
Marka bukaanka uu ku yaryahay vitaminkani waxa lagula dardaarmayaa inuu cuno khudaarta iyo faakihada sida bagalka, ansalaatada, basasha, barbarooniga iyo yaanyada.

3- Vitamin "D" oo yaraada:
Diyaarinta vitaminkani si uu uga faaideysto jirka waxaa ka qeyb qaata ileyska qoraxda, sidaa darteed waxa uu ku badanyahay dadka aan helin qorax ku filan ama ilmaha laga ilaaliyo inay guriga ka soo baxaan.
Marka ka hortaga cudurkani waa in ilmahaaga ay helaan qorax ku filan.
hadii aad la jiratid cudurkani waxaa dhakhtarkaagu kuu qorayaa kaniiniyaal kuu korniyada vitaminkaas.
siyaabaha kale oo vitaminkan jirku ugu yaraado waxaa ka mid ah iyadoo in kugu filan aadan qaadan, kilyaha oo aad ka jiratid iyo iyadoo laga soo dhuuqi waayay xiidmaha caloosha jirro jirto awgeed.

4- Hemoglobinka oo yaraado:
Halkaan ka akhriso "Dhiig Yari".

5- Cholestrolka:
Cholestrolka waa nooc ka mid ah xeyrta oo jirku sameeyo una baahanyahay, haduu jirku ku bato waxa uu fadhiisanayaa xidida khaas ahaan kuwa yaryar sida kuwa quudiya wadnaha iyo kuwa maskaxda, markaasina uu joojinayaa dhiig socodka.
cholestrolka wuu qeybo badanyahay, qaar fiican iyo qaar xunba wuu leeyahay.
cholestrolka si uusan jirka ugu badan waa inaad ka fogaataa cuntada uu ku badanyahay sida ukunta, beerka iyo kilyaha.
aadna cuntaa cuntada laga helo xeyrta fiican sida buskutka, doolshaha, hilibka gaduudan iyo labeenta.
tan kale waa inaad jimicsi sameysaa oo aad socsocotaa.

Mawduucyadaan iyagoo faahfaahsan ayaan soo qori doonaa
Wixii su'aal dheeraad ah halkaan ku weydii

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Sumayya

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 63
  • Points: +0/-0
Re: Some advice needed
« Reply #2 on: October 11, 2007, 04:21:03 PM »

Salaama Caleikum

Jazallah Khair brother for the advice i will tell them forward :)


 

Malaria Health Officer Needed in Jowhar, Central South Zone, Somalia

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 18411
Last post May 24, 2009, 05:24:43 PM
by Admin
Advice to doctors by sheikh "Mohammad Al-munjid"

Started by Dr.AdnanBoard Islam and Medicine

Replies: 0
Views: 21014
Last post December 04, 2007, 05:09:46 PM
by Dr.Adnan
Vacancy: Medical Doctor Needed In Badhan Hospital, Sanaag, Somalia

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 18713
Last post December 16, 2009, 04:32:22 PM
by Admin
DROUGHT EMERGENGY IN HORN OF AFRICA - HUMAN RESSOURCES NEEDED ASAP (ACF)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 16390
Last post July 12, 2011, 09:56:16 PM
by Admin
Senior Consultant at Health Policy Unit in Somaliland MOH needed? by (WHO)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 15559
Last post October 29, 2014, 12:31:24 PM
by Admin