Author Topic: Su'aal: Raggu ma yeelan karaa miskaha dumarka oo kale?  (Read 9857 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Khaliif yare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Raggu ma yeelan karaa miskaha dumarka oo kale?
« on: April 08, 2017, 06:40:32 PM »
 :-[ Dr aad Bn ku salaamaya in badan
    Salaaan kadib su aashaydu waxa weeye
Ragga leh biskoolado ama cajarada oo oo sidii dumarki u kaado maxa sababa mida kale ciladaas maxa sababa maxa lagula tacaalaa arintaan si faahfaahsan ugu soo jawaaba nin saaxiibkay ah oo aad an iskugu dhownaahay ba arintaas ka cabanaya mana aha nin social media si fcn u yaqaan amaba isticmaala wuxu ii shegay in ay arintaan dhib wayn Ku hayso oo xata ka xishoodo inu dhalinyaro la dabaasho LA jimicsado ama kubad LA ciyaaro asago ka cararaya in ay caayan wuxu kalo ii shegay in ay Ku xiran tahay misan kiisa hadu dhaco ay yaraanayaan haduu bato uu ay waynaanayaan Dr ado mahad San arintaas si faahfaahsan uga soo jawaab oo deg-deg ah hadii la baa bi in karo iyo hadii kale soo sheeg mahadsanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Raggu ma yeelan karaa miskaha dumarka oo kale?
« Reply #1 on: July 21, 2017, 08:04:51 PM »
Miskaha haweenku way ka duwan yihiin kuwa ragga, ilaahayne isku abuur kama dhigin, miskaha haweenku way ka balacsan yihiin kuwa ragga, dhexda miskaha dumarkuna waa wareeg oo kale, ragguna sidaa maahan. intaas wuxuu Alle ugu talagalay uurka iyo dhalmada.

Haweentu markay qaan gaarto, miskaheeda iyo garbaheeda, waxaa ballacsan miskaheedu, ragguse waa caksi.

Haddaan u soo laabto midda ku saabsan ragga u misko eg haweenka, taasi macnaheedu maahan in miskahoodu isku mid yahay, laakiin waxaa jira dad bowdyaha ka cayilo oo u muuqaal ekaado miskaha haweenka.

Taasi macnaheedu maahan in wax ka qaldan yihiin qofka ama ku badan yihiin hormoonada haweenka sida dadka qaar u fasiraan, laakiin qofka markuu cayilo ayaa baruurta lagu dul kaydiyaa murqaha bowdyaha, meesha dad kale ay ka cayilaan garbaha, dad kalane barida, dad kalane caloosha, taasina caafimaad ahaan waxaa loo yaqaanaa "Fat distribution".

Marka saaxiibkaa u sheeg, welwelka iyo shakkiga ha iska saaro, jimicsi ha sameeyo maadaama uu sheegay in markuu caatoobo uu caadi noqonayo, asxaabtiisa aaminsan fikradaha qaldanne yaysan saameyn ku yeelan nafsiyaddiisa iyo shakhsiyaddiisa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Khaliif yare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Raggu ma yeelan karaa miskaha dumarka oo kale?
« Reply #2 on: July 22, 2017, 02:04:14 PM »
Mahadsanid in badan doctor xalay wan arkay jawaabtaadii laakiin ninki ilama joogin telefon waxba ugama sheegin maanta ban is aragnay waan u shegay waana u faah-faahiyay wana Ku mahadsan tihiin dhiirigalinta waqtiga aad Ku xaliseen su'aasha.

Hadaan wax yar kugu daro waxaan u fahmay jawaabtiina in ay Ku soo arurtay waa baruur cayilku sababay oo iskugu timid bowdyaha marka jimicsiga lugaha badi si baruurtu uga dhacdo. Waxan filayaa in aad iso jawabtaan mahadsanid.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Raggu ma yeelan karaa miskaha dumarka oo kale?
« Reply #3 on: May 20, 2018, 01:25:47 PM »
Haa, waa sidaas walaal. Jimicsi ha sameeyo si baruurta uga dhacdo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: