Author Topic: Su'aal: Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda  (Read 21240 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda
« on: April 03, 2011, 06:38:14 PM »
Dhakhaatiirta sharafta leh waxaan u baahanahay hadi ay jiraan in wax laga ogaadey in wax cillad ah ay ka iman karaan isticmaalka daawooyinka loogu talo galay in lagu weyneeyo ama lagu adkeeyo Naasaha dumarka, daawooyinkaas oo maalmahaan aad ugu soo batey suuqyada dalka carwooyinkana aad loogu iibiyo. sidoo kale daawooyinka loogu talo galay in ay isticmaalaan dumarka cowradooda si ay u yaraato ama ay wax u eg virgin u noqoto. aad ayaa looga isticmaalaa dalka marka ciladaha ka imaan kara ayaan rabaa.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda
« Reply #1 on: April 04, 2011, 06:14:08 PM »
Waxaa jira daawooyin badan oo loo sameeyay ganacsi ahaan oo aan la ansixin isticmaalkooda wdama badanne ka mamnuuc ah oo la yiraahdo waxaa loo adeegsadaa in naasaha lagu weyneeyo, ama lagu yareeyo ama cawradu lagu yareeyo.

Daawooyinkaas waxay leeyihiin dhibaato weyn maxaa yeelay qaabka ay u shaqaynayaan ayaa ah in unugyada meelahaas ay barariyaan si markii barar u galo ugu muuqdaan in uu weynaaday ama cariiriyoobay.

Waxaa kaloo jiro daawooyinka ka hortagga uurka, kuwa ay ku jiraan hormoonka estrgoen-ka iyo daawada niyad jabka oo kulligoodba loogu talagalay in si qalad ah loogu adeegsado arrimahaas maadaama daawooyinkaas uu ku jiro hormoonka esterogen.

Waxaa hubaal ah daawo walba oo loo adeegsado wax ka badalidda abuuristii eebbe iyo dabeecaddii jirka biniaadamka wax dhib aan ahayn ha ka sugin taasi waa mid caafimaad ahaan la xaqiijiyay.

Jirka qaabka eebbe u sameeyay iyo sida uu u shaqeeyo qof biniaadan ah awood uma lahan inuu wax ka baddalo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106946
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64469
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29280
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53624
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34529
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca