Author Topic: SU'AAL: NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO?  (Read 96945 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Suhuur

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
waan ku salaamay DR

su'aasha aan idin weydinaya idinkoo mahsan walaalayaal waxey tahay
NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO/XANUUN?
HADII AY XANUUNTAHAY MAXAA LAGU DAWEYKARAA?
waad mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad noogu adeegtaa jawaabtana waa idinka sugaya insha'allah
webkaan waanku wareeray DR waxaan kaa codsanaya in aad jawaabta EMAIL keega iigu soo dirtid adigoo aad umahadsan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Naasaha oo aan cabirkooda isla ekayn waa arrin aad uga walwaliso hablaha qaar, sidaas awgeed waa muhiim in la ogaado in naasaha oo aan isla ekeen in ay caadi ahaan dhici karo, hiddo raac ha ahaato ama sabab aan la garanynba.
Naasaha korriinkooda wuxuu ku xiranyahay qaabka hormoonka "Estrogen-ka" uu u saameeyo iyo jawaab celinta uu naaska ka bixiyo taasoo badanaa bilaabato laba sano ka hor qiyaas ahaan markii gabadha qaangaarto oo dhigga ugu horreeyo ku dhaco.

Kadib naaska wuu sii koraa, xilligaas korriimada ay socoto naaska wuu kala kori karaa inkastoo farqi aad u weyn uusan jirin laakiin wuu isa soo gaaraa muddo 6 sano gudahood.

Wixii xilligaas ka dambeeya naaska korriinkiisa wuxuu is badalaa badanaa xilliga uurka iyo xilliga xaydka gabdhaha uu ka yimaado.
Farqiga u dahxeeyo labada naas ee kala koray maahan wax saa u weyn oo waxaa la yiraahdaa haddii naas gashiga "Bra" uu wada qaadi karo farqigaas wax la sheego maahan laakiin haddii naas gashiga uu hal naas uu cariiri ko noqdo, farqiga u dhaxeeyo labada naas wuu badanyahay.

Kala koriinka naasaha haddii ay bilaabmeen da'da 20 sano ka dib uurna aadan lahayn, waxaad eegtaa in naaska weynaaday in uu leeyahay wax barar, burtuqyo, daqnasho, qanjirrada kilkilaha oo bararn, midabka naaska badalan, nabro ka soo baxay ama ibta oo dheecaan keento ama midabkeeda oo is badalo.
Haddii aad isku aragto calaamadahaas waxaad u baahantahay in takhtar aad la xiriirto, haddii aadan lahayn astaamahaan kor ku xusan waxba haka welwelin waa arrin dabiici ah, xaaladaha qaarne dhaxal ayay noqdaan, qaarka kalane korriinka qanjirada labada naas ayaa kala firfircoon oo korriimadoodu kala horeeyaan.

AKHRISO QORAAL KU SAABSAN BURUQ NAASKAKA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?

Started by AlkatraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 63858
Last post April 29, 2016, 09:52:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal:- Qofku inuu Xannuunka Sonkorta Qabo Maka Dareemi Karaa Kaadidda Urkeeda?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34892
Last post January 06, 2012, 10:02:19 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34432
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca
Maxaa keena in ay dibnahaaga qolof cad korto? Maxaase lagula tacaali karaa?

Started by Cabdi2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24014
Last post February 15, 2016, 05:22:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: cunug 7 bilood jira olive oil dhegta malooga shubi karaa?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 11521
Last post April 03, 2011, 07:21:30 PM
by Abdikani