Daawada Primolut N waxaa ku jirto hormoon gacan samays ah oo loo yaqaanno "Norethisterone", hormoonkaan waxuu qaban karaa shaqada hormoon jirka ku jiro oo loo yaqaanno "Progesterone"
Hormoonka progesterone wuxuu haweenka u taraa inuu sameeyo iyo inuu kobciyo xuubka minka ku dahaaran "Endometrium" taasoo muhiim u ah in uur yimaado maadaama ugxanta bacrinsan la rabo in ay ku beeranto meeshaas.
Taas macnaheedu wuxuu yahay markii uur uusan jirin hormoonka wuu yaraadaa oo xuubka wuu dildillaacaa oo wuu soo daataa taasoo ah caadada imaanayso.
Laakiin haddi uur ugxanta ay bacrinsanto, hormoonka wuu bataa oo xuubka wuu koraa oo shaqo ayuu isku diyaariyaa kadibne ugxanta ayaa lagu tallaalaa si ay ugu korto minka dhexdiisa sidaasne uu uurjiif ku noqoto idinka eebbe.
Sharaxaadaas waxaad ka fahmaysaa in daawadaan dhowr shaqo ay qaban karto laakiin ay ku xirantahay heerka hormoonka uu gaarsiisanyahay, haddii daawada qadar loogu talagalay in caadada badan ama dhiig minka ka socdo uu jiro way ka duwantahay markii caado la waayo oo imaan wayso cillad hormoonka dhinaciisa ah taasoo qadarka la qaadanayo ku xiran.
Norethisterone wuxuu qabtaa shaqada hormoonka dabiiciga ee progesterone sidaa awgeed maadaama hormoonka uu xilliyo gaar ah iyo qadarro gaar ah uu dhowr shaqo oo kala gadisan ku qabto, daawada Primolut N waa in sidaa loo qaataa iyo xilliyada loogu talagalay si hawshii la rabay u qabto.
Daawadaan waxay ku shaqo leedahay ariimaha la xiriiro xanuunnada caadada oo sida haddii la waayo "Amenorrhea", haddii xanuun keento "Dysmenorrhea", haddii ay badato "Menorrhagia: iyo haddii caadadu ay wareerto "metrorrhagia".
Xitaa marmarka qaar waxaa loo qaataa in caadada la soo daahiyo arrimo la xiriiro qofka mathalan qofkii rabo in uu safar galo ama arrin uu qabsado caadada ka horistagi karto sida xajka oo kale.
Wixii macluumaat intaa dheer oo ku saabsan daawada qadarkeeda iyo sida loo qaato iyo xilliyada la qaataba kala xiriir takhtarka qoray daawada.
Daawada kale ee cyproheptadine waa daawo loogu talogalay in lagu daaweeyo cudurro badan oo ay ka mid tahay xajiinta, sanboorka, goon-jabka iyo qarowga.
Daawadaan ayaa waxaa la arkay in cunnada u furto caruurta miisaankane kordhiso laakiin daawadaan sideedaba looma samayn in appetite-ka lagu daaweeyo ee laakiin sidaas ayay ku timid.
kadib ayaa waxaa diraasad lagu tijaabinayo mukulaalaha lagu xaqiijiyay in miisaanka kordhiso, appetitekane ay furto.
Daawadaan in lagu daaweyo cunno xumida ama in miisaanka lagu siyaadiyo sida aad ka dhawaajisayma la isku raacsane oo baaritaanno ayaa ku socda arrintaas maadaama miisaanka ay kordhiso waa kumeelgaar.
Haddi loo isticmaalo sidaanne waxay keensanaysaa in isticmaalkeeda uu bato qadarka laga qaadanayane u ubato taasoo keensanayso in cillado badan ka soo baxaan.
Baritaannada ku socdo in daawadaan loo ansixiyo in lagu daaweeyo cunno xumida ayaa socdo waliba go'aan lama gaarin.
http://clinicaltrials.gov/ct2/show/NCT01314989
Akhriso Caado Wareerka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.htmlAkhriso Caadada xad dhaafka ah:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4157.0.htmlAkhriso Xanuunka caadada:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.htmlAkhriso Caadada dhiig la'aanta ah:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6280.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com