Author Topic: Su'aal: What is the vitamin E?  (Read 9086 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Su'aal: What is the vitamin E?
« on: September 30, 2011, 10:17:01 AM »
Marka hore waxaan aad u salaamaya dhakhtarada iyo hawl-wadeenada webkan somalidoc.com. waxaan kale oo salaamaya xubnaha kale ee webka ku xidhan. intaa ka bacdi waxaan dhakhtarada uga baahnaa inay ii sharaxaan dawada vitamin e, waxa ay qabato iyo meelaha ay u roontahay. waxaan kale oo u baahnaa in la ii sheego dawooyinka aan lala qaadan karin ama ay contra isku yihiin. gaar ahaan malala qaadan karaa dawooyinka ay ka mid yihiin antidepressants-ka, yacni qof isticmaala dawooyinka CNS-ka loo qoray oo ay u socdaan ma qaadan karaa daawada vitamin e?.  qofka macaanka qaba isagana ka warama ma qaadan karaa isla dawada vitamin e?. waad ku mahadsantihiin walaalayaal maalinkasta talooy




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: What is the vitamin E?
« Reply #1 on: October 07, 2011, 01:04:08 PM »
Fitamiinka nooca E waxaa si dabiic ah looga helaa cunnooyinka qaar sida canbaha, looska, zaytuunka, yaanyada, saliidda gabaldayaha, bataati macaanka iyo babaayga.

SIdaa dabiiciga ah fitamiinka E waxaa cunnada looga helaa 8 nooc oo kala duwan, hal nooc ayaana biniaadanka wax tar u leh kaasoo lagu magacaabo "Tocopherol".

Fitamiinka E waxaa lagu keydiyaa beerka markii jirka uu soo nuugo markii loo baahdane si tatiib ah ayaa dhiigga loogu soo fasaxaa.

Fitamiinka E wuxuu unugyada jirka ka ilaaliyaa in ay baabi'iyaan sunta jirka ku dhex samaysanto, taasoo haddii fitamiinka E uusan ka hortagin keento cudurro dhowr ah sida cudurrada wadnaha ku dhaco iyo kansarka.

Wuxuu kaloo ka xifdiyaa indhaha in ay daciifaan da'da markii ay weynaayo.

Wuxuu kaloo sare u qaadaa xifdinta iyo shaqaynta maskaxda.

Wuxuu kaloo fitamiinka E ka qaybqaataa kobcista difaaca jirka isagoo ka saacido waxyaabo badan.

Qofka weyn wuxuu u baahanyahay 15 mg oo fitamiin E ah.

Daawooyinka aan lala qaadan karin fitamiinka E waxaa ka mid ah: daawooyinka loo qaato xinjiroobista dhiigga, dawooyinka loo qaato kolestaroolka iyo daawooyinka lagu daaweeyo kansarka sida (Chemotherapy iyo Radiotherapy).

Qofka qabo sonkorowga wuu qaadan karaa vitamin E haddii takhtar u qoray, haddii kalane waxaa fiican in cunnooyinka laga helo aad badsato maadaama ay yihin walxooyin dabiici ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: What is the vitamin E?
« Reply #2 on: October 08, 2011, 12:15:27 AM »
Wll, hal su'aal qudha hadaan tii hore raacsado maxay ku kala duwan yihiin ama farqi intee le'eg ayaa u dhexeeya: VIT.E  AND  VIT.A?. Thanks walaal alle khayr hakugu abaal mariyo.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: What is the vitamin E?
« Reply #3 on: October 16, 2011, 12:11:19 AM »
Labada fitamiin isku shaqo maahan wayna kala duwan yihiin.
Sida aad kor ku aragtidba fitamiin E-ga faaidadiisa aad ayay u badantahay.

Fitamiin A-ga waa sidoo kale isagane wuxuu leeyahay faaidooyin dhowr ah oo ugu horreyso in indhaha uu caafimaadkooda dhinac walba uu ka qayb qaato khaas ahaan aragga.
Marka fitamiin A-ga wuxuu ku caan baxay watarkiisa dhinaca aragga, aad ayayna soomaalida u taqaannaa oo waxaa la dhihi karaa waa fitamiinka kaliya oo ay soomaalidu taqaanno waxaana aad looga helaa karrootada oo aad ugu badan tahay fitamiin A-ga.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Vitamin (D) يمنع انتقال سرطان الثدي لأعضاء أخرى

Started by MunimBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 6590
Last post May 28, 2008, 02:42:08 AM
by Munim
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24278
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10459
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: 9 vitamin muxuu yahay muxuuse taraa?

Started by DaauudgalaydhBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7932
Last post June 08, 2018, 05:25:18 PM
by SomaliDoc
Vitamin E Linked To Lung Cancer!!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 5354
Last post March 05, 2008, 10:10:48 AM
by Waxbaro!