Author Topic: Su'aal: daawooyinka Primalut N iyo Glo-power?  (Read 24351 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Su'aal: daawooyinka Primalut N iyo Glo-power?
« on: April 13, 2011, 10:08:20 AM »
walaal marka hore waan idin salaamaya dhakhtaradu meelkasta oo ay joogaana waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin dedaalkan fiican ee aad wadaan,
inkaa ka bacdi waxaan doonayaa inaad ii sharaxdaan ama iga jaahil saartaan labadan su'aalood ee kala ah:
-su'aasha koobaad: walaal kiniinka la dhaho primalut n tablet 5mg
sideebuu u shaqeeyaa oo jidhka bani adamka ula falgalaa (yacni qaab ahaan ma qanjidho ayuu hawlgeliyaa mise waa hormone jidhka ka maqan)
waxaana aad ugu baahanahay isticmaalkiisa sababtoo ah waxa igu maqaalo ah inuu dosage-kiisu kala gedisan yahay mararka qaarkood, maadaama oo uu sidaa u kala duduwan yahay dosage-kiisu maxaa sababa kala gedisnaanta ama isbedbedelkiisa.

waxaan kale oo aan aad iyo aad u jeclahay inaad si fiican iiga jaahil bixisaan
dawada la dhaho Glo-power ama super-power dawadaas oo ka samaysan (multi-vitamin+cyproheptadine) walaal dawadaasi waxa weeye dawada ugu isticmaalka badan ee haweenka iyo caruurtaba ay sida wayn ugu isticmaalaan dalkeena iyagoo ku raacaya oo keliya dhowr cisho oo ay cuntada si fiican u qaadanayaan (yacni appetite-ka oo u furmaya ka bacdina si dakhso ah ayuu uga joogsanayaa isla marka ay joojiyaan cunista dawadaas)
walaal dawadaasi waa dawada keliya ee aad arkaysid dadka oo intiisa badani isticmaalaan marka loo eego gobolada aan joogo ama aan xog ogaalka u ahay.

walaal waad mahadsan tihiin sidaa iyo jawaab wacan.

igana raali ahaada koley qoraalka waan badiyaye!




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: daawooyinka Primalut N iyo Glo-power?
« Reply #1 on: April 14, 2011, 09:23:07 PM »


Daawada Primolut N waxaa ku jirto hormoon gacan samays ah oo loo yaqaanno "Norethisterone", hormoonkaan waxuu qaban karaa shaqada hormoon jirka ku jiro oo loo yaqaanno "Progesterone"

Hormoonka progesterone wuxuu haweenka u taraa inuu sameeyo iyo inuu kobciyo xuubka minka ku dahaaran "Endometrium" taasoo muhiim u ah in uur yimaado maadaama ugxanta bacrinsan la rabo in ay ku beeranto meeshaas.
Taas macnaheedu wuxuu yahay markii uur uusan jirin hormoonka wuu yaraadaa oo xuubka wuu dildillaacaa oo wuu soo daataa taasoo ah caadada imaanayso.
Laakiin haddi uur ugxanta ay bacrinsanto, hormoonka wuu bataa oo xuubka wuu koraa oo shaqo ayuu isku diyaariyaa kadibne ugxanta ayaa lagu tallaalaa si ay ugu korto minka dhexdiisa sidaasne uu uurjiif ku noqoto idinka eebbe.

Sharaxaadaas waxaad ka fahmaysaa in daawadaan dhowr shaqo ay qaban karto laakiin ay ku xirantahay heerka hormoonka uu gaarsiisanyahay, haddii daawada qadar loogu talagalay in caadada badan ama dhiig minka ka socdo uu jiro way ka duwantahay markii caado la waayo oo imaan wayso cillad hormoonka dhinaciisa ah taasoo qadarka la qaadanayo ku xiran.
Norethisterone wuxuu qabtaa shaqada hormoonka dabiiciga ee progesterone sidaa awgeed maadaama hormoonka uu xilliyo gaar ah iyo qadarro gaar ah uu dhowr shaqo oo kala gadisan ku qabto, daawada Primolut N waa in sidaa loo qaataa iyo xilliyada loogu talagalay si hawshii la rabay u qabto.

Daawadaan waxay ku shaqo leedahay ariimaha la xiriiro xanuunnada caadada oo sida haddii la waayo "Amenorrhea", haddii xanuun keento "Dysmenorrhea", haddii ay badato "Menorrhagia: iyo haddii caadadu ay wareerto "metrorrhagia".

Xitaa marmarka qaar waxaa loo qaataa in caadada la soo daahiyo arrimo la xiriiro qofka mathalan qofkii rabo in uu safar galo ama arrin uu qabsado caadada ka horistagi karto sida xajka oo kale.

Wixii macluumaat intaa dheer oo ku saabsan daawada qadarkeeda iyo sida loo qaato iyo xilliyada la qaataba kala xiriir takhtarka qoray daawada.

Daawada kale ee cyproheptadine waa daawo loogu talogalay in lagu daaweeyo cudurro badan oo ay ka mid tahay xajiinta, sanboorka, goon-jabka iyo qarowga.
Daawadaan ayaa waxaa la arkay in cunnada u furto caruurta miisaankane kordhiso laakiin daawadaan sideedaba looma samayn in appetite-ka lagu daaweeyo ee laakiin sidaas ayay ku timid.
kadib ayaa waxaa diraasad lagu tijaabinayo mukulaalaha lagu xaqiijiyay in miisaanka kordhiso, appetitekane ay furto.
Daawadaan in lagu daaweyo cunno xumida ama in miisaanka lagu siyaadiyo sida aad ka dhawaajisayma la isku raacsane oo baaritaanno ayaa ku socda arrintaas maadaama miisaanka ay kordhiso waa kumeelgaar.
Haddi loo isticmaalo sidaanne waxay keensanaysaa in isticmaalkeeda uu bato qadarka laga qaadanayane u ubato taasoo keensanayso in cillado badan ka soo baxaan.
Baritaannada ku socdo in daawadaan loo ansixiyo in lagu daaweeyo cunno xumida ayaa socdo waliba go'aan lama gaarin.
http://clinicaltrials.gov/ct2/show/NCT01314989

Akhriso Caado Wareerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Akhriso Caadada xad dhaafka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.html
Akhriso Xanuunka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html
Akhriso Caadada dhiig la'aanta ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6280.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22825
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 29014
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 93993
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc
Noocyada Daawooyinka ee Diiqadda/Niyad Jabka?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 27015
Last post April 01, 2008, 01:43:20 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda

Started by Hassan BileBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21378
Last post April 04, 2011, 06:14:08 PM
by SomaliDoc