Su'aasha qeybteeda 1-aad waxaa si fiican kaaga jawaabay takhtaradda.
Su'aasha labaad oo horayba aan uga jawaabay hadda ka hor iyadoo dhowr qof i soo weydiisay ayaa waxay tahay wax ganacsi ahaan loo adeegsado dalka iyadoo islaan walba oo ka cabanaysa cawrada iyo wixii la xiriira la yiraahdo waa gubis taasoo lacag fiican looga qaato, waxaana arintaas ku shaqeysta dad xirfadlayaal ah iyo kuwo takhtarnimo sheegto labadaba.
Waxay gubista u adeegsadaan wax waliba xitaa waxaad maqlaysaa iyadoo la leeyahay waxaa heblaayo laga soo gubay infakshan!!!.
Haddii aan warbixin yar idinka siiyo gubistaa waa wax jiro waxaana caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Cervical cautery" waxaana loo adeegsadaa kaliya haddii luqunta ama surka minka, dadka qaarne u yaqaannaa "Farraati" looga shakiyo in kaanakaro "Cancer" ay ku dhici rabto taasoo ay jirto calaamado ka soo muuqdo sida in nabro ay ka soo baxaan maahane wax qofka buka uu indhihiisa ku arki karo maahan, waxaa lagu arkaa qalab uu heesto kaliya takhtar ku taqasusay cudurrada haweenka waxaana qalabkaas loo yaqaannaa "Colposcope".
Baaritaanka la samaynayo ayaa loo yaqaannaa "Colposcopy" waa baaritaan la sameeyo si loo hubiyo unugyada aan dabiiciga ahayn
ee xubinta iyo afka ilmo galeenka. Takhtarku wuxuu isticmaalayaa aalad weyneyso ah si uu u hubiyo unug aan caadi ahayn ee cawrada iyo afka ilmo galeenka. cad unug oo yar ayaa laga yaabaa in lagaa soo saaro si shaybaarka loogu soo hubiyo.
Waxaa gubista loo isticmaalayo waa in nabraha ka soo baxay surka minka laga yaabo in ay dillaacaan oo dhiig bax yimaado maadaama meesha ay ku soo kordheen unugyo aan dabiici aheen oo tilmaamayo in ay yihiin unugyo kansar.
Cudurkaan kaankarada noqdo ee farraatiga ku dhaco waxaa la yiraahdaa "Cervical Neoplasia" taasoo laftikeeda u baahan in lagu xaqiijiyo cad laga qaado oo la ogaado in nabrahaan ay kaankaro noqonayaan mustaqbalka iyadoo la adeegsado Dheeh Marinta Pap "Pap Smear".
Cudur aan kaas ahayn oo gubis lagu daaweeyo ma jiro, markii wax la gubayo waa sidii qalliinka oo kale waa in qofka isbitaal la jiifiyo oo gubis iyo daawo la isugu daro.
Laakiin gubista wadanka ka socoto oo ganacsiga ah waxay keentay oo indhahayga ku arkay dhibaatooyin badan oo ka dhashay sida:
1- Caabuq soo laablaabta maadaama meeshii ay fashfashtay oo bakteeriyo ku dhalatay.
2- Dhicis joogto ah maadaama murqihii faraatiga ilmaha celin lahaa markii cuslaadaan uu hawlgabay gubis dartiis.
3- Ma dhalaysnimo kaasoo ka timid dhaawaca gaaray luqunta minka iyo caabuq ku baahay xubnaha ka ag dhow sida tubooyinka iyo ugxan sidayaasha.
4- In haweentii ay galmoon waydo oo dhibaato hor leh halkaas ka qaaddo.
Dhibaatooyinkaas oo idil waxay ka timid gubistaan aan loo baahneyn oo ganacsiga wadanka ka noqotay.
Waxaan ku la talinayaa dhamaan hooyooyinka iyo gabdhaha soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan arintaas, hablaha oo idilne laga wacyi galiyo.
Midda nabraha ka soo baxo cawrada way kala duwanyihiin in la arko ayaa loo baahanayahay maxaa yeelay waxay noqon karaan Fiix "Cervial Polyp" ama Honqor "Vaginal Wart" (Labadaan cudur horay ayaan uga hadalnay) ama wuxuu noqon karaa cudurro kale oo nabro leh.
http://somalidoc.com