Author Topic: Su'aal: Wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska?  (Read 17240 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska?
« on: April 05, 2011, 07:33:59 AM »
ASC.  dhamaan bahda webka somalidoc.com iyo aqrishrayaalka sharafta leh.
salaan kadib  Dr waxaan isku arkay in muda wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska bidixda ah.
wax xanuun ah iguma hayo dhaqtar ayan mar aaday waxuna iyiri  waa wax caafimadkaqaba  waxa kujira hadeysan xanuun laheen anigana wan shakiyay oo waxan arkay dad naasuhu   cuduro uga dhacaan sida kansarka ama buro  wuxu waxay u egyihiin buro cml oo gudaha naska ku jirta  balse waxba xanuun ah iguma hayaan only markaan taabto ayaan dareemayaa murtaan iiga jirta naaska marka adoo mahadsan  ma noqonkaraa waxan kansar ama buro ???????????




Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: su aal ku sabsan naaska
« Reply #1 on: April 05, 2011, 11:29:15 AM »
Ws wr wbr .

Abaayo Ashwaaq , su,aalahaan kasoo jawaab adoo mahadsan

1. Dhakhtarka aa u tagtay oo ku dhahay waa wax caafimaad qabo , makugu sameeyay wax baaritaan ah , hadii ee jiraan baaritaano aa sameeysay soo sheeg noocee ahaayeen??? waxba ha hilmaamin xataa haduu adi kula yaryahay nooc kasta oo baaritaan ah aa sameeysay isku day inaa xasuusato soona qorto

2. ilaa goorma uu kugu yaalaa yacni mudo intee le,eg aa kasoo wareegtay markuu kaasoo baxay kadib ??? dhakhtarkana goormee aheed markuu ku arkay??

3. qiyaasta waxa ka wadaa xajmigiisa ama size kiisa ma kordhaayaa ilaa markuu kaasoo baxay mise waa sidiisa?

4. adiga gabar maa tahay mise hoooyo??

5.Dhakhtarka ku arkay ma Somalia gudaheedaa ( coz waxaa ognahay in Somalia dhaxdeeda baaritaano badan eesan ku suurtoobeen mise waa wadanka banaankiisa ???)

6. Reerkina maku jiraa qof hada kahor kudhacay xanuun noocaan ah gaar ahaan dumarka isku day ilaa ayeeyo inaa xasuusatid ??



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: Su'aal: Wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska?
« Reply #2 on: April 05, 2011, 10:05:32 PM »
As wr wbr ..

Walaal akhri mawduucaan uu horay uga hadlay Dr. SomaliDoc may be in su,ashaada jawaabteeda aa ka heshid halkaan,waxii faahfahin intaas dheer halkan kaso sheego.

http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html


ws wr wbr



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska?
« Reply #3 on: April 06, 2011, 07:10:02 PM »
asc waad mahadsantahey Dr NOORA, inta kadib su aasha  1 waad oo aad i waydiisay  ee ah  dharqtarka  aad u tagtey  baaritaan noocee ah buu kugu sameyay , horta aniga dhartarka waxan u tagey  week ka hor  wax baaritaan oo  camira ah igu sameen kaliya meesha ban tusay  waxuuna  iga qaday dhiig kadibna wax dhibata malahn buu iyiri,
Tan 2 baad , dhaqtarka marka u tagey iyo marka arkay 2days u dhaxeysay
Tan 3 xaad  qiyaas ahaan waxuu la egyahey   liin dhanaanta jeexeeda cml 2 marka loo dhigo  waxaana arkay mardhow  intii baryo ah intiibuuna la egyahey ma siyaadin wax xanuun ah kama dareemo only wan shakiyay madama aan kan kale ka wayay wax saas cml ah
 Tan afraad aniga garbar ahey
5 dhaqtarka wa mid kenyati ah   waxuuna jooga dalka kenya oon wada joognaa
6 majiraan wax famligeena oo uu ku dhahey cudurkaas marka laga reemo  muzaay adeer iigu aadan oo  famli isla nahey oo beerka kansar kaga dhacay oona u dhintey kaas oo u xanuunsan jiray
                 thanks Mr NOORA WAAKU WAAS JAWAABTA SULAAHALA ISOO WAYDIISAY  THANKS

Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: Su'aal: Wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska?
« Reply #4 on: April 07, 2011, 10:15:05 PM »
Fibroadenoma  of  breast


Waa Buro aan khatar laheen, yacni maaha Cancer, badanaana waxee ku dhacdaa gabdhaha yaryar (15 jir) ilaa  haweenka eey da,dooda kayartahay 30 sano.


Sababaha keeno iyo see ubadanyihiin dhacdooyinkooda


Waa nooca ugu caansan oo ku dhaco dumarka eey da,dooda kayartahay 30 sano iyo gabdhaha yaryar , Sababta keentana maaha mid lakasaayo ilaa hada , badanaa hal xabo aa kasoo baxo hal naas, laakiin mararka qeebtood waa dhacdaa in dhowr xabo ee kasoo baxaan hal naas , waana dhacdaa in eey hal mar kasoo baxaan labada naasba isku mar .

10% burooyinkaan kaligood ayaa baa,bao  sanad kadib , koritaankoodana ma dhaafo ilaa 5 cm..

Hadii eey dhacdo ineeysan baabi'in sanad gudahood , waxee ku baaba?aan marka eey haweenta gaarto da'da eey ku dhalmo deeyso ..

Waxaa dhici karto wakhtiga eey haweeneeyda uurka leedahay in uu koro burooyinkaan ama marka eey qaadato haweenta uu ku yaalo daawooyinka qeebtood sida hormons .ama dawooyinka difaca jirka kor uqaado.

Mararka qeebtood aan badneen khaasatan xiliga eey gabadha qaangaareeyso hadii uusoo baxo buroyinkaan waxaa dhici karto inuu si aad ah oo dhakhso ah u koro markaasna eey ubaahato in laqalo oo laga gooyo , ?

Fursada in eey burooyinkaan noqdaan kuwo xun oo Kansar ah ama ineey saacidaan soo bixitaano Kansaro kale aa ah mid aad uyar oo aan kabadneen 3%,  waxaana laga yaabaa inee fursada sii kororto hadii lagooyo kadib ilaa 6%.
Waxaa laga maarmaan ah in lahubsado burada soo baxday inee tahay mid noocaan ah si aan loogu khaldin Kansar .


Calaamadaha lagu garto Burooyinkaan


Buro la taaban karo aan xanuun laheen (badanaa) oo qaab wareeg ah leh  wuxuuna caan ku yahay in si sahal ah loo dhaqaajin karo  korkiisana waa siman yahay  sibibix ah .

Sida loo Diagnosis gareeyo (tashkhiis loogu sameeyo) loo baaro.


1.Badanaa uma baahna baaritaano kale , saan kor ku sheegnayba wuxuu uga duwanyahay Burooyinka kale oo kasoo baxaan Naasaha in eeysan xanuun laheen , si sahal ah loo dhaqaajin karo , dushiisana yahay mid siman oo sibibix ah ,qiyaastiisana ilaa 5cm, badanaana dhakhtarka wuxuu ku garan karaa baaritaan uu kusameeyo qofka ka sheeganaayo oo kaliya

2.Mammogram Nooc raajooyinka ka mid ah laakiin ugaar ah Naasaha.
Wuxuu u muuqanaayaa buro madoow oo wareegsan .

3.FNAC (fine needle aspiration cytology
In irbad lagaliyo burada si dhacan looga qaado , dhacaankasna  labaaro

4.Biopsy  in gabal cad ah laga gooyo burada kadibna labaaro , waxaana jiro qaabab badan oo loo sameeyo.


Daaweeyntiisa .


Marka hore waa inu dhakhtarkaaga kuu sheegaa kuu hubiyaa in buradaada ee tahay Fibroadenoma

Badanaa uma baahna in la daaweeyo gaar ahaan haduusan weeynaaneen oo uusan keenin xanuun,waxaana dhici karto inuu kaligiis iska baxo

lasocosho joogto ah xaaladaada dhakhtarka lasocdo.

In laqalo oo lasaaro , qaliinka waxaa badanaa uu ku fiicanyahay haweenka da,dooda ee kor u dhaaftay 30 sano ama burooyinka qiyaastooda aadka u weeyntahay oo sida dhakhsaha ukoraan ,laakiin waxaa muhiim ah in aa xasuusnaatid in qaliinka kadib ee leeyihiin fursad inee soo noqdaan.

Inaad raacdid qaab cunto gaar ah  

Inaa yareeysid cunooyinka dufanka ku badanyahay , iyo inaa badsatid khudaarta iyo fruits ka ,iyo inaa qaadatid Vitamin C,

Inaa yareeysid qaadasha Shaaha iyo Qaxwada iyo Shukulaatoyinka ,

Saliid qandac ah oo aa ku daliigtid waxeey keeni kartaa qiyaasta burada oo yaraata.




you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline Ashwaaq

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 36
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska?
« Reply #5 on: April 13, 2011, 04:13:00 PM »
asc Waad mahadsantahey Dr noora waxaan ku waydiinaya 2 su aal
1 maxaa lagu ogaada xanuunka  kansarka maxuuse kabilaabankaraa
2 waxaan rabaa in aan ogaado  mutraan yar ee ku taalo naaska taas oo ah mid aan xanuun igu heen habayaraatee
marka ma qalab u gaar ah ya jiro sida aan filimka ku arkay ? haduuse jiro waa nuucee waxan raba in aan isku baaro oon ogaado mutraan yar   thanks  aad ayaad ugu mahadsantihiin dhaman xumnaha somali.docom  thanks All

Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: Su'aal: Wax qanjir cml ah oo iiga dhexyaalo naaska?
« Reply #6 on: April 14, 2011, 12:50:44 PM »
Ws wr wbr.

Xanuunka Kansarka waxaa lagu ogaan karaa , baaritaan labaaro cayino laga qaaday ama gabal burada  soo baxay ,
sida Biopsy ama FNAC (fine needle aspiration cytology , labada kor aan ku sheegnay sida loo sameeyo .
waxaa kaloo lagu ogaan karaa , raajada Mammogram  iyadoo kansar kasta raajo ahaan uu leeyahay calamaado lagu garto kuwaas oo uu kuu sheegi dooono dhakhtarkaaga hadii eey ka muuqdaan raajada uu sameeyo qofka jiran.

Kansarka waxaas uu ka bilaaban karaa lama dhihi karo , laakiin waxaa jiro jaanisyaal ziyadiyo inuu qofka ku dhaco
Kansarka Naasaha masalan waxaa ziyaadin karo jaaniska inuu kudhaco

Inaa tahay haweeneey

In eey da' weeyntahay haweenta >50 sano ( tan micnaheeda maaha in haweeneey kayar 50 sano uusan ku dhaceen , ee waxaa waaye in haweeneeyda 50 sano kaween eey leedahay jaanis kabadan tan kayar 50)

In uu jiro taariikh dhaxaltooyo oo jiradaan ( sida qof inuu horay ugu dhacay reerka kamid ah)

Hada kahor haduu horay ugu dhacay kansar 2da naas mid kamid ah

Ilma eeysan dhalin qofta haweenta ah ama cunuga koowaad oo eey ku dhaso 30 sano kadib

Ilmaha oo eeysan nuujin



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora


 

Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15128
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15249
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18554
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?

Started by ShuuriyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7307
Last post May 19, 2011, 08:43:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa wajiga iiga soo baxay baro yaryar oo badan?

Started by ZazkyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8937
Last post April 23, 2013, 01:45:58 PM
by SomaliDoc