Author Topic: Jeexitaanka iyo Soo-go'idda Qaybta Dambe ee Isha (Retinal Tear & Detachment)  (Read 23638 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qaybta dambe ee isha (retina) waa xuub ku dheehan gudaha isha.
Waxay dhambaalo u dirtaa maskaxda si aad wax u aragtid.
Marka qaybta dambe ka soo fuqdo gudaha isha waxa dhici kara jeexitaan, godad ama soo-go?id.

Astaanaha/Calaamadaha Jeexitaanka iyo Soo-go?idda Qaybta Dambe ee Isha
Jeexitaanka iyo Soo-go?idda Qaybta Dambe ee Isha ma laha xanuun.
Astaanaheeda/Calaamadaheeda waxa ka mid ah:
? Baro sabbaynaya oo si dhakhso ah ugu bata araggaaga
? Iftiin duulduulaya oo dhakhso ah oo aad ku aragtid hal il ama labada indhoodba
? Hadh ama daah fuula qayb ka mid ah araggaaga
? Aragga indhaha oo si dhakhsa ah isugu darsamaya ama u daciifa

Daryeelkaaga
Haddii aad qabtid wax calaamado/astaana ah, isla markiiba u tag dhakhtarka indhaha.
Soo-go?idda qaybta dambe ee isha waa xalaad caafimaad oo degdeg ah. Haddii aan dhakhso loo daweyn, aragga ayaa si joogto ah uga lumi kara isha ciladeysan.
Daryeel caafimaad oo dhakhso ah iyo daweyn ayaa badbaadin kara ishaada.
Dhakhtarkaaga ayaa eegi doona ishaada si loo ogaado waxa keenaya astaanahaaga/calaamadahaaga. Haddii la arko jeexitaan, dalool ama soogo?id, waxa la sameyn doonaa qalitaan. Haddii jeexitaan ama dalool la daweeyo ka hor inta aan soo-go?id dhicin, waxay u badan tahay in aad lahaan doontid badi araggaaga.

Daweynta daloolada/ama jeexitaanada/dildilaacyada yaryar
Daloolada yaryar ama jeexitaanada waxa lagu daweeyaa iftiinka laysarka (laser) ama daweyn berefoobey oo la yidhaahdo cryopexy. Daweynadan waxa lagu qaban doonaa xafiiska dhakhtarkaaga.
? Waxa la isticmaali/adeegsan kara iftiinka layserka (laser beam) si gubitaan loogu sameeyo agagaarka jeexitaanka/dilaaca ama daloolka ku yaala qaybta dambe ee isha. Gubitaankaasi waxa uu keenayaa qolofsameysan taasoo qaybta dambe ee isha ku adkeynaysa meesha.
? Marka la isticmaalo/adeegsado daweynta berefowdey (cryopexy), waxa la adeegsadaa/isticmaalaa qabow daran si loo barafeeyo agagaarka jeexitaanka/dilaaca ku yaala qaybta dambe ee isha. Taasi waxay baraf ka dhigaysaa aagga waxana ay sababaysaa in qolof ay sameysanto. Qolofsameysanku waxa uu qaybta dambe ee isha ku adkeynayaa darbiga isha.

Daweynta Soo-go'idda Qaybta Dambe ee Isha
Waxa jira saddex nooc oo ah qalitaano loo isticmaalo daweynta soo-go'idda qaybta dambe ee isha. Waxa laga yaabaa in loo baahan yahay in tan laguugu sameeyo gudaha cisbitaal.
? Xidhida qaybta adag ee isha (Scleral buckling) ? walax si weyn u yar ayaa lagu qabtaa dibadda dhabarka isha si darbiga isha tartiib loogu riixo xagga qaybta dambe ee soo go'day.
? Vitrectomy ? jeexis yar ayaa lagu sameeyaa isha. Hawo ayaa lagu sii daayaa meesha si qaybta dambe loogu riixo xagga darbiga isha.
? Pneumatic retinopexy ?Xunbo ah hawo kala fideysa ayaa lagu sii daayaa isha. Mudo ah dhawr maalmood, waxa dhacaysa in hawadu iskala fidiso, taasoo ugu dambeyn keenaysa in qaybta dambe dib u qabsato darbiga isha.
Marka la sameynayo dhamaan qalitaanada, waxa la isticmaalaa/adeegsada iftiinka laysarka ama barafeyn (cryopexy) si qaybta dambe dib loogu dhejiyo meesha. Waxa laga yaabaa inay qaadato dhawr bilood oo ku xiga qalitaanka si loo ogaado inta ka soo hagaagaysa araggaaga. Natiijooyinka ugu fiican waxa la helaa marka daweynta la sameeyo ka hor soo-go?idda qabta dambe.

Dhakhtarkaaga kala hadal su?aalahaaga ama walaacaaga.

SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 41717
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Su'aal: Nabar ku dhacay isha korkeeda ma keeni karaa shigshig?

Started by Axmed A. CBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6546
Last post April 24, 2013, 12:04:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Nabarka cad ee isha qeybta madow hosteda kasoo baxa?

Started by Abukar mohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5476
Last post November 20, 2018, 08:26:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena isha baarkeeda hoose in uu boodboodo ?

Started by Saiid6666Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12977
Last post March 12, 2010, 09:46:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Isha oo aad moodo in waxa quraanjo oo kale ah hor socoto?

Started by Salaado caliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5590
Last post February 14, 2018, 02:03:04 PM
by Salaado cali