Author Topic: Su'aal: Minka qalloocan iyo dhibaatadiisa?  (Read 46673 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Caaisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Minka qalloocan iyo dhibaatadiisa?
« on: April 03, 2011, 01:04:21 AM »
asc dhaman dhaqaatirta soomaliyeed
salaaln kadib waxaan qabaa laba su aalood
waaxa rabaa inaan ogaado minka qaloocaa dhabaatada oow leeyahay?
sida lagu daroomo iyo daawadiisa?
waxaa jirta suaal kale oo ah
waxaa jirta gabar saxiibteeya oo kunool soamla waxeey utagtay naag dhaqtarad ah markeey inmuda ah uur yelan weysa
islaantina waxeey usheegtay in nabar uga yaal xubinta taranka oo inla gubo am la gooyo eey taahy gabadhina ad aayeey uga baqataay
waxaan rabaa inaan wax ka ogaado  curur kaan oo aan maqlay marar badan dumarka somalida oo xattaa dumarkale oo aanba dhaqaatiir aheeyn eey kasameeyaan dumarka maa wax jiraa mase waa wax quraafada? haduusa jiro wxan raba magaciisa? mahadsanidiin iga raala ahaada hadeey ku jiraan waxyaba aad fahmiweysaan





Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: Su'aal: minka qaloocan iyo dhibtadiisa?
« Reply #1 on: April 03, 2011, 09:18:26 PM »
80% _ 85% haweenka Minkooda wuxuu  u janjeeraa xaga hore dhanka caloosha (Antiverted)
Minka Qalooco waxaa laga wadaa marka uu Minka u janjeero xaga dhabarka (Retroverted)
waxaana Minka noocaas ah qabo 20% _ 15% oo haweenka ah.

Sababaha keena Minka Qalooca ,

Badanaa waa  ku dhalasho
Waxaa dhici karta mararka qeebtood inee keento dhalmada badan , gaar ahaan hadee jirto fool dheer taas oo keeni karto in eey dabcaan xargaha celiyo Minka .
Kansarada Minka qeebtood waa keeni karaan Minka oo Qaloocmo
Jirooyinka qeeybtood aa keeni karta  Minka oo qaloocma sida jirada (Endometriosis) taasoo keeni karto xarakada Minka oo adkaato markee darbiyada Minka iyo xiidmaha oo kale ee isku dhagaan.

Dhibatooyinka ka imaan karo.

Hadii eeysan jirin dhib la taaban karo sida kuwa kor kuxusan badanaa looma baahna daaween ama faragashi.
Laakiin hadii eey jirto dhib lataaban karo sida ilmaha oo hooyada kasoo dhacaan ama  uur yeelashada oo soo daahdo markaas wuxuu u baahanyahay daaween iyo inaa latashatid dhakhtar  takhasuska haweenka qaabilsan.
Su,aashada labaad oo ah gabadha nabarka kuyaalo , runtii makasaayo isgubidaan dadka Somalida ee alifeen meeshee ka akhriyeen , maalin dhaweeyd gabar aa isoo wacday iyadana isgubtay oo xaaladeeda sii xumaatay gubida kadib infections kudhaceen iyado rabto inaa daawo usheego ee isticmaasho see u caafimaado , runtii wax isgubid ladhaho majiraan , gabadha ha u tagto dhakhtar Haween isagaana ka kaalmeen karo jiradeeda ,mideeda kale talo kama bixin karno nabar aan arkin examine gareen qofka uu kuyaalana aan ka sheekeen , marka gabdha ha utagto dhakhtar , coz genital ulcers wee badanyihiin
Waxaa rajeeynaayaa inaa ku siiyo macluumaad ku anfaco inkastoo terminology badan aa u waayay fasiraad afsoomaali ah saas darteed waxaa kusiiyay macluumaad kooban , wixii aniga aa katagayna walaalaha aa ku daraayo Insha Allah.



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: minka qaloocan iyo dhibtadiisa?
« Reply #2 on: April 03, 2011, 10:23:41 PM »


Su'aasha qeybteeda 1-aad waxaa si fiican kaaga jawaabay takhtaradda.

Su'aasha labaad oo horayba aan uga jawaabay hadda ka hor iyadoo dhowr qof i soo weydiisay ayaa waxay tahay wax ganacsi ahaan loo adeegsado dalka iyadoo islaan walba oo ka cabanaysa cawrada iyo wixii la xiriira la yiraahdo waa gubis taasoo lacag fiican looga qaato, waxaana arintaas ku shaqeysta dad xirfadlayaal ah iyo kuwo takhtarnimo sheegto labadaba.

Waxay gubista u adeegsadaan wax waliba xitaa waxaad maqlaysaa iyadoo la leeyahay waxaa heblaayo laga soo gubay infakshan!!!.

Haddii aan warbixin yar idinka siiyo gubistaa waa wax jiro waxaana caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Cervical cautery" waxaana loo adeegsadaa kaliya haddii luqunta ama surka minka, dadka qaarne u yaqaannaa "Farraati" looga shakiyo in kaanakaro "Cancer" ay ku dhici rabto taasoo ay jirto calaamado ka soo muuqdo sida in nabro ay ka soo baxaan maahane wax qofka buka uu indhihiisa ku arki karo maahan, waxaa lagu arkaa qalab uu heesto kaliya takhtar ku taqasusay cudurrada haweenka waxaana qalabkaas loo yaqaannaa "Colposcope".

Baaritaanka la samaynayo ayaa loo yaqaannaa "Colposcopy" waa baaritaan la sameeyo si loo hubiyo unugyada aan dabiiciga ahayn
ee xubinta iyo afka ilmo galeenka. Takhtarku wuxuu isticmaalayaa aalad weyneyso ah si uu u hubiyo unug aan caadi ahayn ee cawrada iyo afka ilmo galeenka. cad unug oo yar ayaa laga yaabaa in lagaa soo saaro si shaybaarka loogu soo hubiyo.

Waxaa gubista loo isticmaalayo waa in nabraha ka soo baxay surka minka laga yaabo in ay dillaacaan oo dhiig bax yimaado maadaama meesha ay ku soo kordheen unugyo aan dabiici aheen oo tilmaamayo in ay yihiin unugyo kansar.
Cudurkaan kaankarada noqdo ee farraatiga ku dhaco waxaa la yiraahdaa "Cervical Neoplasia" taasoo laftikeeda u baahan in lagu xaqiijiyo cad laga qaado oo la ogaado in nabrahaan ay kaankaro noqonayaan mustaqbalka iyadoo la adeegsado Dheeh Marinta Pap "Pap Smear".
Cudur aan kaas ahayn oo gubis lagu daaweeyo ma jiro, markii wax la gubayo waa sidii qalliinka oo kale waa in qofka isbitaal la jiifiyo oo gubis iyo daawo la isugu daro.

Laakiin gubista wadanka ka socoto oo ganacsiga ah waxay keentay oo indhahayga ku arkay dhibaatooyin badan oo ka dhashay sida:
1- Caabuq soo laablaabta maadaama meeshii ay fashfashtay oo bakteeriyo ku dhalatay.
2- Dhicis joogto ah maadaama murqihii faraatiga ilmaha celin lahaa markii cuslaadaan uu hawlgabay gubis dartiis.
3- Ma dhalaysnimo kaasoo ka timid dhaawaca gaaray luqunta minka iyo caabuq ku baahay xubnaha ka ag dhow sida tubooyinka iyo ugxan sidayaasha.
4- In haweentii ay galmoon waydo oo dhibaato hor leh halkaas ka qaaddo.

Dhibaatooyinkaas oo idil waxay ka timid gubistaan aan loo baahneyn oo ganacsiga wadanka ka noqotay.

Waxaan ku la talinayaa dhamaan hooyooyinka iyo gabdhaha soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan arintaas, hablaha oo idilne laga wacyi galiyo.

Midda nabraha ka soo baxo cawrada way kala duwanyihiin in la arko ayaa loo baahanayahay maxaa yeelay waxay noqon karaan Fiix "Cervial Polyp" ama Honqor "Vaginal Wart" (Labadaan cudur horay ayaan uga hadalnay) ama wuxuu noqon karaa cudurro kale oo nabro leh.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Minka qalloocan iyo dhibaatadiisa?
« Reply #3 on: January 25, 2017, 12:58:43 PM »
Asc
dr. waxaan codsanayaa in baaritaan dheeraada aad ku sameysaan arintaan Gubidda Farjiga maadaama dumarka isguba ey siibadanayaa
sababta ey isu gabayaana ey ku sheegeen  iney uur qaadi waayeen markey isi soo gubaana ey horay  uu ka qaadaan
maxey tahay sabata ka hortaagan iney uur qaado haweeneyda ayadoon lagubin?  inkastoo uur qaadida qadar Alla ey tahay
maxaa sahlo uur qaadida gubida kadib.? arintaan waa wax la arkay   inkastoo aad sheegtay sheekadaan iney u badan tahay ganacsi

Offline Jamaaluddiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Minka qalloocan iyo dhibaatadiisa?
« Reply #4 on: May 20, 2018, 07:27:50 PM »
fadlan hala isku dayo suaashaan danbe in laga jawaabo


 

Su'aal: Wuxuu igu dhahay waxaa MINKA kaga yaal nabar?

Started by UmmbishaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6896
Last post April 11, 2016, 01:03:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa Sababa Cuncunka Minka/farjiga dumarka ?

Started by MayusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22519
Last post July 08, 2015, 04:39:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Minka hadi uu furanyahay uurna aan jirin ma ciladbaa?

Started by Umu caaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6342
Last post March 25, 2016, 10:11:57 PM
by SomaliDoc
Minka oo banaanka u soo baxo (Uterine Prolapse)

Started by IfrahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 34597
Last post June 23, 2016, 12:19:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Minka waxaa kaga yaallo Fibroid?

Started by Faarah 1988Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5780
Last post January 15, 2018, 05:51:02 AM
by Akhaa Binu Jowhari