Author Topic: Su'aal: Waxaan isku arkay qooraha oo hoos u dheeraaday?  (Read 78391 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ugaas141

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waxaan isku arkay qooraha oo hoos u dheeraaday?
« on: April 10, 2011, 09:08:08 AM »
asc dhamaan akhyaarta webka somalidoc aad iyo aad ayaad u mahadsantahiin
sida fiican ee aad dadka somaliyeed uga caawinaysaan mushkiladaha caafimaad
iyo talooyinka aad siinaysaan. jazaakalaa khayr

walal su'aal ayaan qabaa anigu su'aashuna waxaa weeyaan
mudo dhaw waxaan isku arkay xiniinyah ama dhikilaha oo hoos u dheeraaday oo positionkii hoos uga yara dhacay waanan fahmi waayay waxan sababay
waxaad moodaa inay jilceen walina ma guursan  waxan  wax sababayna ma garanayo. markaa dr bal hadii waxa talo iyo tusaale ah aad haysaan insha allah bal iga soo caawiya iyo waxaa lagu dawayn karo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xiniinyaha oo hoos u dheeraaday?
« Reply #1 on: April 11, 2011, 07:59:27 PM »


Shaqooyinka eebbe ugu talagalay qooraha waxaa ugu muhiimsan in ay xifidyaan heerkulka xaniinyaha waana in 2 degree uu mar waliba ka hooseeyo heerkulka jirka qeybihiisa kale.

Qooraha waxuuu ku saacidaa xaniinyaha in aysan qiyaastaas aysan ka badan kana yaraan haddii kale waxaa dhaawac gaarayo unugyada sameeyo shahwada oo qofka madhalays ayuu noqonayaa.

Waxuu qooraha uu dheeraadaa oo kala fidaa haddii kuleelka uu bato si xaniinyaha kulelka ay dareemeen loogu faafiyo qeybaha kale ee samaysmay markii qooraha ay fidaan, Haddii qabow uu yimaadane, qooraha way isu soo aruuraan oo caloosha dhinaceeda ayay qandhac ka soo raadiyaan - waana awoodda alle inuu jirka ku abuuray isbadalbadalkaasa adigoo aanan war kahaynin.

Muruqa u xilsaaran fidinta iyo isu soo aruurinta qooraha waxaa la yiraahdaa "cremaster muscle" wayna ku kala duwanyihiin ragga oo isku cabir ma noqdo qooraha markii uu fido ama uu yaraado, da'dane way ku xiran tahay, kullamaa qofka uu waynaado, kullamaa muruqa uu weynaado.

Waxaa kaloo qooraha hoos u dheerayn karo haddii qulqulka dhiiga ee xiniinyaha soo galo haddii ay bataan, tan oo aad looga fahmo xiniinta bidix oo hoos u dheeraato, waana arrin marmarka qaar caadi ah, wax dhibne ma keento, laakiin haddii dhiiga ku soo aruuray uu kabixi waayo ama barar xididada uu yimaado waxaa loo yaqaanaa cilladaan "Varicocel", ka akhriso halkaan cilladaan waxa ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3852.msg11456.html#msg11456
Waxyaabaha kale oo dheereeyo qooraha ayaa waxaa ka mid ah in la jiidjiido taasoo ragga qaar caado u ah.

Haddii ay jiraan su'aal caafimaad ah iigu soo dir qeybta su'aalah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ugaas141

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xiniinyaha oo hoos u dheeraaday?
« Reply #2 on: April 13, 2011, 07:46:19 AM »
walal aad iyo aad ayaad u mahadsantahiin sida fiican ee aad iigaga soo jawaabteen su'aashayda, markale waad mahadsantahiin
hadii aan jawaabtii dib ugu yar noqdo aad isoo siiseen waxaad tidhi marka heerkulku sareeyo ayaa xiniinyaha dheereeya waana run inta badan marka ay cadceedu kulushahay waa dheeraadaa marka uu dhulku qaboobana waa ururaa
markaa waxaa dadka qaar yidhaadnaa shaaha oo kale waa dheereeyaa ee shaaha iska daa yaanad qoodho dheeraan ka qaadine taasi oo kale maxaa ka jira?

- mida kale dharka hoose ee sida short oo kale oo aad kuugu dhagsan ma wax dhib ayaa uu leeyahay ?

walal bal kuwaana isku day inaad ka jawaabto wixii alle kaa garansiiyo

Jazaa kalaa khayr

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay xiniinyaha oo hoos u dheeraaday?
« Reply #3 on: April 14, 2011, 07:10:13 PM »
Midda shaaha ku saabsan maahan wax cilmi ahaan jiro ee waxa laga hadlayo waa kuleylka cimillada ee maahan waxa kulul ee la cabo.

Wax walba oo cadaadiyo xaniinyaha waxay keenaan xanuun sida in aad xirato nigis kugu nagan, in aad baaskiil fuusho muddo dheer, in canjirrada aad ku dhex cadaadisid.

Xanuunku wuxuu ka dhashaa markii la cadaadiyo xaniinyaha in qulqulka dhiigga ka xirmo kadibne uu ceejismo, haddii sidaa in muddo ah lagu hayane waxay dhaawac u keenaysaa xaniinyaha iyo shaqadiisaba.

Tani waxay la mid tahay lugta oo kabaabyooto haddii lagu fadhiisto in muddo ah, taasoo iyadane uu ka xirmay dhiigga.

Xanuunka aad daremeyso waa dhambaal kuu sheegayo in cadaadis aad ku haysid xaniinyaha oo aad ka qaaddo culeyska waa arrin wanaagsan oo lagaa doonayo markaa in aad cadaadis ka qaaddo jirkaaga xubin ka mid ah haddii ay ku xanuunto.

Wuxuu xanuunkaan ka dhasho cadaadiska u badanyahay dadka muddada dheer fadhiyo sida darawallada baabuurta safarrada dhaadheer gasho iyo dadka xafiisyada ka shaqeeyo oo muddada dheer fadhiyo.

Talo: ha xiran nigis ama surwaal kugu dhaggan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abu-ayub

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay qooraha oo hoos u dheeraaday?
« Reply #4 on: February 10, 2016, 05:23:25 AM »
aad iyo aad bad ugu mahadsan tihiin bahda SomaliDoc.com sida wanaadsan ee aad inoga soo jawabten su'ashi aanu idin waydinay inaga oo aanan iska warqabin ileen ragu waa isla arkeene xaninyahan marna dheeranaya marna is aruurinaya.
wadkumahadsan tihiin cilmigiina aad nooga faa'iideyseen.
????? ???? ????


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25769
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26474
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24768
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9870
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

Started by Umu MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9394
Last post February 12, 2016, 08:11:39 PM
by SomaliDoc