Author Topic: Su'aal: faruryaha afka aya idildilaca marwalbo?  (Read 8820 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Abdikani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: faruryaha afka aya idildilaca marwalbo?
« on: April 09, 2011, 03:00:01 PM »
faruryaha afka aya idildilaca marwalbo waxana mariya vaseline marmarka qaar markan kadaayo marinti vaseline way idilacayan qolfo aya kakaco ana marabo marwalbo inan isticmalo vaseline marka dr maxad igula talin lahayd in ansameyo




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: faruryaha afka aya idildilaca marwalbo?
« Reply #1 on: April 11, 2011, 06:52:58 PM »
Faruuryaha oo dildillaaca oo qolfoof yeeshaan "Cheilitis" waa xaalad ka dhalato markii faruuryuhu qallaalaan kadibna dillaacaan maxaa yeelay badanaa faruuryaha waxaa dulsaaran xuub yar oo dufan leh oo eebbe ugu talagalay in uu subkiyo faruuryaha, haddii xuubkaas la waayo ama laga qaado faruuryaha ayaa dhibkaan la arkaa.

Calaamadaha:
Calaamdaha faruuryaha dildillaaca waxaa ka mid ah: faruuryo qalleel, barar, jeexjeex yar, dubka oo ka fiiqmo.
Haddii dildillaaca uu weynyahay faruuryaha way dhiigaan xanuunne way keenaan.

Sababaha:
Faruuryaha oo jeexjeema wax badan ayaa keeni karo laakiin waxaa ugu caansan faruuryaha jeexjeexmo xilliga qaboobaha.
Waxyaabaha kale ee caanka ah oo faruuryaha dillaaciya waxaa ka mid ah caadada faruur leefleefka taasoo xuubka dufanka leh ka qaaddo.

Daaweyn:
kareemka batroolka ka samaysan sida faasaliinta ayaa ah daaweyn ku meel gaar ah.
Dheecaannada wax burburiya ee calyada laga helo "enzymes" ayaa qaar waxay dhaawac u gaystaan faruuryaha oo dildillaaciyaan, taasne waxaa looga taxaddari karaa oo lagu daweyn karaa in aad joojisid haddii aad leedahay caadada faruuryaha in la leefo.

Guri Ku Daaweyn:
Malabka waa daaweynta ugu fiican oo lagu daaweeyo faruuryo jeexanka, waa in faruuryaha la mariyo maadaama malabka uu subkayo uuna leeyahay maaddo la dagaallanto bakteeriyada.

Ka hortag:
Iska ilaali in aad cabto biyaha aashitada leh ama biyaha aad u qabow maadaama ay dhaawacaan faruuryaha.
Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadato waxaa laga yaabaa in ay keenaan faruuryo dillaaca.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdikani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: faruryaha afka aya idildilaca marwalbo?
« Reply #2 on: April 11, 2011, 09:51:49 PM »
thank you doctor ilaahay hakaa awaal mariyo


 

Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 40247
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61400
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29620
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Suáal: Xanfaf xaga farurta hose ee afka?

Started by AshwaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 13238
Last post May 16, 2010, 09:48:05 PM
by SomaliDoc
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 29074
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc